Home » Warar »

Dhacdooyin La Yaab leh oo laga soo Ururiyey Howlagalada Ciidamada Dowladda ee Muqdisho (Warbixin)

Iyadoo Maalmahaan ay socdeen Howgalo ay Sameynayeen Ciidamada Dowlada Federaalka kuwaas oo lagu soo ururrinayo Dhalinyarada Da’dooda u dhaxeysa 15 jir ilaa 20 jir ,hase yeeshee dadka Qaar ayaa si weyn uga Caroodey Dhaqanka Ciidamada Dowlada ee soo qabqabashada Dhalinyarda, iyagoo sheegey in arrintaan ay ka dhalan karo Carro weyn oo loo qaado Dowladda ama ay meesha ka baxdo kalsoonidii ay Bulshada u hayeen Dowladda .

Gawaarida lagu qaado dadka la soo qabto

Ibraahin waa wiil Dhalinyaro waxaa uu iiga Sheekeeyey Dhacdo qabsatey mar ay qabteen Ciidamada Dowladda iyadoo Subaxa la qabanayo uu Habeenkeeda ahaa Caruus ama Aroos.

Wuxuuna hadalkiisa ku bilaabey “ Aniga oo Habeenkii oo dhan Faraxsan oo aan ku jirno reynreyn aniga iyo Gacalisadeyda ayaa Subaxii Ciidamada Dowlada iga soo taxaabeen Gurigeyga markii ay Deriska yiraahdeen war wiilkaan Xaley Buu Aroos ahaa ee iska daaya ayaa mid ka mid Ciidamada waxaa uu ku jawaabey” Kuwa Aroosyada ku jira waa kuwa la shaqeeya Shabaabka, waxaana maqlayey Gacalisadeyda oo ka daba qaylineysa Ciidamada oo weliba Afla labadii yeertey “markiiba waxaa la I geeyey Xarunta Nabasugida waxaan ku Xirnaa mudo Saddex maalmood ”.

Wuxuuna uu intaa ku darey “Maxay soo Deysmo hadda ii tareysaa ,Xaqiiqdii Ciidamada Dowlada waa iga jajabiyaan waxaana uu ku qayliyey “Ma nin Aroos ah yaa la qabtaa ,Maxay Oroos ka yaqaaniin marka waxaa Dowlada kula talinyaa in ay dadka si wanaagsan ula dhaqmaan oo ay ka daayaan Xadgudyada dhinaca Bani’aadanimada waayo dadka waxaa laga yaabaa in ay Carro weyn u qaadaan Dowladda welibana kuma sii jiraan kuwa aniga oo kale oo isaga oo caruus ah la soo qabtey “.

Xasan Cilmi Faarax waxaa uu ka mid yahay odoyaasha ku dhaqan Magaalada Muqdisho isagoo aad u careysan ayaa waxaan kula kulmey Hotel ka mid Hotelada Magaalaada Muqdisho waxaana uu markaa indhaha ku Hayey Dhalinyaro aad u fara badan oo Indhaha ka Xiran oo Ciidamada Dowlada u wadaan Xarunta Nabadsugida.

Waxaana weydiiyey Maxaa la Careysan tahay waxaana uu ku jawaabey “Walaahi waa dhaqan aana arki jirin oo maalmahaan nagu soo kordhey Wiil aan dhaley oo laga soo qabtey mid ka mid ah Xaafadaha Muqdihso ayaa laba maalmood waxaa uu ku baryey Xabsiga ma garan karo markii la yiri “Wax dambi ah ma lahid ee iska bax markii labadii maalmood ee Wiilkeyga Xoriyada laga qaadey islamarkaana ay dhaafeen Casharadii Jaamacada yaa loo raacanayaa, weliba wiilka waxaa uu ii ahaa Xoog Shaqo,waayo Hooyadii oo Xanuunsan buu hayey marka waxaa ka doonayaa Dowlada in sidaan dadka loola dhaqmo ma mid Masuuliyiinta Dowlada ka warqabaan baa mise waa mid ay iska wataan Ragg kale waa in ay Dowlada ii Caddeyso”.

Cali waa wiil dhigta Dugsiga Sare Subaxii la soo qabanayey waxaa uu Xirnaa Dareyska Iskuulka waxaana uu sitey Buugaagtiisa, waxaana indhaha looga duubey Shaarkii Caddaa ee iskuulka ku dhiganayey waxaana gacamaha uu ku sitey Buugaagtii iskuulka waxaa la oo soo daayey muddo 7 saac ka dib waxaana isagana weydiiyey mar aan kula kulmey Meel Shaaha laga Cabo Su’aal ahayd goormaa lagu soo qabtey waxaa uu ku jawaabey:

“Markii aan is diyaariyey oo Hooyo Quraacdii i siisey ayaa albaabka la soo garaacey ,waxaa ka soo galey laba Askari markii Shaarki Iskuulka ayey Siib i yiraahdeen, waan siibey ,markiiba indhaha ayey iiga boobeen waxaan maqleyey hadalkii Hooyadey oo ahaa “War wiilka ii dhaafa Iskuul buu u socdey “ warkii Hooyadey Dheg Jalaq looma siinin, waxaana hall haleel la ii saarey Gaarigii weynaa ee Ciidamada , markii uu sii dhaqaaqayey Gaariga weli waxaan maqlayey Codkii hooyadeey inta is hayn kari waayey ayey Ilmo iga soo daadatey hase yeeshee Ilmadaasi Cid ma arkeyn waayo waxaa indhaha iiga Xirnaa Shaarkii iskuulka, balse laga dareemayey Qoyaankii Ilmada ee shaarka ka soo fiixayey.

Dhalinyaro Xirxiran

Wuxuu sii daba dhigey Cali “Wiil I Dhinac fadhiyey ayaa si hoose isku wareysaney waxaan weydiiyey halkee lagaa soo qabtey markaasuu ku jawaabey “Walaal waxaana dareemayaa in aad tahay ardey , walaal aniga oo sii galaya Garaash Gawaarida la dhigto si aan u soo kaxeeyo Gaari kuwa Dadweynaha qaada (BL) ayaa la I soo qabtey, markiiba Gaarigaan baa la I soo saarey ee Ciidamada leeyihiin, marka walaal waxaan ka walwalsanahay sida aan u maareyn doono Biilka yaraa ee aan ka qaadan jirey Gaariga BL-ka waayo caruur badan baa isu geysa marka ma garan karo inta ay Ciidamada I hayn doonaan”.

Aniga oo sidii u Fadhiya goobtii Shaaha ayaa meel aan sidaa iiga dheereyn waxaa ka Maqlayey laba dhalinyaro oo sheekeysanaya, mid baa leh Saaxiib Caawa Xaafadaasi ma Hoyanayo waayo waxaan maqley in Subaxii ay ku soo wajahayn yihiin Ciidamada Dowlada marka Saaxiib adiga yey kuu taal, wiilkii kale markii uu warkaasi maqley waxaa galey Welwel iyo walbahaar ,waxaa indhihiisa laga Dheehanayey ,Tolow Xaafada ma jiiftaa mise waad ka Hayaantaa Caawa , inta u soo dhawaadey markii uu baxay Saaxiib ayaa iri “maxaa la walwalsan tahay.

Markaasuu igu jawaabey “Saaxiib maalmahaan dhalinyardii waa loo yimid wuxuuna Saaxiibkey i Xasuusiyey Xiligii Ciidamada Itoobiya ay ku sugnaayeen Muqdisho oo ahaa in Howgalkooda laga carari jirey intaa uu Waagu kuugu baryin,mararka qaar Taleefoonada ayaa la iska waci jirey marka ay Amxaarada ka soo baxaan Xeryahooda sidaa baa Xaafad ,Xaafad ugu Gudbi jirney marka walaal waa arrin aan ka duwaneyn Howgalka hadda Soca kii Amxaarada marka waxaan Dowlada Federaalka u soo jeedinayaan in aan qofka waqtiga laga qaadin ama loola dhaqmin si ka baxsan Baniaadanimada oo qofkii la Tuhmo si Tartiib ah loo qabto “

Xuseen waxa u ka mid ah raga sida aadka ah u taageersan Howgalada Ciidamada waxaan uu yiri ”Dadka la soo qabanayo ma aha dad iyaga oo Gacmaha kula jira Dambigii la soo qabtey ee waa dad loo soo qabtey Tuhun arrimaha noocaan oo kale waa ka jiraan Dunida hase yeeshe Dhaqanka ayaa kala duwan waayo Ciidmada Dowlada ee soo qabanayaa dadka ma ahaa kuwa tababaran ma aha in qofka indhaha laga xiro oo weliba Shaarkiisa lagu Xiro , waxaa dhici kara in ruux uusan u adkeysan Karin in Indhaha laga xiro , midda kale marka dadka la soo qabanayo ee loo wado Xarunta Nabadsugida waxaa ay Gawaarida Wadooyinka ku maraan iyadoo dadka la argagixinayo weliba waxaa wadada lagu furtaa Rasaas waxaa iigu yaab badney markii Rasaas ay fureen Gawaaridaasi ay waxyeelo ka soo gaartey Haweeney Da’ah oo is buuratey markii ay naxdey.

Ugu dambeyntii Ma Xumaha in ay Dowlada ay Ammaanka Sugto,hadana waxaa laga doonayaa in Ciidamada ay si wanaagsan ula dhaqmnaa dadka ay soo qabanayaan iyo waalidiinta Dhaliyarada la soo qabtey, waayo waxaa dhici kara in iyadoo Dowlada is leedahay sidaan baa Amaanka lagu sugi karaa ay keeni karo in Carro weyn loo qaado Dowladda , waana mid Dhalin karta Kalsoonidaro iyo weliba Naceyb
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinKhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.