Home » Faallo »

Dhibaatooyinka caafimaad ee sigaarka (w/q: Dr. Axmed Xalaal)

Bismillaah, sanadkiiba 5 milyan oo qof ayaa u geeriyoota sigaar cabida, waa qiyaas ku dhisan daraasad ey sameysay WHO, ilaa 25 cudur oo waaweyn ayaa loo aaneeyaa sigaarka, sidoo kale jirrooyin kale oo fara badan ayuu sigaarku kaalin weyn ka qaataa sababidooda iyo uga daridooda, sidaa darteed waxa aan ka hadleyno waa cadaw weyn oo ilaahey ku saliday insaanka, mudanne in aan wax badan ka ogaano.

Hadaba inta aanan guda galin cudurada uu sababo sigaarka, waxaan jeclaan lahaa in aan yara isdul taago sigaarka waxa uu yahay, iyo sida uu u sababi karo dhibaatooyin ku yimaada jirka bini`aadamka. Sigaarka wuxuu ka sameysanyahay qiyaastii afar kun (4000) oo maadooyin kiimiko ah, maadooyinkaas waxaa ka mid ah boqolaal sababi kara cuduro ku dhaca jirka sida kansar, cudurada wadnaha, xididaha, sambabaha iyo xubnaha kale ee jirka, maadooyinkaas waxaa kamid ah:

1. Nikotiin (nicotine): waa maadada keenta in qofku sigaarka caadeesto islamarkaane u diideyso in uu ka haro, waxey marka hore saameysaa qeybaha kala duwan ee maskaxda, qofku wuxuu dareemayaa firfircooni iyo qanacsanaan, taasne waxey keentaa in maskaxdu la qabsato oo qofku markuu sigaar waayo uu dareemo caajis iyo niya jab, waana sababta ey qofka ugu adagtahay in uu dhaafo sigaarka mar hadii uu u barto. dhanka kale nicotine muxuu jirka kale ku sameeyaa?

A) Nicotine wuxuu sababaa in uu kor ukoco heerka kolistrolka dhiiga (cholesterol) oo ah nuuc kamid ah dufanta, taane xaaladaha ugu adag ee ka dhasha waxaa kamid ah in dufantu ey adkeyso xididada dhiiga sida ey iskugu dul fuul-fuuleyso, islamarkaane sababto in xididadu yaraadaan ama ey xirmaan, waana waxa ugu badan ee sababa dhimashada aduunka, sida in ey xirmaan xididaha waraabiyo wadnaha (atherosclerosis of coronary arteries), mana ahan cholesterol kaliyah waxa sababa xidid xiranka ee sidoo kale nicotine wuxuu sababaa in unugyada xididada gudaha ka daboola (endothelial cells) ey iska bataan oo ey xiraan xididka, xaaladahaasne waxey sababaan jirrooyinka wadnaha ee halista ah sida wadnaha oo istaaga. Sidoo kale xubnaha ugu badan ee dhiig xirku saameeyo waxaa kamid ah maskaxda iyo kilyaha.

B) Sidoo kale nicotine wuxuu sababaa in uu kor u koco heer karka dhiiga islamarkaane wuxuu sababaa in wixi sokor keyd ku ahaa gudaha unugyada lagusoo shubo dhiiga, taane waxey keentaa in qofku uusan dareemin baahi oo ey yaraato wax cunidiisa, waana sababta ey caato u yihiin inta badan dadka sigaarka caba.

2. Sidoo kale sigaarka waxaa ku jiro ugu yaraan 80 maado oo sababi karta kansar (cancer) sida maadada loo yaqaana TAR iyo kuwo kale, maadooyinkan waxey la falgalayaan unugyada jirka waxeyna sababayaan in uu khaldamo hab abuurka iyo hab shaqeynta jiinyada (genes) laga maamulo unuga shaqadiisa iyo qeybsamidiisaba (mutation), taasoo keeneysa in unugyadu u bataan hab ka baxsan kana badan sidi loogu talagalay taas oo keenta waxa loo yaqaano kansarka.

3. Sidoo kale sigaarka waxaa ku jiro maadooyin kale oo hab kale u sumeyn kara jirka.

HADABA WAA MAXAAY CUDURADA UU SABABO SIGAARKU?

Digniinta halista Sigaarka: Sawirka: http://blog.al.com/

Digniinta halista Sigaarka: Sawirka: http://blog.al.com/

1. CUDURADA WADNAHA: diraasooyin la sameeyay ayaa waxey qeexayaan in qofka sigaarka caba 80% uga badan yahay halista cudurada wadnaha qofka aanan cabin sigaarka. Sidoo kale diraasad kale ayaa waxey qeexeysaa in qofka sigaarka caba 50% ey u badantahay in waxa dili doono ey noqon doonaan jirrooyin la xiriira sigaarka. Habka sigaarku u sababo cudurada wadnaha waxaan ugasoo hadalnay kor marki aan ka hadleynay nicotine.

2. KANSAR (CANCER): boqolkiiba sagaashan (90%) Waxa sababa kansarka sanbabaha oo ah kansarka ugu badan dunida waa sigaarka, kansarka sanbabaha waa dilaa waana adagtahay in la maareeyo, dadka ugu badan ee uu ku dhoco kansarka sambabaha waa sigaar cabayaasha. Sidoo kale kansarka afka, kan dhuunta, hunguriga, kilyaha, baaryaraha, caloosha iyo kuwo kalaba waa uu sababaa sigaarku.

3. CUDURADA KALE EE SANBABAHA: boqolkiiba sideetan (80%) cudurada keena in neef mareenku xirmo ama ciriiri noqdo ee leesku yiraahdo COPD (chronic obstructive pulmonary disease) sida neefta (asthma), borokiitada (bronchitis) iyo sanbaba bararka (emphysema) waxaa sababo sigaarka, waana sababta keenta in dadka sigaarka cabo eyna ka reysanin qunfac iyo xaako.

4. KILYAHA: marka lagasoo tago halista sigaarka ee kansarka kilyaha, sidoo kale sigaarku wuxuu dhaawici karaa kilyaha, asagoo keeni karo kilyo fashil iyo dhiig kar.

5. INFECTIONS: sigaarku wuxuu jirka u sahlaa in ey ku dhacaan infakshino (infections) kala duwan gaar ahaa kuwa sambabaha sida qaaxada (TB).

6. TARANKA: raga ey ku dhacdo tabar darada dhanka dareenka (impotence) 85% waa sigaar cabayaasha.

7. DHALMO LA’AANTA HAWEENKA: sigaarka wuxuu saameyn ku leeyahay xubinta soo deyso ugxaanta taranka haweenka, wuxuuna ka hortagaa soo deynta hormono muhiim u ah, sidaa darteed haweenka sigaarka cabo waxey halis ugu jiraan madhalanimo.

8. DHANKA MASKAXDA: in kasto oo sigaar cabayaasho ey ku doodaan in sigaarku maskaxda u dajiyo, waxaa la ogaaday in walwalka iyo stress-ku ku badanyahay dadka sigaarka caba.

Hadaba sigaarka waa middi uu isku gowracayo qofka cabaya, sidaa darteed qofku waa in uu iska gooyaa cabidiisa, inta uusan qabriga dhigin.

Wabillaahi towfiiq
W/Q: Dr. Axmed Xalaal
jiilkacusub2012@hotmail.com
Waaxda horomarinta caafimaadka dalada dhakhaatiirta jiilka cusub.

XIGASHO: boga dalada dhakhaatiirta jiilka cusub ey ku leedahay facebook ee:

http://www.facebook.com/jiilkacusub

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.