Home » Faallo »

Mabaa’diida Afarta ah ee Badbaadisa Aadanaha

 

Qore: Abdirahman Maxamed (Xiddig)

Q. 1aad

Qodobada Qoraalka

  • .Hordhac
  • .Waqtiga
  • .Xaqiiqda Aadanaha
  • .Mabda’ Koowaad
  • .Mabda’ Labaad
  • .Mabda Saddexaad
  • .Mabda Afaraad

Hordhac

xiddigAadanaha adduunka ku nool mid walba badbaadada, sharafta iyo farxada meel ayuu ka raadshaa. Mid baa u maleeya maal la kasbado in ay badbaadadiisu ku jirto. Oo hadh iyo habeen wuxuu u soo jeedaa sida uu hanti u heli lahaa. Geed dheer iyo geed gaaban ayuu u fuulaa maal raadis, xaaraanta iyo xalaasha waa iskugu mid. Wuxuu ku maqsuudaa oo kaliya hal mid; waa in uu milyaneer noqdo. Inta ka horaysa intaasna, wayba adagtahay in aad isha saartid ama hawl kaaga xirnayd uu kuu hagaajiyo.

Mid kalaa u maleeya magac la mutaysto in ay badbaadadu ku jirto. Oo muuqiisa in la arko ayuu madal walba u yimaadaa, haddii uu awoodana wuxuuba jecelyahay in uu weedh ka yidhaahdo. Waa iskugu mid haddii la marti qaado iyo haddii aan la marti qaadin. Maskaxda waxay ugu dagtaa, magaciisa in la sheeg sheego, lana amaano. Haddii kale waxaaba khatar ah in uu kugu cadhoodo.

Mid baa mooda madaxtinimada in ay farxadu ku jirto, oo wuxuu jecelyahay maamul in lugu maamuuso marwalba. Haddii aan loo dooranin darajo, dagaal ayuu ka xigaa. Wuxuu aaminsanyahay mansabkaba in uu dhaxal u helay, dadka inta kalana masaakiin maangaaban ay yihiin.

Mid kalaa is yidhaahda shahaadooyin badan baa sharaf lugu helaa. Markaas ayuu intuu ka dhex baxo shacabkiisa, baa shaydaan ka tanbadiyaa. Oo hadhow waxaa la arkaa isagoo ka faanaya diintiisa iyo dadkiisaba. Dadka wuu xaqiraa, wuu inkiraa, wuuna liidaa. Wuxuu isku haystaa cid ka saraysa dunida in aysan jirin. Sokeeyaha shisheeye ayuu u arkaa, shisheeyahana sokeeye ayuu u arkaa.

Mid kalena wuxuu ku faanaa fanka iyo fanaanimo in ay farxadu ku jirto. Markaas ayaa la arkaa isagoo ficil shaydaan ku faantamaya si ay dadku u jeclaadaan. Oo waa yaabe, jeceelka ma waxaa lugu helaa wuxuu Alle xaaraamtimeeyay? Maya ee sida ayeey la noqotay.

Mid walba oo aadanaha ka mid ah Mawjadahaas baaxadda weyn leh sida uu ugu dhex jiro ayaa maalinta dambe Malakulul Mawtku u yimaadaa. Markaas ayuu Alle agtiisa ka helaa wuxuusan ka filanaynin. Oo wuxuu Alle yidhi isagoo tilmaamaya xaalkooda maalinta Qiyaame, “Waxaa u soo muuqday xumaantii ay sameen jireen, waxaana hareereeyay waxay ku jees jeesi jireen”, (Jaathiyah 33).

Mabaa’diidaan kuwo cusub ma aha ee waa kuwo ku lifaaqsanaa sooyaalka taariikhda aadanaha laga soo bilaabo aabaheen Aadam (CS) ilaa maanta aynu joogno. Waa halkuu ka lahaa Maxamed Dhamac “Gaariye”, AUN.

Adduunyadu waa hadhkaas,

Hirba hir buu daba socdaa.

Haddii aan isla fahamnay kala duwanaanta afkaarta aadanaha ee dhalisa mabaa’diida ay tiigsadaan, waxaa mudan in la is waydiiyo maxay ku dhacday kala aragti duwanaantaas maadaama Alle uu siiyay aadanaha caqli ay wax ku cabiri karaan. Oo xumaanta iyo samaha ku kala saari karaan. Maxaa dhacay oo ay u arki waayeen mabaa’diida qaldan? Maxaa dhacay oo ay u arki waayeen mabda’ saxan? Sababaha ku teedsan su’aaalahan markii la daraaseeyo waxaa la dareemi karaa nimco uu Alle dadka ku manaystay oo aanan la isticmaalin ama si qaldan loo isticmaalo in ay aasaas u tahay marin habaabkaas. Maalinta Qiyaame dadka gaalada ah markii ay naarta galaan, cabashooyinka iyo cudurdaarada ugu waaweyn oo ay ku andacoonayaan waxaa ka mid ah in aysan caqli lahaan jirin, oo waxay leeyihiin “haddii aan ahaan lahayn kuwa wax maqla ama caqli leh, maa naan ahaaneen naarta saciira dadkeeda” (Al-Mulki 10), anagoo og caqli in ay lahaayeen. Oo sidee baysan caqli u lahaan jirin? Soo taa caqliga hormarka adduunyada iyo hagaajinta nolosha u isticmaaleen! Soo taa caqliga dayaxa lugu tagay oo badaha hoostoodana lugu soo darsay! Soo taa caqliga saraha dhaadheer lugu dhisay! Soo taa caqliga dariiqyada hawada mara iyo kuwa dhulka hoostiisa maraba lugu hindisay! Arinku sidaas iyo sida dadku badanaa ay u malaynayaan ma aha. Caqliga haddii loo isticmaalo sidii Alle u soo dajiyay si aanan ahayn oo lugu dhibo waxaan dheef u keenayn aakhiro, caqligaas wuxuu ka marin habaabay wadadii saxda ahayd. Tani macnaheedu ma aha in aanan caqliga loo soo dajinin in la isticmaalo balse macnaheedu waxay tahay Caqliga in uu ka cashar qaato Kitaabka Alle iyo Sunnaha Nabigiisa (SCW).

Sidaas daraadeed ayeey culumadu yidhaahdaan: Caqliga saliim ka ah iyo Naqliga(Aayada iyo Xadiiska) Saxiixa ah iskama hor yimaadaan ee waxaa iska hor yimaada Caqliga Mariidka ah iyo Naqliga Saxiixa ah ama Caqliga Saliimka ah iyo Naqliga Daciifka ah, sababtoo ah Allaha Caqliga sameeyay ayaa Naqligana soo dajiyay kana dhigay kuwo ku fiican meel walba iyo waqti walba.Kol haddii arinku sidaa uu yahay, Shayga ugu horeeyo ee loo baahanyahay caqliga in lugu darso waa caqiidada. Caqliga markii caqiidada lugu darso ayuu mabda’ saxan gartaa. Sidoo kale waxaa la mid ah caqligii aanan la isticmaalin, oo aanan laga shaqaynin, oo aanan lugu dhibin cibaadada Alle, waa nimcadii Alle oo la dayacay.

Sidaas daraadeed, haddii aan anagu Muslimiin nahay mabda’ lugu gaaro guusha ama lugu helo badbaadada iyo farxada waa in uu noo cadaadaa sida qoraxda oo kale. Oo markaas waxaan ka badbaadaynaa hayi raac in aan noqono. Nimcooyinka Rabbi (Subxaana Watacaalaa) waxaa ka mid ah intii uu na abuuray ayuu haddana Rasuul noo soo diray. Rasuulkii ayuu haddana noogu soo dhiibay Kitaab kaamil ah oo qeexaya sida loo noolaado, guushana loo gaaro, badbaadadana loo helo.

Kitaabkaas wuxuu qeexayaa, akhbaarihii dadkii naga horeeyay. Wuxuu sifaynayaa wax yaalaha dhici doona ee soo socda. Wuxuu tilmaamayaa tubtii aan ku toosnaan lahayn haddii aan badbaado rabno. Maqaalkan waxaan ku soo gudbin doonaa gudihiisa afar mabaadi’ uu Rabbi (Subxaana Watacaalaa) noogu qeexay Quraanka, kuwaas oo uu ugu talagalay qofka raba guul adduun iyo aakhiro. Waxaa la yidhaahdaa mabaa’diida afarta ah ee badbaadisa aadanaha. Waxaa si tifatiran mabaa’diidan uga hadashay Suratul Casri.

Waxaan isku dayayaa si guud in aan u dulmaro hadduu Alle idmo, maadaama cilmigayga iyo caqligayguba ay gaabanyihiin. Waxaan rajaynayaa in aad iga garwaaqsataan wixii gaf ah oo aad ku aragtaan gudaha maqaalkayga.

Qore: Abdirahman Maxamed (Xiddig)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.