Home » Warar »

Reer Minnesota oo Mudaharaad ka hor geeyey Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka Mataanaha ee St.Paul iyo Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa bannaanbax ay ku diidan yihiin madaxweynaha Dawladda Federaalka (DFS) waxay ku dhigeen goobta faras-magaalaha Minneapolis Convention Center ee uu khudabada ka jeedeinayey habeenimadii Jimcada Janaayo 18, 2013

Dadka mudahaaradayey ayaa ku dhawaaqayey erayo ay ka mid yihiin in madaxweyanaha DFS uu diidan yahay dastuurkii Federaalka ah ee lagu soo doortay sidaas daraadeedna aysan isaga doonaayn mar hadii uusan u hoggaansamayn dastuurkii lagu soo doortay. Waxa kale oo ay ku dhawaaqayeen “Dooni mayno caddaalad darrada”.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Minnesota ayaa mudaharaadkooda ku muujiyey sida aay u saluugsan yihiin qorshaha madaxweynaha dhawaanta loo doortay Dawladda Federaalka Soomaaliy,  Xasan Maxamuud Calasow.

Maadaxweynaha DFS oo khubad u jeedinayey taageerayaashiisa ayaa qiray mudaharaadka reer Minnesota, isagoo sheegay “in uu ku faraxsan yahay haddii aan is khilaafno in aan tabeelayaal qaadanayno ee aanan qaadanayn qori Aake ah (AK).”

Video hoose ka daawo mudaharadaadka reer Minnesota iyo dadaladii qaar ka mid ah dadkii bannaanbaxa dhigayey:

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.