Home » Warar »

Qaramadda Midoobey oo sheegtey in uu Hoos u Dhac ku Yimid Tahriibayaashii Soomaalida ee Dalka Yaman soo Gali Jiray.

Warbixin ay diyaarisey Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo UNHCR loogu yeero ayaa ka hadashay Tahriibayaashii Soomaalida oo ku soo shubmi jiray Dalka Yaman.War Bixinta ay Hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in Sanadkii la soo dhaafay ee 2012kii ay ahayd sanadkii ugu yeeraa ee Soomaalida ka soo talowda Soomaaliya ee soo gala Dalka yaman

Hay’adda ayaa hoosta ka xarriiqday in Sanadkii la soo dhaafay in Tahrribayaal gaaraya illaa Boqol Kun oo Tahriibayaal ah in ay soo galeen Dalka Yaman kuwaasoo marka Shan Meelood loo qaybiyo 4.5 ay Itoobiyan ahaayeen halka Barka soo harayna ay Soomaali ahaayeen.Tahriibayaashii ugu danbeeyay ee dalka Yaman soo galayay ayaa sida war bixinta lagu sheegay waxa ay ka soo hayaamayeen Dalka Itoobiya kuwaasoo ka soo tallaaba dhinaca Biyaha Soomaaliya.

tahriib2Cusmaan Googaar oo ka mid ah Soomaalida Qaxootiga ku ah Dalka Yaman oo ka hadlay Sababaha keenay hoos u dhaca ku yimid Soomaalidii ka soo Tahriibaysey Soomaaliya in ay tahay Xaaladda Soomaaliya oo haatan ka soo reyneysa iyo Cabsi soo wajahday Soomaalidii gaar ahaana Dumarka oo ka baqay Kufsi la sheegay in waayadii dambe loo gaysanayay Dumarka Soomaaliyeed ee tahriibka ugu sii gudbaya Dalka Sacuudiga. Koogaar ayaa dhinaca kale sheegay in Xadka Yaman iyo Sacuudiga oo ay ku soo bateen Kooxo Bur Cad ah darteeda in taasina ay ka mid tahay sababaha xligan keenay in ay yaradaan Tahriibayaashii faraha badnaa ee ka imaan jiray Soomaaliya.

War Bixinta ay Diyaarisay Hay’adda UNHCRta ayay ku sheegtay in Tahriibayaasha ugu badan ee Mandiqadda soo gala in ay ka yimaadaan Dalka Itoobiya kuwaas oo ka badan Tahriibayaasha Soomaalida.Si Kasta ha ahaatee in badan oo ka mid ah Dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku maqan ayaa xiligan waxa ay ku hawlan yihiin sidii dalka Soomaaliya ay dib ugu soo laaban lahaayeen gaar ahaana Qaxootiga ku sugan Dalka Koofur Afrika oo haatan u diyaarsan inay dalka dib ugu soo laabtaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiiinkhasaaro@hotail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.