Home » Faallo »

Waxaan Badbaadiyey Naf !!

( I SAVED A LIFE )

Laba Qubo ah oo ka mid ah Qubooyinka u Nool Badda Gunteeda ayaa waxay Saaxiib ku noqdeen sidii ay isaga Ilaalin lahaayeen Caddawgooda Koowaad ee Bani’aadam, waxay is Tusiyeen in ay kaga Badbaadi karaan Badda Gunteeda , waxaana maalin waliba Dhex marta Sheekooyin ku aadan Caddowgaas , mid baa mid kale ku yiri”Saaxiib Cadowga Bani’aamka ee aan leeynahay waxay ku Dagaalamaan markey na soo Weerarayaan Qalabyo kala duwan marka waa in aad iska Ilaalisaa Qalabkaasi , kii kalaa ku yiri “Oo Maxay yihiin Qalabkaasi ay ku ku Dagaalmaan marka ay na soo Hujuumayaan ama na soo Weerarayaan “ Kii kale ayaa yiri “Waxay ku Dagaalamaan Shabaag, Fiilyooyin ay ku Xiran tahay Bir Maqaalin , iyo Doomo Shabaag Jiida taasoo ay ku soo daadiyaan Baddaan aanu ka nool nahay”

Waxay Saaxiibo ahaadaan oo ay wada socdaan ayaa maalinkii Dambe waxay labadoodii is tusiyeen in ay Badda Gunteeda ka baxaan oo ay Dalxiis u tagaan Goobo kale , iyagoo is daba jooga ayaa kii hore waxaa uu ku dhacay Shabaag ay dhigteen Koox Baniaadam ah , markii uu dhex ma quurtey Shabaagtii ayaa kii kale gadaal isku celiyey , ka dib Cagaha wax ka dayey , wuxuu sii cararo , waxaa uu gaarey isaga oo neef Tuuraya meeshii ay ku Noolaayeen , markii uu halkaa gaarey ayaa waxaa uu dhex galey meel Jamal ah ka dibna waxaa uu bilaabey in uu ka Sheekeeyo Saaxiibkii waxa qabsdey markaasuu yiri “Alla Maanta ayey Saaxiibkeey u dhamaatey waa adag tahay si uu uga soo Badbaado Bani’aadam , Horena uma dhicin Ruux u Gacan gala oo ka soo Badbaada ,halkaa ayuu bilaabey in uu Nolosha keli ku ahaado muddo , waxaana ku dhacay Wehel la’aan oo ma hayo ruux ay wada Qaraabtaan , Noloshii ayaa ciriiri ku noqotey Murugaa meel waliba uga timid waayo labadooda waxay ahaayeen kuwa isku Ciidamiya oo si Wadajir ah u noolaa.

quboKii ay soo qabsadeen Bani’aadamka ayaa sidii loo soo sidey waxaa la keeney Banaanka , indhaha ayuu Mirig Mirig ka siinayaa ,waxaa haysa Murugo aad u weyn waayo wey adag tahay sidii uu uga baxsan lahaa Cadowgaan soo qabsadey markii Shabaagtii laga soo saarey ayaa waxaa bilaabantey in la Naadiyo , waxaa loo Naadinayan waa in la Bireeyo oo la cunno , halkii buu Ilaah ku baryey oo yiri “Ilaahayow Caddowgaan iga Badbaadi “waxaa la isku Faliso ayaa waxaa Goobtii timid Haweeney si aad ah loo ilaalinayo, oo aan is leeyahay waxay ka soo jeedaa Wadamadaan reer Yurub, Goobtii buuqa uu ka taagnaa yey soo istaagtey , markaasey tiri “oo Xayawaankaan ma Beec baa, Qolodii lahayd ayaa tiri “ Haa waa Beec , waxaa markaas la joogaa Qiimaha labaatan Doolar, inta u soo dhawaatey Qolodii Gadaneysey Xayawaankaasi ayey tiri Afartan Doolar ma ku siinayaa “Waa qiimo aysan fileyn “Markaas ayaa Qoladii lahayd “ Haa “ waan kaaga Iibineynaa Qiimahaasi “markiiba Hal haleel ayey u bixisey Lacagtii.waxaan farta laga saarey Qubadii , waxayna la soo aadey meel aan sidaa uga dheereyn Xeebta ,waxay fiirisey Muragada ka muuqta Qubadda , markii ay Cabaar Salsalaaxdey ayey si dhaqso leh ugu ku tuurtey Baddii, Qubadii iyadoo Dheg la qabta lahayn bay Badda horey u gashey ,waxayna Haweeneydii ku Qaylisey “ I SAVED A LIFE ” “ I SAVED A LIFE ” “ I SAVED A LIFE ” “ Waxaan Badbaadiyey Naf ” “ Waxaan Badbaadiyey Naf ” “ Waxaan Badbaadiyey Naf ” iyadoo faraxsan bay dib ugu laabatey Gaarigii .

Qubadii sidey hadba Jamal uga sii dhacdo ayaa waxaa meel dheer ka arkey Saaxiibkii oo yiri “ Ma dhici karto in ruuxa soo socda uu yahay Saaxiibkeygii ”Markii uu u soo dhawadey ayuu ku qayliyey” Walee waa isagii “ inta ku soo boodey ayuu hadana yiri” marnaba Qalbigeyga ma gelin in aad ka soo Ba baadeyso Bani’aadam laakiin Alle Xagiisa ayey ka ahaatey oo ruux uu Malagiisa galo ayaa Dhimanayaa “ Markiiba waxay ku tashadeen in aysan meelna uga ka dhaqaaqin halkaan oo ay iska joogaan Gunta Badda

Sheekadaan ay sameysey Haweeneydaan waa Sheeko uu iiga sheekeeyey nin Saaxiibkey ah oo Dhacdadaasi Goob joog u ahaa waxayna ka dhacdey Xeebta Xamar weyne , waxaa uu yiri isagoo la yaaban nin Dariskiisa ah oo si Xun loo diley “ Waa la yaab Dadna Xayawaan ayey Badbaadinayaan , Angana waxaa Fakan waayey Baniaadamkii ama insaanki oo weliba Muslimka ahaa , haddii aan nahay Soonmaali waxaan isku sameyney waa la ogaa oo dad baan u Dhintey ama loo Diley si Gardaro ah marka Bani’aadamka isku mid maha marka Ruux Badbaadiyey Xayawaan waxaan filayaa in agtiisa uu qiimo ku leeyhay Insaanka ama ku weyn yahay, waxaana dhab ah dadka sidaa yeelaya,markii hore lagu soo Barbaariyey in ay Xaq dhowraan Baniaadamka iyo Xayawaanka , marka Arintaan waxaan ka Baraneynaa Casharo badan oo la xiriira sida la isku Qadariyo la is kugu Naxariisto, midda kale ee aan ka Baraneyno waa qof ama Xayawaan aan Malgiisa galin in uusan Dhimanayn hase yeeshee Qubadaasi waxaa Filayaa in aysan Malageedii gelin in ay dib ugu laabato halkeedi waa wax ilaah Qadarey marka Calaf baa la Cunaa .”

amiin_khasaaroRuux kale oo Goob Joog u ahaa Dhacdadaasi ayaa isna si aad ah ula yaabey dhanka kalena u cabiraya waxaa uu yir i”Runtii anaga haddii aan nahay Soomaali Nafta Qiimo nala ma laha waayo waxaan Xasuustaa markii Dagaalada Sokeeye socdeen in Sideed Qof ay u Dhinteen Kun Shilin oo la isku qabsadey , Ma yara Xadgudubyada dhacay Ruux ayaa loo Diley maxaa ii Caysey “Mid kalaa loo Diley iga Badel Sheygaan “ Waxaa ka si daran Canug yar oo Caseeye ah ayaa loo diley lacagtii uu shaqeystey ee labada kun ahayd , qof kalaa loo Diley maxaa Shaahaada Qaraar ka dhigey , waxa ka dhacay Dalka lama soo koobi karo marka Dhacdaan wax badan baan ka kororsaneynaa oo ah in qiimaha uu leeyahay Banidaamka , marka waa yaab “Ruuxna Xayawaan ayuu rabaa in uu Badbaadiyo ,Ruuxna Baniaadamkii baa ka baxsan la’, marka ,halkee ayaan joognaa maanta ,isku soo duubo waa in aan noqnaa dadka ay ku weyn tahay Muslinimada ,Naxariista, Is Jaceylka iyo Nolosha Walow ilaah noo Baneeyey in aan Qalano Xayawaanka iyadoo loo marayo si sharci ah sida darteed markaan isku Naxariisano ayaa Alle noo Naxariisanayaa .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.