Home » Warar »

Ra’iisul wasaaraha dawlada Federaalka oo baaq ka soo saaray Dagaalka ka soo cusboonaaday Kismaayo

WAR SAXAAFADEED

Moqdisho, 23, Feb, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta soo saaray baaq ku aadan dagaalka ka soo cusboonaaday Kismaayo.

“Waxaa dhawaan isoo gaartay in dagaal ka dhacay magaalada Kismaayo. Waxaana aad uga xunnahay in dhiig dad walaalo ah oo Somaliyeed si micno darro ah u daato waqti ay dadka magaalada Kismaayo ay sugayeen in ay maamul sameystaan” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid

primemin3Ugu horeyn, waxaan ku baaqeynaa in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka. Anagoo ugu baaqayna dhinacyada ku lugta leh inay is xakameeyaa kuna raadiyaan xalka qaab ku dhisan is qancin iyo tanaasul. Waxaan xasuusineynaa shacabka deegaanka in dagaal iyo xoog uu san ku jirin xalka ummadda.

Waxaa xusid mudan, in dhawaan ay Dawladda Federaalka Soomaliyeed ay u-gudbisay casuumaad guddiyadda qabanqaabada maamul u sameynta deegaannadaas si ay isugu yimadaan kulan wadatashi ah oo dhacaya 26ka Feebaraayo ilaa 1da Maarso. Gogoshaas oo loogu talagalay in looga wada tashado sidii loo dedejin lahaa sidii shacabku maamul u samaysan lahaayeen.

“Waxaan mar labaad ku baaqayaa in la joojiyo dagaalka ahliga ah ee ay ku wax yeeloobayaan shacabku, Waxaana dhamaan xasuusinayaa in Soomaaliya ay maanta mareyso marxalad cusub oo ku salaysan nabad iyo wadatashi, taas oo looga soo gudbay xiligii ku meel gaarka ahaa, ayna hiigsaneyso mustaqbal wanaagsan iyo horumar”.

Ugu dambeyntii, waxaan ilaahay ugu baryaya wixii dhintay in uu ehaladoodii samir iyo imaan ka siiyo inta dhawaca gaarayna caafiyo. Waxaana Eebe ka baryayaa in qof danbe oo Soomaaliyeed uusan dagaal aan loo baahneyn ku waxyeeloobin isaga iyo hantidiisuba.

—-DHAMAAD—-


Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.