Home » Warar »

Xarriga Wariye Cabdi Casiis Koronto oo Muuqan Kara mid Dhiiragelinaya Kufsiga (Warbixin)

Waa Yaabee Saxaafada iyo Dhibanayaasha Haddii la Amusiyo yaa Soo Badhigaya Kufsiga

Iyadoo weli uu Xiran yahay Wariye Cabdicasiis Maxamed Nuur Koronto oo ka tirsan Radio Dalsan ayaa waxaa socda Qayladhaan ku aadan Xarigaasi oo ka imaanaya Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa iyagoo Codsanaya in la sii daayo Wariyahaasi oo ay ku Tilmaameen Xarigiisa mid Gardaro ah oo aan Geed loogu soo gaban.

Inta aan la xiriin Cabdicasiis Koronto waxaa Bilooyinkii la soo dhaafey sid aad Bulshada Soomaaliyeed u hadal hayeen Kufsi ay geysanayaan Ciidamo ku labisan Direyska Ciidamada , wuxuuna Kufsigaasi uu Dhabar jab ku noqdey Dowlada Faderaalka iyadoo Qaybaha Warbaahinta ay iyaga soo badhigaan ama ay si aad ah uga hadlayeen Kufsigaasi oo Xoogiisa uu sii kordhey markii la qaadey Isbaarooyinkii yiiley Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Dalka.

Daahir Maxamed Xuseen oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa waxaa wax ka weydiiyey Xariga Wariye Cabdicasiis Koronto waxaana uu yiri`.Xarigaasi wax badan baa lgu qarinayaa waxaana ii muuqata in Madaxweyne Xasan Shiikh uu laamaha Amaan ku Canaantey Sida ay uga gaabiyeen arrimaha ku saabsan Kufsiga iyagoo Qolyaha Amaanka taasi ka Duulaya ayey waxay doonayaan in ay arrinta kufsiga ka dhigaan mid aan jirin balse ay Saxaafada Buunbuunniyaan si ay isaga jeediyaan indhaha Bulshada waxqabad la’aamtooda marka waxaan u arkaa Xarigaasi mid lagu Dhiirigelineyso in Kufsiga uu sii socdo waayo Cabdicasiis waxaa uu wareystey Gabar Dhibane ah oo ay Kufsadeen rag ku labisan Dareyska Ciidamada marka ma garan karo gacanta Daahsoon ee ka dambeysa Xarigaasi. Waxaana uu intaa sii raaciyey.

“Marka aan leeyahay Xariga Wariye Cabdi casiis waxaa uu Dhiira gelinayaa in Kufsiga uu sii Socda waxaana kuu Caddeynaya , waxaa la doonayaa in aysan Saxaafada ka hadal Dhibaatooyinka loo geysanayo Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Haweenka waxaana mar aan la sheegeystey Gabar ka mid Gabadhaha Soomaaliyeed waxay tiri iyadoo diidey in Magaceeda la soo xigto “Ma waxaa la doonayaa in Haweenka Soomaaliyeed ay aamusaan haddii la Kufsado waayo haddi dadkii u doodaya la xirayo waa mid aan dhihi karo oo aan ku tilmaami karo in ay tahay mid lagu Dhiirageliyanayo in Kufisgu uu sii socdo marka waxaa u soo jeedinayaa Dowlada Federaalka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo Wariye Cabdicasiis Koronto haddii kale waxaa sii Xoogeysan karo in uu sii kordho Kufsiga` waana wax lala yaabo Xariga Wariye Karonto waxaa Saxaafada hore Aflagaado aad u weyn u geysatey Madaxweyne Shiikh Shariif , Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Booliska waxba kama qaban marka arrintaa waa Cadaalodaro una muuqata “Maskiinaa Misko la Fuulo leh”

Markii ay Dalka ka dhaceen Abaaraha oo dadkii ay saameysey Abaartaasi waxaa u soo Hayaaameen Magaalada Muqdisho waxay Dowlada Shiikh Shariif ay dadkaasi u sameysey Xarooyin gaar ahaan Xerada Badbaado waxaana Xeradaasi ka dhacay Kufsiyadii ugu xumaan oo weliba oo dadkii la Kufsnayey loogu darey Dil , waxaa Dowladii Xiligaasi jirtey ay ay sameysey in ay si wanaagsan uga hortey , waxaana Kufsiga Xeradaasi soo bandhigayey Saxaafada iyo Dilka ka dhacyey Xeradaasi marka Dowlado si aad ah bay ugu guntadey in ay Xakameyso Tacadiyadii ka dhacayey Xeradaasi.

Shiikh Shariif Dhowr jeer buu tagey Xeradaasi waxaa la yaab ahayd in Shiikh Shariif uu si cad u yiraado Xeradaani waxaa ka dhacay Kufsi Dowladana u Dulqaadan meyso in dadkii baahnaa loogu daro Kufsi, Dil iyo Boob wxuuna amrey in Ciidamo gaar ah la geeyo Xeradaasi halkii ayey ku istaagtay Tacadiyadii ka dhacayey Xeradaasi waxayna Dowladii Shiikh Shariif ay halkaa ka heshey Kalsooni aad u weyn oo weliba loogu Hambalyeeyey sida ay u Maareysey Mashaqadaasi ,

Xariga CabdicasiSi Koronta waxay dadka Qaar ku Tilmaameen mid Fashilin karo Dowlada Fedrraalka waayo iyadoo la wada og yahay in uu jiro Kufsi ay geysanayeen Ciidamo ku labisan Dareyska Ciidamada Kala Duwan waama wax wanaagsan in Dowlada ay Gacan Bir ah ku qabato dadka Xadgudubyada Sameynaya sidaa Darteed Dowlada Federaalka waxay ahayd in ay ku dhaqnto Dastuurka oo ah in aan Qofna la hayn karin muddo 24 Sacaa marka CabdiCasiis waxaa u xiran muddo Todobaad ah mana jirto waxa lagu soo Cadeeyey wariyahaasi oo aan ka hayan in uu wareystey Haweeney la Kufsadey.

Guntii iyo Gabagabadii dadka qaar baa u soo jeedinaya Dowlada Federaalka in Dalka Soomaaliyeed uu soo marey Xadgubyo aad u waaweyn 22-kii Sanno ee la soo dhaafey marka Xariga Cabdicasiis Koronto sow lama dhihi karo waa mid la doonayo in in wax badan lagu Caburiyo ama looga hortagayo oo Saxaafada soo Bandhigi lahayd maxay Dowlada wax uga qaban weydey Dilalka loo geysanyodadka Rayidka ah waliba waxan maalin weliba maqalnaa gaari dad Rayid Saaran yahay baa ay rasaseeyeen Ciidamo ku labisan Dareyska Ciidamada sidoo kale maxay dowlada uga hadlin weydey Xasuuqa Ciidamada Shisheeye oo dadka Soomaaliyeed yiraahdaan “Meyd Maxa u dambeeyey Ninkaa la sii sido” fiiri Dhacdadii Foosha Xumeyd ee Leego ka dhacdey ,marka haddii ay Dowladu tahay mid u hiilineysa Shacabka oo kana damqaneysa Dhibaatooyinka loogeysnayo waa in ay si Cadaalada ah uga hortagtaa Xadgudubyada Dhacaya islamarkaana waa in ay sida ugu Dhaqsiyaha badan loo siidaayo Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim (Koronto)

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Geeri waa ka Daran yahay Kufsigu (Gabey)

Waxan halka uga ducaynayaa Gabadha yar Dhawaan sida foosha xun Mooryaantu ugu kufsadeen Muqdisho, waxan sidoo kale uga ducaynayaa qoyskeeda iyo hooyadii dhashay Gabadha, inuu Ilaahay u caafiyo, samirkoodana ka abaal mariyo. Aad baan uga xumahay xaqdarrada lagula kacay Waa ceeb u taal Soomaali oo dhan. Gabaygan waxan kaga hadlayaa Kufsiga iyo dhibaatada uu u geysto bulashada Waxaana Gabeygaan Tiriyey Abwaan Maxamuud Axmed Cabdalla (Shiino) wxuuna Tiriyey 25 Oktoobar 2012 mar la Kufsadey Gabar 14 jir oo Saxaafada soo Badhigtey . Waxana ka soo qaadaney Qayb ka mid ah Gabeyga
Wuxu yiri:
1. Gef weeyaan Kufsigu lagu Galda’o Gabadh Xijaabnayde
2. Guba Hooyo, Gaasira Ayey, Habaryar Goynteede
3. Gabdhaheenna iyo taan Dhalliyo Caarka Godobayne
4. Kii geystey Naar buu ku geli Goobta Aakhiro’e
5. Ifka kaan lagaga goyn marbaa laga Gudaayaaye
6. Geeri waa ka Daran yahay kufsigu Guullaa Maanacayee
7.
8. Gudcurkii kuwii ugu Gabbaday midan Gugeed gaadhin
9. Gaban Xuura Sebigii kuwii Guudka ku Xambaartay
10. Sidii gaal Amxaaraad raggii Gigayey jiidhkeeda
11. Go’ayeeyda goortay ilmada Gabax ka siinaysay
12. Gollaheeda goortay Maryaha Gacanta saaraysay
13. Nimankii Garayskeeda jaray Gooyey Hilibkeeda
14. Riximkeeda Beynaad ku Godey Xididna Gawsiiyey
15. Waa Geshashkii Ciidammada Gaadhka loo diraye
16. Waa guduri tuutahaw Gashaday Gaade iyo Boobe
17. Mooryaan Qalluubtii kharribay Goofkii Huriwaaye
18. Meeday Dawladdii Goyn lahayd Xaqa Guddoonkiisa?
19.
20. Afartaa dareen Guba Naftiyo lama Garaystaan dheh
21. Gamas igu lignaadiyo Mariid gaadhay Feedha dheh
22. Galiilyo iyo Ciil Gaaxdayoon laga Garaabayn dheh

23. WT. Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine)
Email: mabdalle@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.