Home » Warar »

Warsaxaafadeed: Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Ayaa Si Kulul Cambaareeyey Qaraxii Maanta Ka Dhacay Magaalada Galkacyo

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFS Ayaa Si Kulul Cambaareeyey Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Galkacyo, waxana uu u qornaa sidan:

Moqdisho, Feb, 11, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii maanta ka dhacay magaalada Galkacyo kaas oo ay ku dhawacmeen ciidamo ka tirsan Booliska iyo dad Shacab ah.

Qaraxaan ayaa lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Puntland, waxaana masuuliyada qaraxaas sheegtay kooxda Alshabaab oo xariir la leh ururka Al Qaacida.

“ Anagoo si adag uga shaqaynayna arrimaha amniga iyo xasilinta dalka, si loo helo mustaqbal wanaagsan, ayaa Alshabaab taas badalkeeda ku howlan yihiin sidii ay u qaadi lahaayeen weeraro fulaynimo ah oo ay waxyeelo ugu gaysanayaaan dadka shacabka ah” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Saacid oo intaas ku daray in kooxda Alshabaab ay maleegayaan sidii ay u fulin lahaayeen awaamiir laga soo minguuriyey dalka dibadiisa. Waxaana halkaan tacsi uga dirayaa dadkii ku wax yeeloobay qaraxaas”

Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa dhanka kale sheegay in dowlada Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay maamulka Puntland dadaalkooda ku aadan xaqiijinta nabad galyada, waxaana uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in uu soconaya qorshe lagu dhamaystirayo xasilinta nabadgalyada dalka oo ay iska kaashanayaan dowlada Soomaaliya iyo beesha caalamka.

—–DHAMAAD—


Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.