Home » Warar »

Kulan Hordhac u ah Shirweyne ay isugu Imaan doonaan Xarunta Wadaniga Soomaaliyeed oo lagu qabtey Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta Hotelka Kuweyt Palace ee Magaalada Muqdisho kulan isugu yimid Ururka Wadaniga Soomaliyeed waxaana kulankaas looga hadlayey sida Bulshada loogu Baraarujin karo Wadaninimada iyo sidii dib loogu soo nooleyn karo Dhaqankii Suubanaa ee ay Bulshada Soomaaliyueed iyo weliba sidii loo ururinka Waxyaabaha Taariikhiga ah ee ay Bul;shada Soomaaliyeed ay leedahay.

Waxaa Kulankaan ka qayb galey Qaar ka mid aha Aaasaasayaashii Xarunta Wadaniga Soomaaliyeed iyo Xubno kale oo iyana ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed waxaana ugu horeyn halkaa ka Hadley Xoghayaha Guud ee Xarunta Wadaniga Soomaaliyeed Shariif Xuseen Roobow oo sheegey in Muddo Sanad iyo Dheerad ay Xarunta Wadaniga Soomaaliyeed ay Furaneyt islamrkaana waxaa uu sheegey in Mudadaasi ay Wadey Xarunta Daraasad La Xiriirta Sida ay Halkgamayaashii Soomaaliyeed ugu suurta gashey in ay Bulshada ku Hogaamiyaan Wadaniyada sidoo kale Xoghayahawwaxaa uu sheegey in Xarunta ay wado daraasad la xiriirta Dhaqanka iyo Taariikhda Soomaaliyeed
Sureer Abshir Muuse oo iyana Halkaa ka hadashey ayaa ku dheeraatey waxyaabihii Ummada Soomaaliyeed Dhaqanka u lahaayeen iyo weliba sida uu maanta Dhaqankaasi meesha uga baxay sidoo kale Marwo Sureer waxay sheegtey in dadka Soomaaliyeed uu Iaah ku maneystey Xoolo , Beero, iyo Macaadiin kuwaas oo ay sheegtey in aan laga faaiideysan iyadoo farta ku fiiqdey sida ay ummada Soomaaliyeed u dhalan rogeen Khayraadkaasi iyo weliba Luqadoodii , waxa kale oo ay sheegtey in Shacabka looga baahan yahay sidii ay dib ugu soo nooleyn lahaayeen waxa iyagu ay leeyihiin sida Umadaha kale ee Adduunka

Cabdirashiid Xaaji Iidle oo isaga ka socdey Xarunta Wadaniga Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sheegey ama Daboolka uu ka qaadey In Xaruntaani aysan ahayn Mid Siyaasadeed ama mid NGO isagoo sheegey in Xaruntaan loo aas aasey sidii ummada Soomaliyeed ugu wacyigelin lahaa Dhaqankood iyo Wadaninimadooda,wuxuuna sheegey in Ruux kasta oo Soomaali ah uu ku soo biiri karo Xarunta oo Bisha soo socta qaban doono Shirweyne lagu martiqaadi doono Cidkasta oo ummada Soomaaliyeed Taariikh ku leh

Maxamed Maye oo ka socdey Qurba Joogta Soomaaliyeed oo isna halkaa ka hadley ayaa si weyn u soo dhaweeyey Xaruntaa oo uu sheegey in aas–aaskeeda uu ku soo beegmey Xilli ay Ummada Soomaaliyeed u baahi weyn u qabto, waxaa kale uu sheegey in waxyaabha Dadlka Soomaaliyed Burburka u keeney ay tahay iyadoo ummada Soomaaliyeed aan la barin waxa la yiraahdo Wadaniyad (Patriotic) wuxuuna u soo jeediyey Xarunta in ay raadiyaan Cidkasta oo ka qayb qaadan karta sdii dib loogu soo nooleyn lahaa Dhqanklii wanagaasanaa ee ay Soomaaliyeed lahayd

somalitalk's wadaniyad album on Photobucket

Cabdulaahi Dheera Xaaji Dheere iyo Cabduqaadir Geedi Raage oo mid uu dhaley Halgamagii SYL Dheere Xaaji Dheere Midna ay walaalo ahaayeen Cismaan Geedi Raage oo isna ka tirsanaa Aas-Aasayaashii SYL waxayna si faahfaahsan ugu dheeraadeen Halgan Dhalinyardii SYL iyagoo sheegey in waqatigaan loo baahan yahay sidii Ummada Soomaaliyeed loo bari Taariikdii Halgamayaasha Soomaaliyeed si ay ugu daydaan Jiilka Soo socda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.