Home » Warar »

Maxaa ka soo baxay Kulankii Madaweyne Xasan Shiikh iyo Barack Obama

iyo Xasan Shiikh oo la Kulmey Hillery Clinton —

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiik Maxamuud ayaa Booqasho ku tegay Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo isagoona halkaa kulan kula qaatay Madaxweynaha Dawladda Maraykanka Barack Obama ,Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay Xiriirka labada dal iyo sidii uu Madaxweynaha Soomaaliya uga sii shaqayn lahaa horumarka Soomaaliya isagoo ka faa’ideysanaya Fursadda uu iminka haysto.

Kulanakaas oo ay labada Madaxweyne waxay Diirada ku saareen arrimo la xiriira Amaanka iyo Dhaqaalaha iyadoo Madaxweyne Xasan Shiikh uu sheregey in Mareykana uu muddo dheer Xiriir kala dhaxeeyey Soomaaliya wuxuuna sheegey in hadda loo baahan yahay in mar kale Boorka looga jafo Xiriirkaasi.

Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa uu sheegey in ay Dowlada Mareykanka isku afgarteen sidii ay dib uga furan lahaayeen Safaaradoodii Soomaaliya , isagoo sheegey in Dowlada Soomaaliya ay u diyaarisey Dhul ay Safaarad ka dhisan karaan tan iyo inta ay ka helayaan Dhulkoodii ay ay hore Safaaradoodii uga furneyd

Mar Madaxweyne Xasan Shiikh wax laga weydiiyey Aqoonsiga Dowlada Mareykana ay Aqoonsatey Dwladiisa waxa ku jawaabey “Waa fursad khaali ah waxyaabo badan baa nooga xirnaa waayo Dowlado iyo Hayado badan bay Dowlada Soomaaliya ka heli doontaa Dhaqaale ay dadka Soomaaliyeed ku soo ,kabtaan”

Kulanka Dhexmarey Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Obama ayaa waxay dadka Siyaasada ka faalooda waxay sheegeyaan in hadii uusan kulankaasi dhaci lahayn uu Madaxweyne Xasan Shiikh Dowladiisa ay Waji Gabax ku ahaan lahayd, iyagoo sheegey in Aqoonsiga uu Aqoonsadey Mareykanka Dowladda Xasan Shiikh ay wax badan ay ku helayaan oo ku aadan Dib u dhiska Dalka

Dhinaca kale inta uusan Madaxweyne Xasan Shiikh la kulmin Obama waxaa uu Kulankiisii ugu horeeyay la yeeshay Xogahayaha Arrimaha Dibadda ee Dalka Maraykanka Hillery Cilinton,Kulankan oo qaatay Saacado fara badan ayaa ugu dambayntii waxaa halkaas lagu kala saxiixday heshiis Dipulumasiyeed oo gaarsiisan in labada dhinac ay dib u soo celiyaan Xiriirkoodii Dipulumasiyeed kaasoo gaarsiisan Heer Safiirnimo.

Markii uu Kulanku soo gaba gaboobay ayaa labada dhinac waxaa ay qabteen Shir jaraa’id iyadoo halkaasina ugu horeyn ay ka hadashay Haweeneyda Xafiiska arrimaha Dibadda u qaabilsan Maraykanka Hillery Clinton,Waxayna sheegtay in Xukuumadda Maraykanku ay aqoonsatay Dawladda Soomaaliyeed wixii maanta ka bilowdana ay ula dhaqmayso sidii laba Dawladood oo madaxbanaan

Clinton ayaa hoosta ka xarriiqday in Dawladda Soomaaliyeed ay ka baxday xiligiii ku meel gaarnimada isla markaana ay ku guulaysatay in ay wax ka qabato arrimo ay ka mid yihiin Shabaabka oo laga saaray Goobo fara badan oo ay hore uga arrimin jireen.

Xoghayaha arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ammaantay hawl galka Amisom iyadoona sheegtay in ay wax badan ka qabteen Xaaladda ammaan ee Soomaaliya iyadoona u rajeysey Xukuumadda uu hoggaaminayo Xasan Shiikh Maxamuud in ay la timaado is bedel la Taaban karo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.