Home » Warar »

Wafdigii culumada oo booqday magaalada Jalam

Wafdigii culumada ahaa ee socdaalka dacwadeed ku marayey qaybo ka mida gobolada Nugaal iyo Mudug ayaa maalinimadii 22/01/13 soo gaaray magaalada Jalam, waxaana soo dhaweeyey ku xigeenka duqa magaalada Sheekh C/risaaq Diiriye (Sangod) iyo Sheekha magaalada Sheekh Daahir Cali Shire, ka dibna wafdigu wuxuu booqday Madrasada Alxikma oo lagu xafido Qur’aanka, laguna qaato waxbarashada aasaasiga ah, waxaana ardayda kalimad u jeediyey Sheekh Jaamac Siciid, wuxuuna weydiiyey su’aalo isugu jira Qur’aanka, luqadaha carabiga iyo Ingiriiska iyo su’aalo aqoon guud ah, taas oo ay si wanaagsan uga wada jawaabeen.

Intaa ka dib wafdigu wuxuu booqday dugsiga H/dhexe ee magaalada Jalam, waxaana halkaa ku soo dhaweeyey maamulaha dugsiga Cumar Ciise (Iliglamaan), ka dibna waxaa ardayda la hadlay Sheekh Axmed C/samad, wuxuuna si gaara ugu boorriyey barashada diinta, xoojinta waxbarashada, inay ku dadaalaan cibaadada, akhlaaqda wanaagsan iyo walaalnimada, ayna ka dheeraadaan qabyaaladda iyo waxyaabaha ummadda kala geeya.

Intaa ka dib Wafdigu wuxuu kulan la qaatay waxgaradka magaalada oo ay hoggaaminayaan duqa magaalada C/wali Cali Geelle iyo ku xigeenkiisa C/risaaq Diiriye (Sangod), madaxa ganacsatada magaalada Xasan Cawl iyo Sheekh Daahir Cali shire. Culumadu waxay u soo jeediyeen waxgaradka magaalada in dhaqso loo aasaaso dugsiga sare oo muddo lagu taamayey, in la xoojiyo waxbarashada diinta, loona hawlgalo sidii mac-had diini ah loogu samayn lahaa magaalada, in beeluhu iska xilsaaraan sidii dadkooda miyiga ay aqoonta iyo wacyiga uga caawin lahaayeen, iyo in bulshada reer Jalam noqoto mid is jecel oo khayrka isu kaashata, ayna ka dheeraato qabyaaladda iyo ficiltanka dib u dhigaya.

Waxgaradka magaaladu waxay soo dhaweeyeen, una mahadeceliyeen wafdiga, waxayna balanqaadeen inay xoogsaari doonaan fulinta arrimaha ay usoo jeediyeen, waxayna culumada ka codsadeen in la badiyo booqashooyinka noocaan oo kale ah, in lagu caawiyo hirgalinta arrimaha ay kala hadleen gaar ahaan dhinaca waxbarashada.

Waxaa xusid mudan magaalada Jalam inay ka mid tahay magaalooyinka ugu waaweyn, uguna dadka iyo deegaanka ballaaran gobolka Nugaal, ayna u baahantahay in sare loo qaado heerkeeda aqooneed iyo wacyi, lagana hormariyo dhinac walba. Xilkaasna wuxuu ugu horrayn saaranyahay dadka deegaanka gaar ahaan dadka wax u soo bartay ee ku kala nool daafaha adduunka.

Ugu dambayn culumada waxaa qado loogu sameeyey magaalada, waxaana sii sagootiyey ku xigeenka duqa magaalada C/risaaq Sangod, Sheekh Daahir iyo madaxa ganacsatada Xasan Cawl,waxayna u baqooleen dhinaca magaalada Buurtinle oo ka mid ahayd magaalooyinka culumadu booqanayeen.

La xiriir: Ahmed Abdille
alwaqaar AT hotmail

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.