Home » Warar »

Golaha Wasiirada DF oo ka dalbaday in Ciidamada AMISOM ay caddeymo buuxa ka bixiyaan iyo garoweshiyo falkii 15-ka bishan ka dhacay Tuulada Buulo-Yaasiin

Golaah Wasiirada DF Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray dhacdadii ay Ciidamada AMISOM ku laayeen dadka rayidka ah ee Tuulada Buulo Yaasiin oo ku dhow degaanka Leego ee Gobolka Sh/hoose, “Dowladda Soomaaliyeed ay ka dalbaneyso Ciidamada AMISOM caddeymo buuxa iyo garoweshiyo falkii 15-ka bishan ka dhacay Tuulada Buulo-Yaasiin,” ayaa lagu xusay warsaxaafadeedka (hoos ka dhegeyso warsaxaafadeedka).

Waxa kale oo golaah wasiiradu warsaxaafadeed ka soo saareen Xariga Weriye C/casiis C/nuur Koronto. Hoos ka akhri warsaxaafadeedka:

Halkan ka dhegeyso Warsaxaafadeedka oo uu akhrinayo wasiirka Arrimaha Gudaha:

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2013/codka_wasiirka_gudaha.mp3]

Shirka Golaha Wasiirada

Khamiis, January 17, 2013——Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin dhacdadii lagu laayay dadka rayidka ah ee ka dhacday Tuulada Buulo Yaasiin oo ku dhow degaanka Leego ee Gobolka Sh/hoose, iyo Xariga Weriye C/casiis C/nuur Koronto oo warbixin aan sax aheyn faafiyay isla markaana ku xiran Xarunta CID-da.

Golaha Wasiiradda ayaa ugu horeyntii waxay ka doodeen dhacdadii 15-ka bishan ka dhacday Tuulada Buulo-yaasiin ee ay ciidamada Nabad illaalinta ee AMISOM ku toogteen dad rayid ah oo tiradoodu gaareyso 7 ruux oo 5 ka mid ahi ay ahayeen caruur, halka labada kalena ay ahaayeen Dad Waayeel ah. Waxaana ku dhaawacmay 7 ruux oo kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo gabgabadii kulanka kadib, Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Golaha Wasiiradu ay go’aanno ka soo saareen dhacdadii lagu laayay dadka rayidka ah, waxayna kala yihiin qodobadaasi.

Halkan ka dhegeyso Hadalkii Wasiirka Arrimaha Gudaha:

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2013/codka_wasiirka_gudaha.mp3]
  1. In Dowladda Soomaaliyeed ay aad uga xuntahay falkaas, isla markaasna aysan u dul qaadaneynin in la laayo dadka Rayid ah oo aan waxba galabsan
  2. In Dowladda Soomaaliyeed ay ka dalbaneyso Ciidamada AMISOM caddeymo buuxa iyo garoweshiyo falkii 15-ka bishan ka dhacay Tuulada Buulo-Yaasiin.
  3. In Dowlada Soomaaliyeed ay u saartay Guddi soo xaqiijiya dhacdadaasi iyo sida ay ku timid dhimashada, dibna Golaha Wasiirada ugu soo celiyaan warbixin.
  4. Dowladdu waxay Tacsi u direysaa iyada oo la murugeysan dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi, kuwa dhaawacmayna in Alle bogsiiyo

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay xariga weriye C/casiis Koronto iyo dad kale oo lagu soo eedeeyaya inay wabrixin been abuur ah oo ku saabsan Kufsi loo geystay gabar Soomaaliyeed ay u gudbiyeen warbaahinta caalamka

Wasiirka ayaa sheegay in baaritaan dheer oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in eedeynta la xariirta Kufsi ay ciidamada Boolisku ka geysteen xero ku taala magaalada Muqdisho, taasoo laga sii daayay TV-ga Aljazeera ay tahay mid been abuur ah, isla markaana ay gacanta ku hayaan Weriyihii iyo dadkii kale ee kala qeyb qaatay sharcigana la horgeyn doono.

“Golaha Wasiiradu waxay Cambaareeyeen falalka lidiga ku ah kufsiga haweenka iyo tacadiyada kale ee dumarka, waxayna adkeysay ciqaabta uu mudan karo shaqsiga ay ku cadaato falalkaasi kufsiga iyo dhibaateynta ah” ayuu yiri wasiirka oo xusay in maalmihii ugu dambeeyey ay sharciga waafajiyeen askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lagu eedeeyey inay galeen falal Kufsi ah.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale meel mariyay qorshe ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka kaasoo la xariira dib u dejin loo sameynayo Barakacayaasha ku nool xeryaha Qaxootiyada, waxayna isla qaateen in si deg deg ah looga howlgalo arrinkaasi.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dadkani ay haatan deggan yihiin goobo aan munaasib ku aheyn degaanka kuwaasoo aan laheyn agabkii degaanka sida biyo, caafimaad iyo musqulo, wuxuuna xusay in wasaaraddu iyada oo kaashaneysa hay’addo caalami ah ay u diyaarin doonaan dadkani goobo ku wanaagsan degaanka oo leh adeeg caafimaad, biyo iyo adeegyada kale ee aas aasiga u ah nolosha.

Dhinaca kale, golaha Wasiirada ayaa go’aamiyay in 26 illaa 31-ka bishan Janaayo loo aqoonsado todobaadka Nadaafada Dalka. Wuxuuna Wasiirka Arrimaha Gudaha ugu baaqay dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka in laga sameeyo ololahan nadaafadeed waxaana hormuud ka noqon doona Masuuliyiinta Dawlada.

—-DHAMAAD—–

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia
Email: media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.