Hadal heyntii ugu ballaarneyd ee muddooyinkaan dambe ka socotay magaalada Muqdisho iyo meelo badan oo caalamka ka mid ah ayaa Dhawaan soo af xirantay, waxaana sheekadaasi oo la xariirtay kufsi la sheegay inuu ka dhacay magaalada Muqdisho soo afjartay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo iyadu la tilmaamay inay ridday xukun lagu sheegay inaanu cadaalad ku dhisneyn, kaddib markii ay Maxkamaddaasi soo saartay go’aan aan lagu wada qancin oo u muuqday in dhinac oo kaliya lagu raalli gelinayo.
Kahor intii aanay bilaaban dhageysiga dacwadda ku aadan kufsiga ee loo heystay ilaa iyo shan ruux oo kiiskaasi u xirnaa ayaa waxaa gudaha maxkamadda ka socday fadhi ku dirir aad u ballaaran oo lagu falanqeynayay qaabka ay ku dhammaan doonto dacwadaasi, waxaana inta badan dadkii halkaasi joogay ay rajeynayeen in dacwadaasi si cadaalad ah ay ku soo gabagaboobi doonto, iyadoo dadkaasina ay ku han weynaayeen in la sii deyn doono dadka loo heysto dacwadaasi, kuwaa oo horay u xirnaa muddo bil ku dhow.
Malahaasi ay qabteen dadka intiisa badan waxa uu mar kaliya dhexda ka baxay kaddib kolkii uu garsoorihii maxkamadda ku dhawaaqay go’aankii ay maxkamadda Gobolka Banaadir ka gaartay dacwadii kufsiga ee mudada dheer soo jiitameysay, wuxuuna garsooruhu halkaasi kaga dhawaaqay in dhibane Luul Cali Cusmaan oo ku doodeysay in la kufsaday iyo weriye C/Casiis C/Nuur Ibraahim Koronto oo wareystay gabadha dhibanaha ah in midkiiba lagu xukumay min hal sano oo xarig ah, iyadoo isla goobtaasina lagu fasaxay saddex ruux oo kale oo iyaguna ka mid ahaa dadkii u xirnaa dacwadaasi balse la sheegay in wax dembi ah lagu waayay.
Dhawaaqaasi u muuqday naxariis darrada ah ee maxkamadda gobolka Banaadir ku sheegtay in xukun dhan min 12-bilood uu dusha uga dhacay dhibanayaashii loo heystay arrimaha kufsiga ayaa waxa uu mar kaliya ka nixiyay isla markaana ka yaabiyay ummaddii Soomaaliyeed ee goob jooga ka ahayd hoolkii ay dooda ka socotay, waxaana mar kaliya afkooda ka soo baxay ereyo ay ku cambaareynayeen go’aankaasi, iyagoo ku celcelinayay inaan wax cadaalad ah haba yaraatee ka dhicin halkaasi, waxaana daqiiqado kaddib iyana cambaareyntaasi codkooda ku biiriyay waxgarad iyo hay’ado badan oo isugu jira Soomaali iyo ajnabi, kuwaasi oo ka wada mideysnaa sida ay uga soo horjeedaan go’aankii ay soo saartay maxkamadda G/Banaadir.
Runtii inuu khalad ahaa xukunkii ay maxkamadda gobolku riday waxaa caddeyn u ah sida baahsan ee looga qeyliyay xukunkaasi, waxaana weli iska soo daba dhacaya qoraalada lagu diidan yahay go’aankaasi, iyadoo qolo walbana ay si gaar ah u muujineyso sida ay uga biyo diidsan tahay in la xiro dad iyaguba horay dhibanayaal u ahaa.
Xaq darradii la sheegay inay ku kacday Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay bilaabatay markii la caburiyay qareenadii u doodayay dhibanayaasha isla markaana la diiday in la dhageysto marqaatiyaashii eeda ka rogi lahaa dhibanayaasha Luul iyo Koronto, waxaana taasi xigay go’aankii la sheegay inaanu sharciga ku dhisneyn ee ay garsoorayaashu ku dhawaaqeen, waxaana layaab lahayd in weriye C/Casiis Koronto xukunkiisa loo cuskaday eedo aan horay ugu jirin gal dacwadeedkiisa sida inuu galay idin ama fasax la’aan hoyga Luul Cali Cusmaan oo ah gabadha ku doodeysa in la kufsaday iyo inuu nabadgelyada wax u dhimay, eedahaasi oo ay la tacajibeen qareenadii difaacayay dhibanayaasha iyo kor joogtadii kale ee ku sugneyd gudaha maxkamadda.
Xooraansi fara badan oo la sameeyay ayaa lagu sheegay in xukunka maxkamadda gobolka Banaadir uu ahaa mid lagu raalli gelinayay madaxda Booliska Soomaaliyeed oo iyagu dacwadda soo oogay, waxaana nasiib darro ah haddii ay taasi jirto in sharciga qolo loogu hiilliyo qolana lagu tunto, halkii laga rabay in sharciga loo waa sinnaado, waxaana tacadigaan cusub ee lagu xiray dhibanayaashii kufsiga ku tuseysaa inaan weli Soomaaliya wax cadaalad ah ka jirin, isla markaana sharciga Soomaaliya uu yahay mid ka adag dadka masaakiinta ah oo kaliya, ha yeeshee sharcigu aan waxba ka qaban karin madaxda dalka iyo inta jeebka buuran ee wax heysata.
Garsoorka Soomaaliya oo horay loogu xaman jiray inuu la liic liicayo musuqmaasuq iyo laaluush qaadasho aan xad lahayn ayaa hada waxa la tilmaamayaa in uu ku darsaday eex, sinnaan la’aan iyo ku tumashada sharciga, iyadoo sharciguna uu haatan noqday la jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan, taasi oo macnaheedu yahay in sidii la doono laguugu dhigayo.
Horay way u jirtay in weriyaasha si gardarro ah loogu dilo meeshii la doono, laakiin hadda waxaa soo korortay in weriyaasha gar darro lagu xiro, waxaana ilaa iyo shalay ii qurqursami la’ sida dembi looga dhigay weriye wareystay haweeney dhibane ah oo dhibkeeda sheeganeysa, waxaanse nafteyda ku qanciyay inaan joogo Soomaaliya oo wax walba ay ka suuroobaan, waxaana gareystay ujeedada xukunka ka dambeysa inay tahay sidii saxaafadda loo aamusin lahaa, balse waxaa la aaminsan yahay in dhacdadani ay sii xoojin kareyso wadajirka suxufiyiinta iyo sidii ay warbaahinta ugu sii dhiiran lahayd gudashada waajibaadka ka saaran sidii ay shacbigooda u heli lahaayeen warar sugan oo ku aadan arrimaha dalkooda iyo wixii dibadiisa ka dhacaya.
Xaqiiqdii dadka samaha jecel ee gardarrada neceb waxay muujiyeen dadaal aad u dheer, waxayna sameeyeen garab istaag ku saleysan sidii dhibanayaasha la xukumay ay cadaalad u heli lahaayeen, balse ma aysan dhicin arrintaasi, waxaana xukunkaasi shallay dhacay kaddib Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay arrintani mowqif cad ka qaadato si loo saxo go’aankii halka dhinac ahaa ee shalay ka soo baxay maxkamadda Gobolka.
Shalay wixii Muqdisho ka dhacay waxay u nuuqdaan in ay yihiin kuwo bog madow u furaya socodka waayaha dowladda cusub iyo rajada shacbiga Soomaaliyeed haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, waxaana ila haboon inay shacbiga Soomaaliyeed il gaar ah ku eegaan go’aankii shalay ee maxkamadda Gobolka Banaadir maadaama ay dad dhibanayaal ah oo la sugayay in la sii deyn doono ay ku abaal marisay min hal sano oo xarig ah.
Waxaa Qoray:
C/raxmaan Jabriil
jabriil2010@hotmail.com
labadaan qofood qalad ayaa lagagalay waxaana soo jeedinaa xurnimadooda in dib loogu celiyo