Home » Warar »

Golaha Cadaalada iyo Midnimada Beelaha Soomaaliyeed ee Muqdisho soo Saarey Bayaan ku socda Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raiisul Wasaaraha

Waxaa Hotelka Aaran ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kulan uu soo qabanqaabiyey Golaha Cadaalada iyo Midnimada Beelaha Muqdisho waxaa Kulankaasi ka qaybgaley Xubno ka socdey Golahaasi, Salaadiin, Culamaudiin , Nabadoono , Waxgarad ,Siyaasiyiin Haween iyo Dhalinyaro waxaana diirada lagu saarey Kulankaasi sidii Beelaha Soomaalieed si Siman loogu qaybiyo Xilalka Dowlada Gaara ahaan Kan Magaalada Muqdisho , Taliyayaasha Ciidamada Qaybahooda kala duwan iyo Sidii Dib loogu soo celin lahaa Hantida ka maqan dadka Soomaaliyeed ee ka Qaxay Magaalada Muqdisho

Xubno ka Hadley Kulankaasi waxaa ka mid ahaa Suldaan Bashiir oo sheegey in la gaarey Xiligii dadka Soomaaliyeed Si Nabad ah u wada noolaan lahaayeen islamarkaana waxaa uu Sheegey in Dowlada Federaalka looga baahan yahay in dadka Soomaaliyeed si cadaalad ah wax ugu qaybiso , waxaa uu ugu baaqey Dowlada Federaaka in ay Tixigeliso Cabashada ku aadan Hantida kala duwan ee la haysto.

Bilaad oo ka mid ahayd Haweenka Soomaaliyeed ee ka qayb galey Kulankaasi ayaa iyada sheegtey in ay Dowlada Gudi u saaro Hantida la kale haysto, sidoo kale Waxay sheegtey in Xilalka Dowlada loo baahan yahay in Si Cadaalad loogu qaybiyo Ummmada Somaaliyeed maadaama laga baxay Kumeel gaarkii mudda dheer lagu soo jirey isla markaa Dalka ay ka dhalatey Dowlad Rasmi ah.

Dr Cabdiraxmaan Cabdulaahi Dubad oo ku Magacdheer Daqare oo ka mid Golaha Cadaalada , Midnimada ee Beelaha Muqdisho ayaa sheegey in Dowlada looga baahan yahay in ay ku dhaqanto Dastuurka oo uu sheegaya in Beelaha Soomaaliyeed si cadalada loogu qaybiyo Xilalka kala duwan ee Qaranka Soomaaliyeed isagoo sheegey in la gaarey Xiligii Ummada Soomaaliyeed ay Midoobi lahayd waxaana uu halkaa laga Akhriyey Bayaan loogu Magacderey Qayla dhaan 2aad wuxuuna u qornaa:


Ku: Madaxweyanah Jahuuriyada Federaalka Soomaaliyeed

Ku; Guudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliyeed

Ku :Raiisul Wasaarahada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed

Ujeedo Qayla dhaantii 2aad

Anagoo ah Golaha Cadaalada , Midnimada Beelaha Soomaaliyeed ee Muqdisho markii aan aragney Xaalada Dalka uu marayo Dhinaca Siyaasada , Amaanka, iyo Baahida loo qabo isbedel Khayr badan , markii aan aragney Dastuurka Qaranka Soomaliyeed Qododbadiiisa 18 aad iyo 20 aad ee Xoriyada Rayiga Iyo In Mawaadinka uu Cabasho u Gudbinka karo Hayadaha Dowladda

Markii aan aragney Foolxumada iyo Qabyaalada ka dhex Muuqato Maqaamka Caasimada Soomaaliya Muqdisho waxaan halkaa Madaxda Qaranka ugu soo Gudbineynaa Qaylo dhaantii 2aad ee aan horey ugu soo Gudbiney Qaylo dhaantii 1aad oo aan wax Jawaab ah ka haynin sidaa Darteed waxan Taageerney Dowlada Fedraalka si loo helo Maamul Wanaag ku aadan Caasimada Soomaliya waxaana ka mid aha Dhaliilaha aan ka Cabaneyno in Maamulkii Caasimada Xililkoodii kala duwanaa ay isku Koobeen Beel Keliya sidoo kale waxay isku Koobeen Xillalkii 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir , sidoo kale Taliyayaasha Ciidamada Saldhigyada Booliiska 17-ka Degmo Goboka Banadir 17-ka Degmo Taliyayaashooda Nabadsugida iyo 17-ka Degmo Garsoorayaashooda Maxkamaddaha

Xilalkaasi Heer Gobol ,Heer Degmo iyo Heer Waax ee aan kor ku soo Xusney Cidi ugama jirto Beelaha Daarood, Digil iyo Mirifle iyo Dir sidaa Darteed Waxaa lagu sheegey Bayaanka in Cadaaladaradaasi ay Khatar ku tahay Maqaamkii Caasimada Soomaaliya tislamarkaana Halis gelin karta Midnimada Ummada Soomaaliyeed sidoo kale waxaa Bayaankaasi lagu sheegey in Guryo iyo hanti kale si Sharcidaro ah loo haysto sidaa darteed Waxaa Madaxda Qaranka u soo jeedineynaa in ay soo saaraan Wareegto la mid ah Midii laga soo saarey Isbaarooyinkii yiiley Caasimada Soomaaliya iyo in la sameeyo Guddi u Xilsaaran isu Celinta Hantida la kale Haysto


###

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Golaha Cadaalada iyo Midnimada Beelaha Soomaaliyeed ee Muqdisho soo Saarey Bayaan ku socda Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raiisul Wasaaraha "

  1. Run sheeg says:

    Walaahi waa Arin fiican in talo leesku gudbiyo,baaqa waa mid aan cadaalad ku saleysneen sababtoo ah waa baaq abuurayo xiisad cusub sababtoo , ah waxaa ka muuqdo in fara gelin lagu sameynayo hey’adii cadaalada Sababtoo soomalia dulmi badan wuu ka dhacay oo dhoor heer ah guryo keliya kuma sina Dulmiga Dalka ka dhacay talada ah in gudi loo magacaabo gurya soo celiyo waa arin xun xadgudina ku ah niidaamka sababtoo ah cidii guri lagu heesto waa ineey iyadu tagtaa cadaalada so shaqsiyan ahna ugu doodaa cidii ka heysato . Gudi ka shaqeeyo guryo isku celinta en eey Dowlada magacaawdo dadka codsanayo aniga waxaa iiga dhex muuqato waa Dad raadinaayo shaki cusub inuu yimaado uu Dalka dib ugu noqdo colaadihii oo soo maray! Tan ah Maamulka hada caasimada ka jiro in la bedelo waan qabaa aniga Lakiin wadada loo marayo waa nuuce ma wado 4.5 ahaa mise wado kale, Aniga shaqsiyan ma qabo ilaa doorasho xur ah oo Gobolada dhan ku dooranayaan G.Gobalka ilaa iyo Heer Degmo inta laga gaarayo inaan waxba laga bedelin qaabka hada wax loo magacaabayo. Talada guud waxee tahay Somalia maanta waxee u baahantay Cid kusoo kordhisa Ra’yi wax dhisaya ee uma baahna mid wax duminaya waxaan jeclaan lahaa inaan arko Bulsho caafimaad qabta oo ka shaqeysa Nabada oo Garankarto fikirka wax dhisaya. illaahoow Dad Cafimaad qaba iyo Dal Nabad ah.