Home » Warar »

Xaflad Qalin Jebin Ardayda Dugsiga Quraanka ee Markazka Dar-ul-Hijra -Toronto

hijra3Waxaa maalinki Axadda ee Febraayo 10-keeda,2013 lagu qabtay xarunta weyn ee Markazka Dar-ul-Hijra –Totonto, Canada xaflad taariikhi ah oo si wacan loo soo agaasimay oo loo qabtay ardaygi ugu horreeyay ee ku dhammeeyay Quraanka Markazka muddadi yareyd ee uu furnaa. Ardaygaas oo lagu magacaabo Adam Abdi Hodan waa Allah mahaddiise waxay ku qaadatay in uu ooga qalin jabiyo Dugsiga Quraanka ee xarunta Darulhijra muddo labo sano ka yar.

Xafladdaas oo ay soo agaasimeen macalimiinta Dugsiga ee Markazka waxaa kaloo shahaadooyin kala duwan la guddoonsiiyay ardada kale ee Dugsiga ee heer sare ka gaaray ama dhammeeyay juzazka Quraanka ama culuumta kale ee Islaamiga ah.

Waxaa xusid mudan in ardayga kor ku xusan ee Quraanka dhammeeyay lagu abaal mariyay in loo diro safar cumro ah oo loo wadayo mar dhow masjidka barakeysan ee Makka Al-Mukarama. Waxaan Allah Caza wajalla ooga baryeynaa in wiilkaas oo ay da’diisu tahay 15 jir uu Allah xifdiyo , waalidkiisana(Abdi Hodan & Fadumo Gure) uu ajar ka siiyo tarbiyadaas wanaagsan iyo dadaalkaas dheeriga ah ee ay galiyeen wiilkooda , masha Allah, Allahu Akbar.

Sidoo kale waxaa mahad mudan macaliimiinti wax soo bartay Adam, suurtana galiyay in uu muddadaas gaaban ku xufdiyo Quraanka kariimka, galana baalkaas taariikhiga ah “ Ardaygi ugu horreeyay ee ku dhammeeyay Qu’aanka Xarunta Darulhijra Islamic Centre”.

hijra1 hijra2

Ugu danbeyn waxaan idiinku bishaareyneynaa in uu Markazku u taagan yahay had iyo jeer in uu ka guul gaaro ujeedooyinki loo dhisay oo ay ugu horreyso in uu soo saaro,badbaadiyana jiilki barrito la wareegi lahaa mas’uuliyadda jaaliyaddeena, si ay u gudbiyaan risaalada Diinteena xaniifka ah Insha Allah. Waxaan Allah ka beryeynaa inaan ku sifowna kuwii uu rasuulkeenna(SCW) sheegay ee uu yiri :

“ KAN IDIINKU KHEYR BADAN WAA QOFKA QURAANKA BARTAY,DADKANA BARAAYO”.
Qof walba oo muslim ah oo khabarkaan soo gaarana waxaan ka codsaneynaa inuu noo soo duceeyo.

Baarakallahu Fiikum,
Walaalkiin
C/Rashiid Cali Maxamed
Maamulka Markazka Darulhijra-Toronto
info@darulhijra.org
Halkan hoose ka daawo video-ga xafladda :

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.