Home » Warar »

Xasilinta sarifka lacagaha qalaad iyo hindise-sharciyeedka dhismaha maamul u samaynta gobollada Somaaliya

Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Federaalka ayaa tibaaxay in Golaah Wasiiradu ay isku raaceen “in Xukuumadda Soomaaliya ay tillaabooyin deg deg ah ka qaadan doonto xasilinta sarifka lacagaha qalaad, Iyadoo Xukuumaddu la kaashaneysa ganacsatada iyo hay’adaha arrintaan wax-ka qabashadeeda gacan ka geysan kara.”

Sidoo kale “Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyay hindise-sharciyeedka dhismaha maamul u samaynta gobollada dalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka. Hindise-Sharciyeedka ayaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka Soomaaliya is ay u ansixiyaan.”

Hoos ka akhri warsaxaafadeedka oo dhamaystiran

War-Saxaafadeed

Shirkii Golaha Wasiiradda
lacag-qalaad

lacag-xasilinMuqdisho, 02 Feb, 2013…. Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa looga hadlay sharciga maamul-u-samaynta Gobollada, Sarifka Lacagaha Qalaad iyo Warbixin kooban oo laga dhageystay Wasiirka Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Drs Maryam Qaasim.

Ugu horreyntii Goluhu wuxuu warbixin ka dhageystay Wasiirka Hormarinta Adeegga Bulshada, Drs Maryam Qaasim, waxayna tafaasiil ka bixisay shir caalami ah oo ay dhawaan kaga soo qeybgashay dalka Imaaraadka Carabta oo looga hadlayay arrimaha bedbaadinta Hooyada iyo Dhallaanka, waxana ay sgheegtay in shirkaasi ay ka soo baxeen qaddobo muhiim ah. Drs Maryam Qaasim waxa sidoo kale xustay in dowladda Imaaraatka Carabta ay ka wada hadleen sidii loo hormarin arrimaha adeegga bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan waxbarashada.

Sidoo kale, Golaha ayaa ka dooday Isbedelka ku yimid Sarifka lacagta dollar-ka ah, wuxuuna Ra’iisul Wasaare “Saacid” sheegay inuu aad uga xun yahay halka uu marayo sarifka lacagaha qalaad, Isagoona guddi uu horkacayo Wasiirka Maaliyadda iyo Xubno ka tirsan Ganacsatada u saaray sidii ay u soo diyaarin lahaayeen warbixin ku saabsan hoos u dhaca ku yimid doolarka iyo saameynta ay ku yeelatay shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in Xukuumadda Soomaaliya ay tillaabooyin deg deg ah ka qaadan doonto xasilinta sarifka lacagaha qalaad, Iyadoo Xukuumaddu la kaashaneysa ganacsatada iyo hay’adaha arrintaan wax-ka qabashadeeda gacan ka geysan kara.

Ugu danbayntii Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyay hindise-sharciyeedka dhismaha maamul u samaynta gobollada dalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka. Hindise-Sharciyeedka ayaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka Soomaaliya is ay u ansixiyaan.

—-DHAMAAD—-


Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.