Home » Warar »

Wariye Cabadicasiis Koronto oo Maanta Xeer Ilaalinta Qaranka u Gudbisey Xabsiga Dhexe

Xasan Cali Geeseey iyo Layla Maxamuud Cabdulle oo sheegey in Cabdicasiis Koronto uu u Xiran yahay si Sharcidarro oo la iska haysto.

Waxaa Maanta (Sabti Jan 26, 2013) mar kale Xeer Ilaalinta la horkeeney Wariye Cabdicasiis Maxamed Nuur Koronto iyo Afar kale oo ay Xeer ilaalintu sheegeen in ay ku lug lahaayeen Dacwad ka timid Ciidanka Booliiska oo ku saabsan Arrimo Kufsi .

Wariye Cabdicasiis oo Muddo Laba Tododbaad ah Xiran ayaa waxaa lagu hayey Xarunta Dambi Baarista CID , Iyadoo Sababa halkaasi ugu Xirnaa ay tahay sida Booliiska Sheegeen in la soo dhameystirayey Dacwada Cabdicasiis oo Booliiska ku Andacoonayaan in Wariyaha uu faafiyey War been Abuur hase yeeshee Waxaa uu Cabdi Casiis uu horey u sheegey in uusan Warkaasi Faafin

Xeer ilaalinta ayaa Bahda Saxaafadda u ogolaatey in ay dhageysyataan Dacawada Wariyey Cabdi Casiis iyo Afar ruux oo kale oo ay ku jirety Haweeneydii Dhibanaha ahayd ee iyadu sheegtey in la kufsadey , waxaana halkaasi ku soo Xaadirey Qaybaha Warbaahinta , Waxaa kaloo ku sugnaa Laba Qareen oo u doodeysey Wariyaha , iyo Qaar ka mid ah Hayadaha Xaquuqda Adanaha oo ay ka dhex muuqtey Leylo,waxayna Xeer Ilaalinta halkaa ka akhrisey Dacwada Cabdicasiis iyo Dadka kale ee la xiran .

Xeer Iaaliyaha Qaran oo halkaa ka Hadley ayaa ku dheeraadey dacwada loo haysto Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Afarta kale ee ay Booliiska ku soo eedeeyey in ay isku Biirsadeen war ay ku tilmaameen Mid Been Abuur ah , waxaa uu sheegay Xeer Ilaaliyaha in ay soo gabagabeeyeen Kiiskii Cabdicasiis Koronta , wixii Maanta ka dambeeyana ay u gudbinayaan Xabsiga Dhexe si loo horkeeno Maxkamad.

Markii uu Xeer Ilaaliyaha uu sheegey in Xabsiga loo gudbinayao Shanta Ruux ee uu ku jiro Wariye Cabdi Casiis Koronto waxaa ka gilgishey Bahda Saxaafada oo sheegey in Xariga Wariye Cabdi Casiis Koronto dad kale ee la xiran ay tahay Mid Cadaaladaro ah oo ay sheegeen in lagu Xadgudbey Dastuurkii Wadanka .

Xasan Cali Geeseey oo ah Agaasimaha Idaacada Dalsan oo uu Wariye Koronto u shaqeynayey iyo Layla Maxamuud Cabdulle oo ka mid ah dadka u dooda Xaquuqda Insaanka gaar ahaan Wariyayaasha ayaa Xariga Cabdicasiis Koronto Ku Tilmaamey Mid Xadgudub ku ah Xaquuqda Aadanaha , maadaama aan wax Dambi ah lagu haynin oo cad , waxayna Dowlada Federaalkla ka Codsadeen in la sii daayo Wariye Cabdicasiis iyo dadka kale ee lala xirey.

somalitalk's weriyekoronto album on Photobucket

Xeer Ilaaliyaha Ma sheegin Waqtiga la keenayo Maxakamadda Wariye Cabdicasiis Koronto , hase yeeshee Xeer ilaaliyaha ayaa sheegen in aysan ka badnaan doonin muddo Isbuuc ,balse Waqtigaas dheer ayey Wariyayaasha ku tilmaameen mid Shacrcidaro iyadoo qaarkood sheegey in Cabdicasiis koronto uusan lahayn wax dambi ah balse la iska haysto

Wariye Amiin Yuusuf Khasaaro oo Maanta Goob joog u ahaa halkii lagu dhageysanyey Dacwada Warbintii uu jeedinayey Xeer ilaaliyana Guud Qaranka ayaa ka muuqatey Daldaloolo fara badan oo la xiriirta sida ay u socoto Dacwada wariye Cabdicasiis Koronto , waxaana ii muuqdey in Wariye Cabdicasiis uu u xiran yahay si Gardaro ah sidoo kale intii aan ku sugnaa Halka ay ka socotey Dacwada ayaa waxaa Kaamirada iga qaadey Xeer Ilaaliyaha balse markii dambe si Wanaagsan iigu soo celiyey iyadoo aan waba ka maqneyn

Wariyey Cabdicasiis Koronto dhex jira Shabaqa Eeysanyaasha la geliyo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.