Home » Warar »

Madaxweyne Xasan Shiikh “Inkastoo Cunaqabateyntii Hubka la qaadey hadana ma jirto Dowlad Ciidamadeena wax siisey waana Midaa in uu Hakad uu ku yimaado…

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlayey Warbaahinta Xukuumadda ayaa dhinacyo kala duwan Hadaladiisa ku Taab taabtay gaar ahaana Siyaasadda Xukuumadda ee Gudaha.Madaxweynaha ayaa ugu horeynba ka hadlay sidii Xukuumaddiisa loogu ballaarin lahaa Degmooyinka gaar ahaana Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Xafiisyadii Dawladdu gaarsiisneyn.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in taasi Qorshaheeda iminka ay soconayaan dhawaan ay doonayaan in Xafiisyada Wasaaradaha Dawladda la geeyo Degmooyinka Gobolka Banaadir.Xasan Shiikh Maxamuud ayaa farta ku fiiqay in ay jireen Duruufo wixii hadda ka horeeyay aan saamaxayn in Xafiisyada Dawladda lagu Baahiyo Degaanada aysan gaarsiisnayn Maamulkii Xukuumadda isagoo si gaar ahna u xusay in sababahaasi ay ahayd dhinaca Ammaanka.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday Sababaha Ciidamada Dawladdu u qaadi la’yihiin Dagaalo ay Shabaab kaga saarayaan degaanada ay iminka ku sugan yihiin wuxuuna hoosta ka Xarriiqay in Ciidamada Dawladdu aysan haysan Awood Hub oo ku filan isla markaana haddii Amisom aysan dooneyn inay dagaal qaaddo in Ciidamada Dawladdu keligood dagaal qaadi Karin.

Arrintii Cunaqabataynta Hubka ayuu soo qaaday Madaxweynuhu isagoona ku nuux nuuxsaday in Cunaqabatayntii la qaaday hase yeeshee aanay weli jirin Dawlad qura oo Mucaawino u fidisay Ciidamada Soomaaliyeed sababtaasina ay keentay in lagu Tiirsanaado Ciidamada amsiom dhinaca Hawl galada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay dhinaca dib u Heshiisiinta Xukuumaddiisu ay ku tallaabsatay isagoona middaa ku sheegay in Guulo wax ku ool ah laga gaaray.Xasan Shiikh Maxamuud ayaa soo hadal qaaday shirkii dhawaan Addis Ababa ka dhacay wuxuuna ku macneeyay inuu ahaa shir loo baahnaa intii Mushiladdu sii jiitami lahaydna ay Xalka Door bideen

Isku soo Wada Duuboo hadalkan Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli loo diyaargaroobayo Sanad guuradii Koowad ee ka soo wareegatay Markii la dhisay Dawladda Federaalka Soomaaliya oo haatan Sanad jirsanaysa, hadalkana uu ahaa mid si hor u dhac ah uu Madaxweynuhu wax qabadka xukuumaddiisa uga hadlay

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.