Home » Warar »

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo mar kale ku Celisey Codsigeedii ahaa in laga Qaado Xayiraadda Hubka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi oo maalinimadii Shalay Dalka dib ugu soo laabtay ayaa kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay.Wasiirka oo mas’uuliyiintii uu la kulmay kula kulmay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka wada hadleen Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya oo xiligan is bedelo badan ay ka muuqanayaan.

Wasiirka oo kulankaas uu la qaatay Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay oo xilli badan soconayay kaddib Saxaafadda la hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen Mas’uuliyiintii uu la kulmay.Cabdixakiim Fiqi ayaa xusay in mas’uuliyiinta ay la kulmeen ay kala hadleen sidii Dawladda Federaalka Soomaaliya looga qaadi lahaa Cuna qabataynta mudada saarneyd maadaama Soomaaliya ay ka baxday Xiligii ku meel gaarnimada.

Cabdixakiim ayaan xusin in Xubnihii ay la kulmeen in arrintaas ay ka aqbaleen iyo in kale isagoona sheegay in codsiga Dawladda Soomaaliya loo gudbin doono Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Sanadkii 1992dii cuna qabataynta ku soo rogtay.Wasiirka Gaashaan dhigga Dawladda Federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay inuu raja wanaagsan ka qabo sidii Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uga qaadi lahaa Cunaqabataynta dhinaca Hubka Soomaaliya maadaama haatan ay u muuqato in ay ka baxday ku meel gaarnimadii.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.