Home » Faallo »

Saxaafadda Saaxiib la Noqo ka dibna Feer Jilib kala Daal.

Aad baa u jecelahay in aan Qalinkeyga ku difaaco Suxafiga hase yeeshee mararka qaar waxaa ku qabaneysa Maxaa Qalinkaada ugu duifaaceysaa waayo waxaa maalin waliba ka dhaca Qalaad aad u weyn haae yeshee Xaalada Soomaaliya ee Xiligaan ay ku jirto ayaa ku tusineysa in aad si aad ah uga Xumaato wax ay siyaasiyiinta kula kacaan Suxufiyiinta bal fiiri wixii ama dib u qooraanso wxii Suxufi ahaa ee Sida Gardarada ah loo diley .

Markaan leeyahay Suxufiinta qaarkood uma qalmaan in la difaaco waayo iyaga ayaa sabab u ah in lagula kaco Xadgudub aad u waaweyn waayo bal aan fiirino 22 kii sano ee la soo dhaafey sida ay u dhaqamayeen qaar ka mid ah Suxufiyyinta marka uu siyaasi doonayo in uu soo shaac baxo waxaa uu Saaxiib ama Sokeeye ugu horeeya ka dhigtaa Saxaafada noocyadeeda kala duwan

“Markiiba waxaa Wargeysyada Telefishinada iyo Idaacadaha lagu arkaa Sawirada ama la maqlaa Shaqsigaasi doonayo in uu magac ku yeesho ama ku soo biira Siyaasada Soomaliya , waxaa bilowdo Durbadiiba in la is dhexgalo , lagu sheegeysto Goobo badan ama Shaah la wada Cabo la iska wareysto Siyaasada iyo wararka Soomaaliya , waa la isku qoslaa Telelfoonada ayaa la isku diraa markii ay arin dhacdo , Xitaa waxa arkeysaa nin Siyaasi ah oo la Qayilaya nin Wariye ah,mararka qaar waxaa dhaca In lagu buuxiyo Barnaamiyada waqtiyada ka dhiman waxayna Saxaafada isticmaashaa erey shaac baxay oo ah ( Ii Bil Barnaamijka ama Warka ) markii uu Siyaasiga si wanaagsan u soo koro Masraxa Siyassada waxaa Saxaafiga la yiraahdaa :Alla maxaan Barnaamijj kuu u Buuxiyey )
Waxaa iigu yaab badnaa markaan arkey Saxafiyiin Gawaarida dagaalka ee uu leeyahay Siyaasi ama Hayad saaran, waxaa ka sii yaab badan markaan arkey Suxufiyiin ka soo degeya Gawaarid Qafilan ee ay Amisom leedahay , waxaa kale oo aan arkey iyadoo Saxafiinta Saaxiib la noqonaya qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada kal duwan,hadaba waxaa is weydiin leh Xiiririka noocaas ah ma dhigayaa Sharciga Saxaafada Ama Suxufiga waa Wax Sumcada Saxafiga wax u dhimaya war waxaa tahay qof si aad ah uga sareeya Shaqsiyaadkaas aan kor ku soo sheegey .

Suxufiyiinta waxa lala meel dhigaa Garsoore u dhexeeya Shacabka , Dowlada , Siyaasiyiinta ,iyo Ciidamada tusaale Muxuu dhigayaa Xeerka Garsooraha Kubadeed “Marka Garsoore la doonayo in uu dhex dhexxaadiyo Ciyaar dhici doonta Beria ma maalin ka dib waxaa uu Shariga Garsooraha farayaa in uusan la kulmin ama meel la firiisan Shaqsi kale Xitaa hadii uu meel uu ku Shaaheynayo oo uu la soo fiirsto Shaqsi kale waxaa ku waajib ah in isaga is taago Durbadiiba maxaa sidaa loo yeelay,

Garsooraha waxaa laga doonayaa in uu iska ilaaliyo wax kasta oo Garsoorkiisa wax u dhimayao waayo haddii adiga oo Garsoore ah lagu soo ag fariisto waxaa dhici kara in ruuxa meesha soo fariistey uu yahay Taageere , Tababare , Ciyaartooy iyo Maamul labada kooxood ee aad dhexdhexaadinyesa ka tirsan ka dibna lagugu sawiro iyadoo Sawiradaasi lagu shaaciyo Saxaafada si dadweynaha looga dhaadhiciyo in aad la Macaamishey Kooxdaasi sidaana aad ku weyso Shaqadii Garsooranimo iyo Kalsoonidii Shacabka

Marka Suxufiga waxaa laga doonayaa in uu la mid noqdo Garsooraha Kubada waayo waxaa ku fiirsanay Shacabka oo aad u shaqeysid oo aad Dooneysid in wxii dhib ah loogeysto aad u soo bandhigtid marka Saxafiyow ma kula Haboon tahay in aad Saaxiib ka dhigatid Siyaasiga doonaya in uu kuugu dan gaaro ka dib marka uu gaaro Martabadii uu doonayo uu hadhow kula kaco waxa maanta Suxufiyiinta Soomaaliyeed lagula kacayo ha noqoto Dil, Xarig iyo Hanjabaad

Saxfiyiin badan ayaa si aad ah ula yaaban tan iyo markii la doortey Madaxweyne Xasan Sheikh sida Saxaafada loola dhaqmayo waxaana Su’aal ku saabsan arrintaas hordhigey Laba Saxafi waxaana weydiiyey Marka la Isbarbardhigo Dhinaca Macaamilka Saxaafadda yaa wanaagsanaa Dowladii Shiikh Shariif iyo Dowlada Xasan Shiikh Maxamuud waxayna ku jawaabeen ” iskuma Dhawa oo waxaa Wanaagsanaa Dowladii Shiikh Shariif oo Macaamilkeeda dhinaca Saxaafada uu wanaagsanaa inkastoo ay dhaceen Dilal aad u badan hadana markaas fiirisid Dowlada Xasan Shiikh uu Hogaamiyo Dhinaca waxaa kaa Handaya Booliska , Dhinac Maxakamadaha,Dhinacna Xafiisyada Warfaafinta Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha Dhinacna Nabadsugida marka waxyaabo aan arki jirin baa hadda aragnaa, waxaana hadda Dowlada u Xiran Wariye CabdiCasiis Maxamed Nuur (Koronto) Dastuurka waxa uu dhigayaa in Ruux aan la hayn Karin Muddo 24 Saac marka waa xadgudub aad u weyn,

Warbaahinta oo Warbiixin siinaya Xasan Shiikh inta aan la Dooran

“Madaxweyne Xasan Shiikh Maalmo markey ka harsan tahay Doorashadiisa wax yar waxaa uu Xarunta Xisbiga Nabada iyo Horumarka uu kulan kula qaatey Bahda Saxaafada Qaybaheeda kale Duwan kulanakaasi Goobjoog baad u ahaydeen maxaa hadda idiin Soo baxay waxayna ku jwaabeen “ Amiinow adiga Goobjoog baad u ahayd kulankaasi waxaa uu Xasan Shiikh uu balan isaga oo uu garab fadhiyo Faarax Cabduqaadir oo haatan ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada in uu si wanaagsan ula dhaqmi doono Saxaafada islamarkaana uu raadin doono Xaquuqaha ka maqan ma garan karo Isbedelka ay la timid Dowladiisa aniga laba mid uun bay tahay in Madaxweyne Xasan uu ka warqabo Xadgudubyada loo geysnayo Saxaafada ama in uusan ka warqabin ee ay arrintaan iska wataan dadka isaga ka hooseeye oo doonaya in ay Dowladiisa Fashiliyaan marka waxaan leeyahay Madaxweynaha in uu ka dhabeeyo Balanqaadyadii uu ku soo galey Doorashada ee Dhinaca Saxaafadda “

Xasan Shiikh iyo Faarax Cabduqaadiroo Warbixin ka dhageysanaya Qaybaha Warbaahinta inta aan la Dooran

Guntii iyo Gabagabdii waxaan u soo jeedinayaa Saxafiyiinta Soomaaliyeeed in ay taxadaraan islamarkaa ay iska Ilaaliyaan in ay Saaxib la noqdaan Siyaasiyiinta hadii kale waxaa Idiin ku naceysa Oraah ay leeyihiin oo u Qarsoon Siyaasiyiinta oo ah (Saaxiib la Noqo Saxaafada ka dibna Feer Jilib kala Daal ) haddaba Dhallinyarada Saxafiyiinta waxaa dhihi lahaa mar kale xaggee idinka maray Dareenkii sidee ku ogolaateen in war aad Qatar ku galeysaan aad ka sii deyso meel aan lagaa difaaci doonin waxaa mar kale ku leeyahay Murtidii ahayd ahayd (HADAL AAN FIIRSI LOO ORAN IYO CAANO AAN FIIQSI LOO DHAMIN LABADABA FEERAHEEY WAXYEELEEYAAN() Ama Oraahdii kale ee (HADAL AAN GARASHO LAHAYN IYO GAROW AAN IIDAAN LAHAYN LABADUBA NAFSADAADEEY WAXYEELEEYAAN)

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.