Home » Warar »

Faahfaahin Dheereed ku saabsan Qarax Ismiidaamin ah oo ka Dhacay Agagaarka Guriga Raiisul Wasaaraha ee Vila Soomaaliya

Subaxnimadii hore ee saaka (Jan 29, 2013) ayaa inta badan oo Magaalada Muqdisho ah waxa laga maqlay Qarax xoog leh oo gil gilay Jawiga Magaalada Muqdisho ay ku waabariisatay,Qaraxan ayaa warar is khilaafsani ka soo baxayaan iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inuu ahaa Ruux Isa soo Miidaamiyay kaasoo ku lebisnaa Direyska Ciidamada Dawladda.

Qaraxan ayaa sida lagu soo waramayo waxa uu ka dhacay Nawaaxiga Safaaradda Itoobiya iyo inta u dhaxaysa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya kaasoo warar goor hore soo baxayna ay sheegayaan in qaraxaasu uu gaystay Khasaare Isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararkii u horeeyay ee Qaraxaas ka soo baxay ayaa sheegay in illaa Afar Askeri oo ka tirsanaa Ciidamada dawladdu ay halkaa ku dhinteen Lix kalena uu dhaawacyo kala duwan uu ka soo gaaray Qaraxaas.

Warar kale ayaa sheegaya in Qaraxu ahaa Miinada Dhulka lagu Aaso ee Rimootka loo adeegsado taasoo la qarxiyay. Wararka ayaa intaa waxa ay ku darayaan in goobtii uu Qaraxu ka dhacay ay soo gaareen Ciidamada dawladda kuwaasoo isku Gadaamay goobtaas iyagoona hakiyay Socodkii dadka iyo Gaadiidka.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay oo ahayd meel si weyn ammaankeeda loo ilaaliyo.

Ma Jiraan illaa iyo iminka Cid sheegatay qaraxaas iyadoo dhinaca kalena la sheegay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dawlada Federaalka Soomaaliya laga sugayo warar dheeraad ah oo ku saabsan qarixii maanta gil gilay nawaaxiga Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Qaraxan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Sanadkan Cusub Magaalada Muqdisho ka dhaca iyadoo muddooyinkii danbe Magaaladu ay ka nasatay qaraxyadii sida joogtada ah uga dhici jiray.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail aminkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.