Qore: Dr. Saadiq Enow
In loo dhug lahaado abuurka waa sababta loo nool-yahay oo dad loo-yahay. Waana qodobka ugu hilan culus oo kobcinaya garashada qofka aadamiga ah iyo fahamkiisa ku wajahan nolosha. Qofka aanan dhugtiisa adeegsan, laba midkood ayuu u ban-baxaa. In uu ku shaqeeyo dhug hooseysa oo markaas uu lamid noqdo bahaahimka ka aradan kaska iyo garashada. Ama in uu noqdo mid dhugtiisii lala qeybsado oo naftii iyo jirkii uu hibada u heley ay dhug kale ku shaqeysato. Dhugtu waxay qofkeeda gaasriisaa miisaan ku jaan-go´an mudnaanta aadaminimo ee aan marna dheelliyin iyo xikmadihii uu kaga badbaadi lahaa hagardaamada nolosha. Muuqaalka quruxda badan iyo duruusta ay dabiicaddu ina siineyso maalin walba, waa umuuro soo jiidasho leh oo inoo xoojinaya dhugta. Ku-fogaanshaha fahamkooduna wuxuu qofkiisa ku tallaalaa jaceyl loo qaado quruxda nolosha. Si haddaba fahamkayagu uu isugu gurto bahda aadamiga ah ee oggolaatey hal-haleeka quruxda uunka, casharkayagan waxaanu ku eegeynaa xagal kale oo laga dheehdo farsamada qurxoon oo xikmaddu ay ka danbeyso taas oo dheehadkeedu ay naftayadu ku caafimaaddo, nafaceeduna uu korkayagu ku caafimaado.
Waxaa ogaal buuxa loo leeyahay, jirka uun-walba oo noolaley ah in uu ka kooban yahay unug (Cell), taas oo ah dhismaha saldhigga xubnihiisa. Inkasta oo sanadkii 1665-kii ay ahayd marka la ogaadey jiritaanka unugga, misana muddo ka badan 170 sano ayay qaadatey in la ogaado aragtida unugga (The Cell Theoery), taas oo ay reebeen laba aqoonyahan oo u dhashey dalka Jarmalka. Labada nin waxaa la-kala yiraahdaa Matthias Jakob Schleiden (1804-1881) iyo Theodor Schwann (1810-1882). Aragtidaas ayaa waxay sheegeysaa, noole walba dhismaha jirkiisu in unuggu uu saldhig u yahay. Noolaha oo ah ah dadka, bahaahimka, cayayaanka, bakteeriyada iyo dhirta ayaa dhamaan jirkoodu wuxuu ka kooban yahay unugyo. Virus-ka oo isagu u tarma sida noolaleyda ayaa wuxuu yahay mid aanan lagu tiring noolaleyda, bal wuxuu yahay mid u dhexeeya uunka noolaha iyo uunka ma-noolaha, Waxaa jira tilmaamo toddoba ah oo ay wadaagaan, kuwaas oo ka dhigaya kuwo ku abtirsada bah-weynta noolaha unugleyda ah. Tilmaamuhu waxay yihiin kuwan:
1. Homeostates: Is-hagaajinta cimilada gudaha jirka noolaha
2. Organization: xiriir iyo wada-shaqeyn ka dhexeeya xubnaha noolaha
3. Metabolism: hannaan raashinkii nooluhu qaatey u beddelaya tamar
4. Growth: dheefshiid leh jejebin iyo dhismo nooluhu ku helo koritaan
5. Adaptation: qaabilaad nooluhu la qabsado is-beddelka cimilada dibadda
6. Stimulation: hannaan la xiriira dibad u soo-saarka dareenka noolaha
7. Reproduction: hannaan ay ku tarmaan jaadka fac walba oo noolaha ah
Dhirta oo kamid ah noolaha tilmaamahaas toddobada ah leh, ayaa waxay tahay mid wadata asraar badan. Sirta ugu weyn waxaa weeye in ay tahay mid iyadana is-quudisa, noolaha intiisa kalena quudisa. Marka laga reebo dhulka aanu ku dhaqannahay, malluugyada nala dersika ah ee dhulkayaga kula meereysta qorraxda, kuma jiro mid ay dhir ka baxdo. Xataa haddii biyo laga helo dhulalkaas dushooda, cimilada ka jirta darteed suuragal maahan in ciiddooda ay dhir ka baxdo. Dhirtu, raashinka ay na siiso ka sokow, dhulka waxay u yihiin gogol oo qurux iyo shacni ayay ku kordhisaa. Waxay leeyihiin dhaqan ah in ay nuugaan qeyb xoog leh oo kamid ah kuleylka qorraxda, markaas ayay ka diyaarsadaan raashin ay ku noolaadaan, dadka iyo xoolahana ay ku marti-sooraan. Unugyada dhirta sida kuwa aadamiga iyo xoolaha waa ay is-hagaajiyaan. Howlaha gudahooda ka socda waxaa kamid ah dheefshiid miikaaniko ah (Metabolism) oo unuggu uu ku dhiso brootiinada uu ugu baahan yahay koritaanka iyo miro-abuurka. Aqoonyahannada ku xeel-dheer aqoonta dhir-baradka Botanists goor hore ayay heleen ogaallo xiisa leh oo ku dheehan nolosha dhirta. Ogaalladaas kuwooda ugu hilan culus waxaa kamid ah qalab molekullo ah oo la socda dhirta, kuwaas oo lagu magacaabo Cagaareyn (Chloro-phyll) iyo hannaan uu qalabku ku shaqeeyo oo isna lagu magacaabo If Ku-dhis (Photo-synthesis). Hannaankaas oo dhirtu ay raashinka ku sameysato ayaa wuxuu yahay mid ay kaga duwan tahay noolaha kale oo ay unugleyda ku bahoobeen.
Maaddadan ah cagaareynta (Chloro-phyll) waa sheyga ugu hilan culus oo dhirta la socda. Bal waxaa la oran karaa waa midka ugu muhimsan ee gebi ahaan nolosha ku haya adduunka. Maaddada Chloro-phyll waxay ku jirtaa cawska, ubaxa, jiridda, laamaha iyo caleemaha dhirta. Markii ugu horeysey waxaa si gaar ah maaddadan uga soo dhilqiyey caleenta laba aqoonyahan oo u dhashey dalka Faransa. Joseph Bienaimé Caventou (1795–1877) iyo Pierre-Joseph Pelletier (1788 – 1842), kuwaas oo aqoontoodu ay ahayd kiimikada. Sanadkii 1817-kii waxay kala saareen maaddada cagaareynta ah iyo geedka. Xiisaha ay maaddadan leedahay darteed ayaa tan iyo xilligaas, si looga daba-tago asraarta waxaa isku howley aqoonyahanno badan. Waxaa safka hore kaga jira kuwa nolol-baradka ah (Biologists), kuwa dhir-baradka ah (Botanists) iyo kuwa raashin-baradka ah (Dietician).
Aayadaha Quraanka iyo sunnada shariifka ah waxaanu ka heleynaa meelo badan oo dadka rumeeyey Eebe (kor ahaaye), lagu mataalayo geedo dhulka ka baxay. Markii si dhug leh loogu fiirsado waxaanu heleynaa isu-ekaansho badan oo ay wadaagaan dadka mu´miniinta ah iyo dhirta. Waxaa kamid ah in labaduba iyaga oo unugleyda kamid ah ay misana labaduba xiriiriyaan cimilada kore iyo cimilada dhulka. Geeduhu waa sirtii nolosha oo la´aantood ayan nolol ka jirteen dhulka oogadiisa. Waxaa lamid dadka iimaanka leh, kuwaas oo la´aantood ayan nolol hagaagsan ka jirteen dhulka oogadiisa. Tamarta nooleysa dhirta oo ah ifka qorraxda iyo hawada CO2, waxay ka qaadataa cimiladaas kore, dabadeed nolosha dhulka ayaa ku camiranta. Sidaas si lamid ah ayaa dadka rumeeyey Eebe (kor ahaaye), waxay cimilada kore ka helaan anshaxa diiniga ah iyo xeerarka sharciga ah, kuwaas oo wanaag ku camira dhulka oogadiisa. Dhirtu waxay cimilada dhulka ka nadiifisaa walxaha kiimikada ah ee dhaliya hawada wasakhda ah (CO2). Sidaas ayay ku dhowrtaa dheelli-tirka nadaafadda biyaha iyo hawada dhulka. Waxaa lamid ah kuwa rumeeyey Eebe (kor ahaaye) oo iyagu anshaxa wanaagsan, falalka suuban iyo dhowrsanaanta ku badbaadiya nafafyaalkooda iyo nafafyaalka bulshada ay la nool yihiin.
Dhug u-lahaanshaha barashada aqoonta dhirta, waa anshax uu islaamku uga horeeyey diimaha iyo fikradaha ay dadku rumeeyaan. Ujeeddadu waxay tahay in bulshadu hesho faa´iidooyinka badan oo geedaha iyo dhirtu ay leeyihiin. La´aantood dhulku shacni iyo qorux ma lahaadeen. La´aantood arsaaq lama intifaacsadeen. La´aantood hoos macaan lama harsadeen. La´aantood dawooyin lagu badbaado lama heleen. Dhirta qiimahaas leh, agabka ugu hilan culus oo gudahooda ka dhex-shaqeynaya waa maaddada ah Cagaareyn. Ereyga ahcagaareyn Chloro-phyll wuxuu ka soo jeedaa afka Griigga. Chloros macneheedu waa midabka cagaaran, Phyllon ayaa iyadana ah caleenta dhirta. Agabkan ayaa wuxuu yahay qalab aad u yar-yar ee ku dhex-jira unugta dhirta, kuwaas oo lagu magacaabo Chloro-plast, kaas oo ah wershado yar-yar oo midab cagaaran leh. Waxay awood u leeyihiin in ay nuugaan iftiinka soo gaara unugta ee qorraxda kaga yimaada.
Photon oo ah walxaha uu iftiinku ka kooban yahay, ayaa mid walba wuxuu la xiriirayaa hal electron oo ah elektroonada ku dhex-jira agabka chloroplast. Dabadeed Photon-kii ayaa elektroonkii wuxuu ka yeelayaa mid fir-fircoon oo ay xamaasad ka muuqato. Electroonkaas (Excited Electron) fir-fircoon ayaa xamaasaddii wuxuu ku daaranayaa elektroono la deris ah. Markaas ayay isla wada shidmayaan. Waxaa halkaas ka dhalanaya in elektroon walba uu bixiyo labo molekul oo ah chlorophyll, kuwaas oo markaas isku beddelaya Pheophytin. Dabadeed waxaa halkaas ka curanaya tamarta la yiraahdo ATP (Adenosine-triphosphate), taas oo ahmiyadda uu leeyahay darteed lagu magacaabey asaaska cumladda molekules-ka (Mollecular Unit of Currency). Waa shidaalka quudiya gebi-ahaan awoodda uu ku shaqeeyo jirka noolaha oo dhirtu ay kamid tahay.
Tamarta dhalaneysa oo iftiinku sabab u yahay, dhirtu waxay u adeegsaneysaa sidii ay u dhisi laheyd canaasir kiimiko ah oo lagu magacaabo (Carbohydrates). Canaasirtan oo ah raashinkii ay dhirtu ku noolaan-lahayd ayaa dhismahooda waxaa ka qeyb-qaata biyaha (H2O) iyo hawada (CO2) soo gaara wershadahaas yar-yar ee unugta ku dhex-yaal. Hannaankaas ay geeduhu ku sameystaan raashinka waxaa lagu magacaabaa If Ku-dhis (Photo-synthesis). Ereyga Photo macnihiisu waa iftiin, Synthesis ayaa iyadana macnaheedu yahay rakibaad. Mucaadalada fal-galka kiimikada ah ee howshan waxay u dhacdaa sidaan:
6(CO2) + 6(H2O) → 6(H12O6) + 6(O2)
Carbon-dioxide + Biyo Iftiin Sonkor + Oxygen
Xeerka mucaadaladan waa mid mucjiso ah oo waa xeerka quudiya dhamaan noolaleyda dunida ku dhaqan. Markii ay dhirta raashin ku hesho hannaankaas If Ku-dhiska ah, ayaa xoolihii iyo dadkii waxay u martiyaan dhirtii si ay raashin uga helaan. Haddii maaddadan ayan mucaaddaladan ku diyaarin laheyn raashinkii uu geedka quudan lahaa, nolol kama suuragasheen dhulka oogadiisa. Dadka iyo bahaahimka midkoodna raashin ay quutaan ma ayan heleen. Qarnigii 17-aad wixii ka horeeyey aadamigu garasho uma uusan lahayn maaddadan cagaareynta ah iyo hannaankeeda if ku-dhiska ah. Laakiin ahmiyadda ay nolosha u leedahay darteed ayaa lagu xusey kitaabka dahiran ee quraanka ah, iyada oo leynagu barayo in ay kamid tahay ishaarooyinka ay wax ku qaataan kuwa Eebe rumeeyey. Aayadda 99-aad suuradda Al-Ancaam, waxay si qayaxan inoogu tilmaameysaa arinkan. Aayaddu waxay leedahay sidan:
(وَهُوَ الَّذِى أَنزَلَ مِنَ السَّمَآءِ مَآءً فَأَخْرَجْنَا بِهِ نَبَاتَ كُلِّ شَىْءٍ فَأَخْرَجْنَا مِنْهُ خَضِرًا نُّخْرِجُ مِنْهُ حَبٌّا مُّتَرَاكِبًا وَمِنَ النَّخْلِ مِن طَلْعِهَا قِنْوَانٌ دَانِيَةٌ وَجَنَّاتٍ مِّنْ أَعْنَابٍ وَالزَّيْتُونَ وَالرُّمَّانَ مُشْتَبِهًا وَغَيْرَ مُتَشَابِهٍ)
Aayaddu waxay ka sheekeyneysaa labo dhacdo oo soo noq-noqasho badan, kuwaas oo ku socda xeerarar Eebe (kor ahaaye) uu ku maamulo cimiladan aynu ku dhex-noolnahay. Labada dhacdo oo aayadda ku xusan waxay kala yihiin biyo kor ka soo da´aya iyo miro dhulka ka soo baxaya. Waxaa kale oo aayadda ku sugan erey u dhexeeya khabarka labada dhacdo, kaas oo ah cagaareyn (خَضِرًا ). Ereygan ayaa markii lagu fasiro aqoonta casriga ah iyo garashada waayahan danbe la heley, wuxuu noqonayaa Cagaareyn (Chlorophyll). Sida aanu soo xusney waa midka quudiya dhirta, waa midka midabka cagaaran siiya cawska, caleemaha dhirta iyo begelka aanu cunno. Halka uu dhiigga u joogo jirka aadamiga ayuu u joogaa jirka dhirta. Wuxuu ka qeyb-qaataa hannaan dhowr ah oo nolosha dhirta ay ku taagan tahay. Waxaa kamid ah dheef-shiidka, koritaanka, taranka iyo hawo-qaadashada dhirta.
Maaddadan ayaa waxay leedahay laba jaad oo aqoonyahannadu ay ku kala magacaabaan A iyo B. Molekullada maaddada Chlorophyll A, wuxuu u muuqdaa mid uu midabkiisu yahay cagaar buluug-xigeen ah. Dhererka hirarkeeda ifka bixiya waa 985 nanometer wave-lengths, kaas oo indhahayaga ugu muuqda cagaar. Molekullada Clorophyll B ayaa iyaguna u muuqda midab ah cagaar huruudi-xigeen ah. Iyaduna dhererka hirarkeeda ifka bixiya waa 735 nanometer wave lengths, kaas oo qudhiisu indhahayaga ugu muuqda cagaar. Sidaas ayaa Soomaalidu ay midabka cagaaran ee caleenta ugu magacaabaan Doogaad.
Maaddadaas ah cagaareynta oo qarniyo badan horteed lagu xusey kitaabka quraanka ah, waa maaddada jirkayaga quudisa, naftayadana ay ku raaxeysato midabka doogaadda ah oo ay dhirta siiso. Waxaa intaas u weheliya oo dhowaan la ogaadey qiimaha ay u leedahay caafimaadka jirka aadamiga. Takhaatiirta ku howlan qiimeynta raashinka (Dietician) waxay sheegaan sirta ku dheehan maaddadan cagaareynta in ay tahay curiyayaasha ay ka kooban tahay. Waxay yihiin Carbon (55 atom), Hydrogen (72 atom), Oxygen (5 atom), Nitrogen (4 atom) iyo Magnesium (1 atom). Atomka Magnesium wuxuu fadhiya bartamaha. Waa cunsurka saldhigga u ah caleemaha dhirta, kaas oo siiya midabka cagaaran. Awoodda uu midabka cagaaran leeyahay waa mid xiriir la leh maaddada Chlorophyll sida ay ugu badan tahay unugyada geedka iyo tirada atom-ka Magnesium oo ku guda jira.
Daba-galka lagu sameeyey maaddada cagaareynta ogaallada laga heley, waxaa ka muuqda isu-ekaanshaha xooggan ka dhexeeya iyada iyo maaddada Hemoglobin ee ku guda jira unugyada cas-cas (Erythrosytes). Labada maaddo (Hemoglobin iyo Chlorophyll) waxay ka kooban yihiin maaddada midabyada sameysa ee la yiraahdo Porfirina Pigment, taas oo qudheedu ka kooban afar walax ee ah Pearl Pigment. Sida uu Chlorophyll-ku u cagaareeyo caleenta dhirta ayuu Hemoglobin-ku u guduudiyaa dhiigga aadamiga iyo xoolaha. Cunsurka Magnesium (Mg+) ayaa wuxuu yahay curiyaha udub-dhexaadka ah ee midabka cagaaran siiya maaddada Chlorophyll. Sidaas si lamid ah ayaa cunsurka birta (Fe+) ah wuxuu yahay curiyaha midabka guduudan siiya maaddada Hemoglobin.
Aqoonyahannada u kuur-galey asraarta ku keydsan xiriirka ka dhexeeya labadan maaddo (Hemoglobin iyo Chlorophyll) waxay ogaadeen arimo lala amakaagey. Waxaa kamid ah in maaddada Chlorophyll oo dhirta la socota, ay saldhig u tahay dhiigga noolaleyda ku nool dhirta iyo hilbaha (dadka iyo xayawaanka ku nool hilibka). Tijaabooyinka la qaadey oo arinkaas xaqiijinaya waxaa kamid ah, xayawaan ay dhiig-yari heyso (Anemia), ayaa waxaa la siiyey raashin ku hodan ah Chlorophyll. Markaas ayaa xayawaankii waxaa u soo noqdey dhiiggii. Dr. Hametz Fischer oo u dhashey Jarmal, wuxuu ahaa takhtarkii ugu horeeyey oo qofka dhiig-yarida heyso ku daaweeyey Chlorophyll. Taasina wuxuu ku qaatey billadda abaal-marinta heer cari-edeg ee loo yaqaan Noble Prize.
Falaad (research) kale oo la sameeyey waxaa lagu ogaadey maaddada Chlorophyll in ay leedahay tilmaan ah la dagaalanka cudurka khatarta ah ee Kaankarada (Anti-Carcinogenic). Wuxuu hor-joogsadaa wasakhda la socota hawada iyo raashinka ee unugta ku keenta in ay xumaato oo ay buro isu rogto, dabadeedna ay sidaas ku taranto oo kaanser ku noqoto. Tijaabo lagu sameeyey dhalo dhexdeed ayaa waxaa ka muuqdey buro laga soo gooyey qof xanuunsan in maaddada Chlorophyll ay baabi´isey. Laakiin aqoonyahannadu weli ma ay oga qaabkii ay maaddadan ula dagaalami lahayd burada qofka gudihiisa ku abuuranta. Maaddada Chlorophyll waxay hagaajisaa hannaanka dheef-shiidka iyo awoodda ay xubnaha dheef-shiidku ku shaqeeyaan. Lama hayo illaa hadda maaddo kale oo dheef-shiidka xoojineysa sida maaddadan ay u xoojineyso. Waxaa kaloo ay hagaajisaa hannaanka taranka iyo midka qashin-saarka. Waxay la dagaalantaa cudurrada dhiig-karka, cayilka iyo sokorta, iyada oo dib u dhigta gabowga jirka aadamiga.
Khuburada ku xeel-dheer aqoonta kiimikada raashinka waxay tilmaamaan markii aanu cunno raashin uu la socdo maaddada cagaareynta, dheecaanada caloosha waxay maaddadii ka dhilqiyaan curiyaha Magnesium-ka. Markaas ayaa jirkii si gaar ah uga faa´iideystaa cunsurkan. Wax-tarka uu jirku u leeyahay waxaa kamid ah dhiigga oo u baahan 2.5 mg/ 100 ml. Xoogaagaas Magnesium-ka ah waxay ka qeyb-qaataan dheelli-tirka cimilada gudaha ah ee jirka. Waxaa ugu horeeya soo qubashada 300 oo jaad oo dhacaan ah (Enzymes), kuwaas oo habeynaya macdanta iyo fiitamiinada uu jirku ku shaqeeyo. Curiyaha Magnesium-ka wuxuu jirka kala dagaalamaa wal-walka, daalka, wareerka, xanuunka iyo madax-xanuunka. Sidaa darteed dadka daalka badan, sabirka yar, deg-deg ku carooda, dul-qaadku ku yar-yahay, waxaa dhiigooda ku yar curiyaha Magnesium-ka.
Maanta waxaa si wanaagsan loo ogaadey ahmiyadda ay maaddada cagaareynta ah u leedahay caafimaadka aadamiga. Maaddadaas oo qarniyo badan aanu ka dhex-akhrisaneyney kitaabka quraanka ah, ayaa maanta waxaa laga sameeyaa biyo la cabo oo xoojinaya caafimaadka aadamiga. Biyahaas ayaa waxaa loo yaqaan Dareeraha Cagaaran (The Green Liquid). Wuxuu xoojiyaa hannaanka molekullada jirka ay ku kala qaataan elektroonada (Oxidation). Dareerahan ayaa wuxuu hor-joogsadaa in hannaankaas uusan si khaldan u shaqeyn. Waxaa awooddaas u yeeley vitamiinada A, C iyo E oo uu hodanka ku yahay. Sidaa darteed waxaa la tilmaamaa in uu leeyahay awood ah Anti-Oxidant. Waxaa kaloo uu leeyahay awood ah ka hor-tagga wax-yeellada cayayaanka (Anti-Inflamatory). Wuxuu ka hor-tagaa raadka uu jirku ku reebo weerarada inooga imanaya cayayaanka.
Dareeraha cagaaran, isagu si toos ah uma lahan awood uu ku laayo cayayaanka (Anti-Septic). Laakiin wuxuu xoojiyaa awoodda uu jirku u leeyahay in uu ku laayo cayayaanka weerarka nagu haaya. Waxaa kaloo uu xoojiyaa u-adkeysiga jirka ee xanuunada. Arin kale oo qiimi badan oo laga dhaxley dareerahan ayaa wuxuu yahay in ay daawo u tahay urka ka yimaada afka (Bad Breath). Arinkan ayaa wuxuu yahay hadiyad uu aadamigu dhowaan heley, taas oo Eebe (kor ahaaye) uu goor hore dabiicadda u dhigey. Dareerahan wuxuu yahay mid laba jeer ka awood badan daawooyinka ah Deodoriser ee loo kaashado daweynta urka afka. Waxaa taas ka qiimi badan in uu yahay mid xoojinaya habsamidii hannaanka waddada dheef-shiidka. Sida la ogsoon yahay, khalad ka dhaca hannaankaas ayaa sabab u ah in afka iyo dhuuntu ay uraan.
Dareeraha Cagaaran wuxuu raad xooggan ku yeeshaa gaadiideynta curiyaha Magnesium ee jirka gudihiisa (Rapid Delivery of Magnesium). Wuxuu xoojiyaa in uu kordho curiyaha Oxygen ee gaaraya dhamaan unugyada iyo dunta (Tissue) jirka. Dareeruhu waxaa kaloo uu hodan ku yahay Vitamiinada K iyo C. Waxaa kaloo uu hodan ku yahay macdanta ah birta iyo Calcium. Waxaa ku badan Brootiinka. Wada-jirka walxahaas ayaa waxay yihiin kuwo hagaajinaya dhismaha unugyada cas-cas ee dhiigga (Erythrocytes), isla-markaas waxay kordhinayaan hannaanka is-difaaca ee jirku leeyahay (Immune System). Eebaa ku mahad leh nicmadihiisa kuwa aanu ogaalka u leenahay iyo kuwa aynaan ogaal u laheyn. Eebaa ku mahad leh dhabaalkiisa dahiran ee uu wax walba inoogu sheegey. Eebaa ku mahad leh maanka iyo dhugta aanu u adeegsaneyno in aanu adduunka ku dhaqanno innaga oo ka duwan bahaahimka.
Mawaashiga Rabbaa nooga dhigey maal an leenahaye
Isha lama muhleeyeen haddii anu maggaabeyne
Manaafacakan xooluhuna waa mahad Ilaaheeye
Maroodiga ka xoog-weyn ratiga moodka gurayaaye
Haddii aan mudeecnimo ku jirin lama muquunsheene
Maxmuulkuu inoo qaadi waa mahad Ilaaheeye
Jiilaal hadduu maro arladu waa madowdahaye
Maddarkiyo wax lagu baansadaa milayga roobaade
Mayeyguu inoo keeni waa mahad Ilaaheeye
Dhulka muunadiis waa hadduu naqu ka muuqdaaye
Makaankii abaareysanina waa midab xumaadaaye
Malafka iyo doogaaddu waa mahad Ilaaheeye (Cismaan Yuusuf Keenadiid)
Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com
Asalaamu caleykum.Allah hakaa ajarsiiyo ing.Eenow casharadan qiimaha badan aad noo soo diyaarid.
Dr Eenow iyo Somalitalk labadaba allaha noo barakeeyo
Waa maqaal aad u qiimo badan ee Alle ha kaa abaalmariyo.