Home » Warar »

Jamaacada Al-Ictizaam oo Baaqii 3-aad ka soo saartay Dilkii Sh. C/qaadir Nuur Faarax

Jamaacada Al-Ictizaam Bilkitaab wasunnah oo soo saartay baaqii saddexaad oo ku saabsan dilkii Sh. C/qaadir Nuur Faarax, baaqaas oo u qornaa sidan:

BAAQII 3aad
Al-Shabaab aynu Meel Uga soo wada Jeedsanno

Halkan ka akhri baaqa oo saxiixan

cqaadirnuur2Ugu horayn waxaan u mahadcelinaynaa illaahii inoo fududeeyey qayb ka mid ah wax ka qabadka dilkii Sh. Cabdulqaadir, Nuur Faarax, oo Kooxda Al-shabaab ku dishay Masaajidka Badar ee magaalada Garoowe, isagoo salaada casar ku jira 15/02/2013. Kadibna waxaan uga mahadcelinaynaa Dowlada Puntlad howl galada iyo baaritaanada ay ka wado dilkii sheikh, sidoo kale waxaan mahad usoo jeedinaynaa Dowlada Somaliland oo gacanta ku dhigtay qayb ka mid ah gacan ku dhiiglayaasha kadib markii ay dhinacaas u baxsadeen. Sidoo kale waxaan uga mahadcelinaynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed siday uga dhiidhiyeen, dilkii Sheikha, gaar ahaan Culimmada Soomaaliyeed.

1- Waxaan ka codsanaynaa dhammaan Culimmada iyo ducaadda Soomaaliyeed inay joogteeyaan siina laban laabaan, wacyigalinta shacabka iyo cadaynta marin habowga kooxda Al-Shabaab, iyadoo la adeegsanayo Nadwooyin, muxaadarooyin iyo khudbooyinka jimcaha, isla markaasna dal iyo dibadba la isu kaashado sidii looga hortagi lahaa dabargoynta ay kooxda Shabaab ku hayso ma dhaafaanka Soomaaliyeed, kooxdaas oo ah cadowga dalka, dadka iyo diinta.

2- Waxaan kaloo ka codsanaynaa imaayada Soomaaliyeed dal iyo dibadba inay billaabaan Qunuud, lagu habaarayo kooxdaan dhunsan ee Al-Shabaab, looguna ducaynayo Muslimiinta in illaahay shartooda ka dul qaado, intii ay galaafteena u naxariisto, arintana waa arin diinta boos ku leh, oo Nabiga (scw) ayaa horay usameeyey kadib markii la laayey quraa dadka quraanka baraysay, sidoo kalena u duceeyey muslimiin lacadaadinayey.

3- Waxaan ugu yeeraynaa dhammaan ummada soomaaliyeed in sameeyaan isu soo baxyo waa wayn oo looga hadlayo sidii loo xalin lahaa Mushkiladan wayn ee Kooxda Al-Shabaab ku hayso Shacabka Soomaaliyeed.

4- Waxaan ka codsanaynaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed meelay joogaanba , inay usoo gudbiyaan laamaha amniga cidkasta oo ay ku ogaadaan inay ku lug leedahay dilkii sheikha ama ay khatar ku tahay nabadgalyada ummadda.

5- Ugu danbayntii waxaan ugu baaqaynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay si buuxada uga qaybqaataan ololaha looga hortagayo, xasuuqa iyo dabar go’ynta kooxda Al-Shabaab ku hayso dadkeena, qofwalbana waxaa laga doonayaa inuu ololahaas kaga qaybgalo cilmigiisa,caqligiisa,khibradiisa, xoogiisa,xoolihiisa iyo sumcadiisa.

Golaha Fulinta ee Jamaacada Al- Ictizaam Bilkitaab Wassunah

Akhri Baaqii 2aad: Warsaxaafadeed ku saabsan Dilkii Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax.

Baaqii 1aad: Bayaankii Jamaacada Ictisaam ee Dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.