Waxaa Habeenkii Xalay ahaa Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho ku Geeriyootay Marxuum Xaawo Cawaale Abtidoon (Xaawo Yareey )oo ahayd Gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horeysey ee Dibutaati ama Xildhibaan ka Noqota Baarlamaan Soomaaliyeed.
Xaawa yareey oo magac ku lahayd Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku dhalatay Magaalada Ceel Buur ee Gobolka Galgaduud sanadkii 1925kii sida ay Warbaahinta u sheegtay Xaliima Shiikh oo Habar Wadaag ay yihiin Marxuumadda.
Xaliima ayaa sheegtay in Marxuumaddu yaraanteedii aysan helin waxbarasho maadaama halkii ay ku dhasheen ay ahayd meel Miyi ah isla markaana aan laga aqoon Wa barshada taasoo markii dambe Xaawo yareey ay soo wareegtay dhinaca Magaalada Muqdisho.
Xaawo Yareey ayaa qayb ka ahayd Haweenkii Halgamayasha SYLka iyadoo Sanadkii 1965kiina ku Guulaysatay Xildhibaanad Baarlamaankii Soomaaliya ee xiligaas iyadoona noqotay Gabadhii Soomaaliyeed ee u horeysey ee Xilkaas ku guulaysata.Marxuumadda ayaa Kacaankii kaddib waxa ay noqotay Ganacsade Xoolaha u Dhoofisa dhinaca Dalalka Carabta halkaasoo Ganacsi xoog badan ay ka sameysey.
Kun iyo Sagaal Boqol iyo Sagaashameeyadii Xaawo Yareey waxa ay ka mid ahayd Taageerayaashii Gen Caydiid iyadoona ka mid ah Xubnihii SNAda ee sida aadka ah u taageerayay Gen Caydiid. Ugu dambayntii Xaawo waxay muddooyinkii danbe ku Xanuunsanayseyd Magaalada Muqdisho iyadoo isku dey badan oo la doonayay in dibadaha loo qaado iska diiday sheegtayna inaysan Dalkeeda marnaba ka baxayn taasoo ugu dambayntiina Habeenkii Xalay ahaa ku Geeryootay Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.