Home » Maqaallo »

Madaxa Ururka EASTADO oo soo dhaweeyay dhaq-dhaqaaqyo la rabo in looga qeyb qaato maamul goboleedka Jubbaland

Waxaan soo dhaweynayaa dhaq-dhaqaaqyada beryahaan socda oo ay qaar ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Jubbooyinka ka wadeen gudaha iyo dibadda dalka.

Waxaa jirta ifafaalo horumarineed oo horseedi kara taabagalka maamul goboleedka Jubbaland, waayo waxaa markii ugu horeysay muddo 21 sano ah maalmahaan dhanka fekerada ay ku kala gedisan yihiin isaga soo dhawaanaya mas’uuliyiin iyo wax garad kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka, taasoo haddii ay sida ay hadda wax u socdaan aan laga leexin suurta galin karta in laga gudbo caqabado badan oo jiray, isla markaana suurtagalin karta in uu hergalo dhismaha maamul goboleedka Jubbaland.

Waxaan qabaa, haddii la doonayo in guul laga gaaro abaabulka maamul u sameynta gobolada Jubooyinka ee hadda socda, in laga hortago feker kasta oo xagal daacin kara, ama dib u dhac iyo bur-bur ku keeni kara dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ku wajahan maamul u sameynta Jubbooyinka ee baryahaan sida xowliga ah u socda.

Haddaba, si uusan u bur-burin abaabulka socda ee la rabo in gobolada Jubbooyinka loogu sameeyo maamul ay ku mideysan yihiin, sida ay ila tahay waxaa loo baahan yahay in la raaco qodobada soo soda:

1. Waa in qorshaha socda ee maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka gebi ahaanba laga ilaaliyo talaabo kasta oo muujineysa in dhulka Soomaaliyeed la kala leeyahay, balse cidii aaminsan dhulka maamulka loo sameynayo in ay u badan tahay, waa in ay kula midowdo bulshada kale ee Soomaaliyeed ee uu Rabbi dhulka ku wada beeray si ay ku jirto dabacsanaan, muslinimo iyo Soomaalinimo, ayada oo waliba la raacayo dastuurka u degsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2. Waa in la xasuusto in aanay marnaba suurtagali karin in koox gaar ah oo aanan haysan inta badan kalsoonida bulshada ku dhaqan gobolada Jubbooyinka iyo tan dowladda Federaalka Soomaaliya in aanay u suurta galeyn in ay dhisaan maamul loo dhan yahay.

3. Waa in qorshaha maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka laga tala galiyo siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo wax garadka kasoo jeeda gobolada la rabo in maamulka loo sameeyo.

4. Waa in doorka qurba-joogta kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka ay ka ciyaari karaan dhisidda maamulka Jubbooyinka uu noqdo oo kaliya:

A) Isku xirka iyo Dib u heshiisiinta siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka ee ku kala aragtida duwan hanaanka dhismaha maamulka Jubbooyinka.

B) In ay horseedaan meel isugu keenidda siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka, isla markaana ay suurta galiyaan in ay siyaasiyiintaasi si madax-banaani ah uga wada hadlaan fekradaha ay ku kala aragti duwan yihiin ee la xariira sida ugu haboon ee loo dhisi karo maamulka Jubbooyinka.

C) In kulanada lagu heshiisiinaayo siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka ee gobolada Jubbooyinka ay kaga caawiyaan ka qeyb qaadashada dhinacyda feker suuban oo dadka isku soo dhawen kara, dhaqaalaha, qoraalada, saxaafadda iyo fududeynta wixii kale ee tasiilaad ah ee loo baahdo.

5. Si loo rumeysto waxa ay sheegayaan, isla markaana loo arko qorshaha ay wadaan ee ku wajahan maamul u sameynta, waxaa haboon in xubnaha gar-wadeenka ka ah qorshaha maamul u sameynta Jubbooyinka in ay bulshada usoo gudbiyaan Dastuurka Qabyada ah ee lagu dhaqi doono bulshada ku dhaqan gobolada Jubbooyinka.

6. Haddii ay suurta gasho in la joojiyo nin tooxsiga iyo isbar-baryaaca salka ku haya damaca iyo daneysiga shaqsiyadeed, isla markaana maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka lagala tashto dhamaan inta ay quseyso, waan qabaa in aanan maamul u sameynta lagu xirin shuruud laga yaabo in ay maamul u sameynta dib u dhigto sanooyin ama muddo aanan mucayin aheyn.

7. Si la’isugu soo dhaweeyo dhinacyada kala aaminsan in dhismaha maamul u sameynta Jubbooyinka aan la dedejin, iyo kuwa qaba in la dedejiyo, waxaa ila quman haddii la raaco qodobada kor ku qoran in aanay mushkilo laheyn in la dedejiyo dhismaha maamul goboleedka Jubbooyinka.

8. Waxaan qabaa in doorka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka ciyaari karto dhismaha maamul goboleedyada in ay tahay mid cayiman, ayada oo kuwa sida gaarka ah in ay wax uga qabato la rabana ay yihiin deegaanada aanan buuxin karin shuruudda uu dastuurku qoraayo oo ah in furaha abuuritaanka maamul goboleedkaba uu yahay “in marka hore la helo gobolo jira oo la aqoonsan yahay oo doonaya in ay si madaxbanaani ah maamul goboleed ugu midoobaan.”

Sidoo kale, hadddii la raaco laguna camal falo qodobada sare ee aan xalka mooday, waxaan ku kalsoonahay in uu hergeli doono maamulka Jubbaland, balse walwalkeygu waxuu yahay in la waayo indheer garad aragti hufan leh oo ka madax banaan daneysi iyo eex, kuwaasoo laga yaabo in ay marin habaabiyaan hanaanka geedi socodka maamul goboleedka Jubbaland ee uu qorshihiisu socdo.
Waxaan u rajeynayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed meel ay joogtaba nabad, israac, horumar iyo in ay dowladdooda socod baradka ah la garab istaagaan hiil iyo hoo aan hagrasho laheyn.

aden-colujoog
Aden A. Colujoog
Madaxa Ururka East African Development Organization (Eastado)
adencolujoog@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madaxa Ururka EASTADO oo soo dhaweeyay dhaq-dhaqaaqyo la rabo in looga qeyb qaato maamul goboleedka Jubbaland "

  1. xaji Abdi says:

    walaal waad salaamantihiin intaas kadib waxaaqn ku talinayaa in wixii horey loo soo marey aan lagu lu,goynin dadka war aan sax noqondoonina dadka laga daayo meelkastana laga raadiyo midnimo somaalinimo islaam-nimo waxaa kale dhab ma,ahan ee ogaada
    wabilaahi towfiiq