Home » Warar »

Xukuumada oo Golaha ammaanka ka codsatay in xayiraada laga qaado Ganacsade Axmad Nuur Jimcaale

Warsaxaafadeed

Muqdisho -Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyagoo uga hadlay qodobo dhowr ah oo la xariira amniga, falkii shalay lagu dhaawacay haweeney u dhalatay dalka Sweden iyo codsi ay u jeediyeen golaha ammaanka ee Q/midoobay oo la xariira in dib loogu celiyo xorriyadiisa dhaqdhaqaaq ganacsade Axmed Nuur Jimcaale.

Ugu horeyntiina, Golaha Wasiirada waxay warbixin dheer ka dhegeysteen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana uu golaha uga waramay xaaladdaha amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, isaga oo sheegay in kooxo shalay fal toogasho ah u geystay gabar u dhalatay dalka Sweden iyo labo muwaadin Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in laamaha amnigu ay si deg deg ah ugu howlgaleen baarista dhacdadan ayna gacanta ku hayaan dad lagu tuhmayo inay ku lugleeyihiin, welina ay ku daba jiraan kuwo kale oo ka tirsan abaabulayaasha falkan.

“Runtii waxay aheyd nasiib daro qof dalka u yimid inuu ka qeyb qaato horumarinta shacabka in la dhibaateeyo, waxaana wadnaa baaris adag oo la xariira cida falkaasi ka dambeysay si talaabo adag looga qaado” ayuu yiri Wasiirka oo warbixin siinayay Golaha Wasiirada.
gole7
Gabagabadii kulanka, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo gaadiidka Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, wuxuuna xusay in Golaha Wasiiradu ay kulankooda diirada ku saareen xaaladda amniga dalka.

Sidoo kale, kulanka golaha ayaa lagu dhegeystay warbixin la xariirta qorshaha Boliiska Soomaaliyeed ee afarta sano ee soo socota 2013-2017, waxaana qorshahan oo aad u ballaaran soo bandhigay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana qorshahan ku jira in la horumariyo tayada, tirada iyo tababarada ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay u fududaato sugida amniga dalka.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in Golaha Wasiiradu ay aad u dhegeysteen warbixin ay soo bandhigeen guddi loo xil saaray inay soo baaraan eedaha sheegaya in ganacsade Axmad Nuur Jimcaale uu ku lug leeyahay falal argagixiso. Taasoo sababtay in golaha ammaanku ay xayiraan dhaqdhaqaaqiisa.

Guddigan oo ka koobnaa saraakiil ka tirsan hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka ee dawladda Federaalka, khabiiro amni, iyo xubno ka tirsan ururada bulshada rayidka ah ayaa in muddo ah waday baarista xogta la xariirta eedaha loo jeediyay ganacsade Axmad Nuur Jimcaale. Isaga oo tilmaamay in Howlwadeenada baarayay eedahan ay la xariireen dhamaan cid kasta oo ay xog ka heli kareen, ayna safaro ku tageen dalal dibadda ah. Sidoo kalena ay wareysteen qeybaha bulshada, gaar ahaana Culimo, odayaal, ganacsato, iyo dad magac ku leh bulshada dhexdeeda.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Ciilmooge ayaa ugu dambeyntii sheegay in golaha Wasiirada dood dheer kadib, ay go’aamiyeen in Mudane Axmad Nuur Jimcaale laga qaado xayiraada, loona soo celiyo xorriyadiisa shaqsiyadeed.

“Dawladda Soomaaliyeed waxay beesha caalamka ugu baaqeysaa inay ku tixgeliso go’aankan” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo dhanka kale xusay in go’aakan ay u gudbin doonaan si deg deg ah golaha ammaanka ee Q/midoobay, wuxuuna dhanka kale xusay in go’aankani qeyb ka yahay dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo in dawladda Soomaaliyeed ay taageerto illaalinta xaquuqda, sharafta iyo hantida Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

August 22, 2013

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.