Home » Faallo »

Warqad furan oo ku socota Culimadda Soomaliyeed gaar ahaan, Sh Umal, Sh Bashiir Ahmed Salaad iyo Sh Ali Warsame

Sh Hassan Daahir waxaa xukumey Shabaab waxaana lagu xukumey daarul Xadiis Nairobi memberkiisa, kadiban wuu maalin cad kasoo tagey shabaab iyo ehelkiisa, waxaana uu gacanta u galey shabaab sharciyeysan ee maxay tahay doorka culimida?

Sh Hassan Daahir miyaanan lagu qiimeyneyn ka hor imaadkii uu ka hor yimid Dowladii Maxamed Siyaad, isagoo hadafkiisu yahay diin. Miyaaanan lagu xasuusaneyn markii Soomaalidu ay isu qaadatey mindiyaha qabiil oo uu seefta galka kala baxay si uu u difaaco diinta, ee qabiilka u badeley diinta. Si uu u yareeyo coleytanka beelaha korna u qaado kalmada Rabi xiligii sagaashamaadkii ?!!

Waxaan isla wada ognahay in qadiyada dalka Soomaliyeed uu tuutaha u xirtey si uu uga saaro isticmaarka Soomaali galbeeed xiligii ”77” sidoo kale in la eego markii uu cadowga kusoo duuley degmooyinka Luuq shaqsiyaadkii ka horatagey ee qoriga u qaatey inuu ahaay Sh. Xasan.

Sow ma aheyn hogaankii dalka uu ka saarey cadaabkii worlordka ay shacabka ku hayeen amase ka ganacsigii madaxyada ducaada iyo culimada ee soo gaarey ilaa dhamaadkii 2005. Furayna Airporka iyo dekadaba Muqdisho. Maantana laga soo dejiyaya airporkii uu furey isagoo la tikhaantikheynayo.

hassandaahirSh Umalow miyaaad ilowdey inuu ahaa ninkii kugu soo dhaweeyay Muqdisho Masjidkii Isbaheysiga ee ku siiyay qudbadii ugu horeysey ee laga akhriyo intii dowladii dhaxe burburtey ee aduunka oo dhan laga daawadey, maalintaas dacwadaada gudaneysey oo ku saabsaneyd in la ilaaliyo nimcada uu Ilaah siiyay reer Muqdisho gaar ahaan iyo guud ahaan Soomaali oo dhan, nimcadaas uu Sh Hassan Dahir Aweys u ahaa garwadeen..

Xiligii Malez Zenawi uu kusoo duuley dalka oo isticmaarka qabsadey caasimada ninkii gulufka kala hurtagey si uu dalka ugu xoreeyo markii lagula dagaalamey cir iyo dhul iyo bad.

Sh Hassan Daahir markii Xisbul Islaam laga bililiqeystey oo dhiiga ay u damceen in shabaabka ay daadiyaan oo shacabka lagu dul dagaalamo sida uu u maareeyay isagoo madluun ahna la kaxeystey sidii Sh Hassan Turki.

Miyaynaan fiirineyn,sida uu uga gilgishey markii la laynayay qeybaha kala duwan ee bulshada sida: Prof Cadow iyo ardadii la socotey, tii ku xigtey tiyaaterka sidii uu uga biyo diidey laynta dadka shacabka ah iyo leynta culimada asalka u aheyd diintan sida Dr Ahmed Xaaji Abdirahman iyo Sh Abdulqaadir Gacamey Ilaahey ha u naxariistee kuligoodba. Kuwaas oo dhana na tusinaya sida uusan ugu manhaj duwanyahay dhalinyarada manhajka ka wareerey ee la magacbaxay shabaab.

Waxaan ognahay in inbadan laguu soo bandhigey in Shabaab caam ahaan la fogeeyo oo dhiigooda la baneysto, laakin aad uga warwareegatay adigoo markaas diintaada ilaashanaya, laakin aad laheyd kuli lama wada xukumi karo waxaa ku jira qaar aan qaadaneyn xukunkas, miyuusan kamid aheyn ragaas Sh Hassan Dahir.

Miyuusan inaba laheyn xaq lagu garab istaago markii uu kasoo cararey xukunkii ay saareen reer darul Xadiis ee ugu horeeyo Xasaan Xussen?!!

Markii uu kasoo cararey shabaab iyo fadwadii Xasaan Xusseen ee dhiigiisa lagu baneysanayay kuwii ka ag dhawaana dhegta dhiiga loo darey Sida alaha u naxariistee Sh Afqaani iyo Macalim Burhaan.kadibna ee uu ku dhacay gacanta Shabaabka sharciyeysan, kuwaasoo aan Ilaahna uga baqeyn sharaf iyo diina xeerineyn iyo ninka taariikhdaas leh. Waatuu odayaashii lala dhacay baad iyo buntukhba, markaa miyuusan mudneyn inaba ha yaraatee hiil xaq loogu hiiliyo??!!!

Mise dhihi karnaa ,marka laga tago meediyaha ku hadla afka qabyaalada ee xukumaa maalinkasta Sh Hassan Daahir, waa halyeeygii ama sayid Mohamed Abdulle Hassankii 2aad.

Ee markuu dhintaa dhihi doonaa waa halyeey waa sayidkii labaad.

Sh Caliyoow aawey qaraabanimadii iyo sokeeyonimadiiba?. Waa maree wa shaqsi diineed, waa marka xigee miyuusan xigaal aheyn miyuu mudneyn in memberkada inaba ha yaraatee wuxuu xaq ku leeyahay laga siiyo.

Sh Bashiir ma cadaalad baa in worlordyadii dalka laga saarey iney madaxda iyo xeer ilaaliyaha xukumayaa ay yihiin qadiyada Sh Hassan Dahir Aweys, kuwaas oo ku jiraan baarlamaanka iyo madaxda dalkaba, heyadaha muqaabaraadkaba iyo qudaadaba. Isla sidaas oo kalana maalinkasta dil iyo kufsi iyo xarig xitaa wariyeyaashaba u geysta.

Waxaan ognahay maanta oo bishu ramadaan tahay 9 in ku jiro gacan shabaab sharciyeysan, yaa looga baqayaa sheekhaas waayeelka ah ee 70 kor u dhaafey ee lagu dulmiyey diintiisa iyo hadafkiisa in xaqiisa la siiyo, aawey doorkii culimada mise shabaabka sharciyeysan ayaa ka awood badan shabaabka kale.??!!

Miyaan Ilaah nagu eegeyn waxaan ka dhahno Sh Hassan Dahir Aweys ???!!!!!!!!! Mise waxaan wax ka qaadanayna 300 ee tv, radio, website iyo sawirgacmeedyada ee loogu talagaley marin habaabinta qadiyadaha iyo ka leexinta hadafka asalka noo ah, ee doorka diinta islaamka.

Hadalkii ugu danbeeyey ee Sh Hassan Dahir Aweys markii diyaarada Cadaado xooga loogu saarey wuxuu ahaa “War adinka I dila!.. ee ha I dhiibina!!!!”. “Ninka sidaa usoo halgamey manhajkiisuna yahay sidaa u cadyahay, aawey xaqii uu idinku lahaa ama ee doorkii Culimadda ee qadiyadaas?!!!”

Wabilaahi towfiiq

Waxaa qorey

Yassin Beynax
Stockholm, Sweden
09 Ramadan 1434

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.