Gudoomiyihii Fulinta Ahlu Sunna oo loo qaadey Guriceel si halkaasi loogu Aaso
Waxaa habeenkii Khamiista ahaa Gudaha Magaalada Muqdisho ku Geeryooday Marxuum Shiikh Nuur Cali Aadan oo ka Tirsanaa Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa u dhintay Jirro Caadi ah oo la sheegay in ay ku soo booday kaasoo markii Isbitaalka la geeyay halkaas ku Geeryooday.
Xildhibaankan Geeryooday ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Dawladihii ku meel gaarka ahaa isagoo mar ahaa Wasiirka Cadaaladda ee dawladdii ku meel gaarka ahayd.
Guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Tacsi u diray qoyskii iyo Eheladii uu ka baxay marxuumka isagoona Alle uga rajeeyay Janadii Firdowsa.
Waxaana lagu aasayaa magaalada Muqdisho iyadoo xildhibaanada Barlamaanka qaarkood ay wax ka qaban qaabinayaan Aaska marxuumka.
Dhinaca kale waxaa Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ka socda Qabanqabada Aaska Gudoomiyihii Guddiga Fulinta Ahlu Suuna Maxamed Yuusuf Xeefow ku Geeriyoodey Magaalada Muqdisho ka dib markii isaga oo Xanuunsan laga soo qaadey Guriceel, Waxaana Wararka haatan naga soo gaaraya Guri Ceel in goor dhow Meydka Marxuumka laga dejiyey Guriceel waxana hore u sii raacay Wasiirka aarrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Cabdikariim Xuseen Guuleed .W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.