Home » Warar »

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo Lagu Diley Garoowe

Inaa Lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun…

Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa galabnimadii Jimcada Ferbaayo 15, 2013 lagu dilay gudaha Masaajid ku yaal bartamaha magaalada Garoowe.

nuur-faaraxSh. C/qaadir Nuur Faarax oo ahaa sheikh siweyn looga yaqaano Soomaaliya ayaa waxaa toogasho gacan ka xaqdarani ku dishey gudaha Masjidka Beder isagoo markaas tukanayey salaadii casar ee galab Jimce

Wararka ugu horeeyey ee ka soo baxay goobta dilku ka dhacay ayaa tibaaxay in dadkii masjidka ku tunayey ay gacanta ku dhigeen nin dhallinyaro oo la sheegay in ahaa kii dilka geystey. Waxaa kale oo la sheegay in qof labaad ay ciidanka amnigu ku qabteen Garoowe.

Marxuum Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax waxaa la asaaya Sabtida.

Dilka loo geystey Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa ah ay bulshada Soomaaliyeed aad uga naxeen, kana xumaadeen.

Allah Jannadii haka waraabiyo..

Inaa Lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun…


Culimada Iyo Jaaliyadda Austria(Vienna) Oo Tacsi Diraya.

Dhamaan Culimada hoos ku xusan iyo Jaaliyadda Austria Ee Magaalada Vienna Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodey Shiik Cabdulqaadir oo gacan ka gardarani ku dishay magaalada gorre, ilaahay waxaa looga baryayaa in uu jannadii fardawsa ka waraabiyo , qoyskii , asxaabtii iyo eheladii uu ka geeriyoodeyna Samir iyo iiimaan ilaahay ka siiyo Aamin.
Shiikh Xuseen Macalin Makaraan.
Shiikh Maxmed Mahdi Koosaar.
Shiikh Nuuradiin Xassan Cabdiraxmaan.
Shiikh Maxmed Hure Wayrax.
Shiikh Cusmaan Xuseen Macaw.
Shiikh Cabdirashiid Xuseen Maxmed(Doodayeef)
Waxa kale oo tacsidan mid la mid ah dirayaa dhamaan jaaliyadda Austria oo aan halkan Magacyadooda lagu soo koobi karin


TACSI – SH. CABDULQAADIR NUUR FAARAX

“إن لله ما أخذ، وله ما أعطى، وكل شيء عنده بأجل مسمى”
“ ILAAHAY BAA NA LEH , ISAGA AYAANAN U NOQONAYNAA, ALLAH WUXUU LEEYAHAY WUXUU QAATO IYO WUXUU BIXIYABA, SHAY KASTANA AGTIISA WUXUU KU LEEYAHAY WAKHTI GO’AN “

INTAA KA DIB , MARKAZKA DARUL-HIJRA ISLAMIC CENTRE EE MAGAALADA TORONTO ISAGA OO KU HADLAYA GUUD AHAAN MAGACA JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KU DHAQAN WADANKAN CANADA,
WAXAAN TACSI TIRAANYO LEH U DIREYNAA ; ANAGOO KA MURUGEYSAN GEERIDI NAXDINTA LAHAYD EE KU TIMID SHEEKH CABDULQAADIR NUUR FAARAX
EHELADA SHEEKHA( OO UU KA MID YAHAY IMAAMKA MASJIDKEENA DARUL-HIJRA SH.C/KHAALIQ CABDULLAHI NUUR FAARAX OO UU SHEEKHU ADEER U YAHAY),SHACABKA SOOMAALIYEED, CULIMADA SOOMAALIYEED,ARADADA SOOMAALIYEED IYO DHAMMAAN SHUCUUBTA ISLAAMKA.

WAXAAN SHEEKHA ILAAHAY OOGA BARYAYNAA IN UU DANBIGIISA DHAAFO,JANNATUL FIRDOWSANA SIIYO, EHELKA IYO ASXAABTA UU KA TAGAYNA SAMIR IYO BADAL KHAYR QABA SIIYO. AAMIIN.
” ISHU WAY ILMAYNEYSAA, QALBIGUNA WUU TIIRAANYOONAYAA, MANA ORANAYNO WAX ALLAH RAALIGALAYA MOOYEE WAX KALE, GEERIDAADANA WAAN KA MURUGEYSANAHAY SHEEKHANAA CABDULQAADIROW”

C/RASHIID CALI MAXAMED
MAAMULKA MARKAZKA DAR-ULHIJRA
INFO@DARULHIJRA.ORG

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo Lagu Diley Garoowe "

  1. Adam Abdi says:

    انـــــــــــــا للــــــــــــــه وانــــــــــــا اليــــــــــــــــته راجعون
    Maalin weliba waxaad kanaxdo iyo halkii kadhaqaaqay ummadda in lagu dilo magac diineed, Soomaaliyeed mawaxaad raali katihiin baa? Waayeel diinta iyo dacwada kacireystey in lagu dilo safka hore iyo isagoo kujira rakacada 3aad ma waxaad raali katihiin baa? Mawaxaad sugaysaan dilka culimada kadib inaad guulaysataan?

  2. Inaa lilaahi wa inaa ilayhi rajicuun marxuumka ilahay ha u unaxariisto eheladii iyo qaraa badii uu ka geeriyooday samar iyo iimaan alaha ka siiyo, sheekh abduqadir nuur faarah gacan ka xaq darán ayaa dishay janadii fardowso ayaan ilaah oo ga bar yee naa.

  3. A/rahman says:

    Inallilahi wainaileyhi rajicun
    ALLA wxn ugabaryaya shekha inu janidi fardawso geyo kana aqbalo shahadada uu kugeriyoday Sheekh cabdulqadir Nur Farax. Wxna tacsi tiranyo leh udirayaa dhaman umada Somaliyed oo aad ugubahneyd shekha iyo cilmigisaba khasatan ardaydisa.
    Waxana jeclanlaha inan dhaman umada Somaliyed ugubaqo in dilka logeysanayo dadka indhaha u ah umada Somaliyed khasatan culimada uu ugudambeyo Sheekh Cabduqadir ayatahay arinbahdil ku ah somalida islamarkana ah tarikh xumo an horey ugadhicin dalka somaliya xaqiqatan aniga fakar ahan waxan kutilmamilaha dadka samaynaya dilalka nocan okale ah ineyihin dad raba iney bahdilan dhaman umada musliminta ah khasatan somalida waxana dhihilaha Somaliye wlhi xaal waxumaraya meel aad ufoolxun ee hurdada halagakaco oo Alle haloolaabto hana laiska qabto cadawgi aan naxariista laheen ee naafeynaya Musliminta oo idil.

  4. ~INNAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN~
    Ilaahay sheekh c/qaadir Nuur Faarax janatul firdows ha ufiraasho ,kii dilayna ha ooga yeello faras uu fagaaraha qiyaame ku faaja faajoodo.
    Runtii ,sheekhu wuu geedi quruxsaday, dhawaalahaan dheg iyo dhaayo toona masaarin Sheekh caalim ah,oo cimri biliseed joogo,oo isagoo cibaadeysanaya, masjid gudihiis lagu gaba waray.
    Waa arin mudan in indhaha lagu kala qaado oo la iska kaashado ,waxna laga qabto intey ugubka tahay.
    Ugu dambey waxaan leeyahay ilaahay sabir iyo iimaan saadiq ah hanaga wada siiyo,

  5. cabdiqani says:

    Ilaaheey ha u naxariisto sheekh Cabdulqaadir. Wuxuu ka dhintay umada Soomaaliyeed oo maanta u baahaneyd aqoontiisa diineed iyo nabadii uu ka shaqeyn jiray