Home » Warar »

Dib-U-Eegis Lagu Sameeyey Qaab Dhismeedka Wasaaradaha Qaarkood.

Muqdisho, 11, jan, 2013…..Shir Jara’id oo uu xalay ku qabtay xafiiskiisa Xooghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamuud Xirsi Cabdulle ayaa ka hadlay dib-u-eegis lagu sameeyey qaab dhismeedka qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda, ka dib markii ay soo gaareen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baahi loo qabo in la kala qeexo howlaha wasaaradaha qaarkood.

Waa tan Dikreetadii oo dhamaystiran:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliyeed.

Markuu arkay: In loo baahan yahay in dib loo eego xilalka qaab- dismeedka Wasaaradaha qaarkood,

Markuu arkay: Markii ay soo gaareen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha in baahi loo qabo in la kala qeexo hawlaha Wasaaradaha qaarkood;

Markuu tix-geliyey: Markii uu la tashi buuxa la sameeyey dhinacyo kala duwan oo xog-oggaal u ah farsamada maamulka dowladda;

Marku tix-geliyay: Qodobada 97, 99, 100 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed

Wuxuu soo saaray Xeerkan:

Qodobka 1-aad

Waxaa is-beddel lagu sameeyey magacyada wasaaradaha soo socdo:

a) Wasaaradda Arimaha Dibadda waxaa hadda kadib ay noqon doontaa Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaana la raaciyay howlihii iskaashiga Caalamiga ah.

b) Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaa hadda kadib ay noqon doontaa Wasaaraadda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka.

c) Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iy Dekedaha, waxay hadda ka dib ay noqon doontaa Wasaaradda Howlaha Guud, Dekedaha Iyo Gaadiidka Badda, waxaana la raaciyay hawlihii dhalinta iyo qaybihii korontada.

Qodbka 2-aad

Dhammaan howlihii la xiriiray Dalxiiska iyo Duurjoogta waxay si KMG ah u hoos tagayaan Xafiiska Raiisulwasaaraha.

Qodobka 3-xaad

Wasiirada, Wasiiru-dowlayaasha iyo Wasiir-ku-xigeenada Wasaaradahaasi wax isbedel ah laguma samayn.

Shaqo Wacan


Golaha Wasiirada Shirr Ay Isugu Yimaadeen Xalay Kaga Dooday Sidii Barakacayaasha Loo Dajin Lahaa Goobo Ka Baxsan Caasimadda

Moqdisho, 11, Jan, 2013…Shirr ay xalay isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa shirkaas looga hadlayay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin , Dib-U-dijin loo samaynayo dadka Barakacayaasha ah ee ku sugan malaagada Muqdisho iyo warbixino laga dhageystay Wasiirka Hurmarinta iyo Adeega Bulshada.

Ugu horayntii Goluhu wuxuu warbixin dheer ka dhageystay Wasiiradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Drs Maryam Qaasim Axmed oo safaro ku soo martay dalalka Turkiga iyo Tuniisiya.

Goluhu markuu dhageystay warbixintaas oo qodobka ugu muhiimsani uu ahaa deeqaha waxbarashada ee lasiiyo Soomaaliya sidii wax looga badali lahaa, ayaa dood dheer kadib waxaa Goluhu isla gartay in loo magacaabo gudi heer Wasiir ah oo ka kooban lix xubnood oo ay Drs Maryam horkaceyso iney soo diyaariyaan qaabka ay xukuumadda Soomaaliya uga faa’iideysan karto deeqaha waxabarashada ayna horkeenaan kulanka dambe oo uu goluhu yeelanayo.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Golaha horkeenay qorshe Barakacayaasha looga rarayo magaalada si loo dejiyo meelo loo qoondeeyay.Waxaana arinkaas Wasaarada ka caawinaya hay’ado caalami ah sidii dib-u-dajin loogu samayn lahaa Barakacayaasha loogana raro gudaha Caasimada, si kor loogu qaado amnigooda, Nolashooda, Caafimaadkooda, Waxbarashadooda iyo Sidii ay u heli lahayeen Biyo nadiif .

Ugu danbayntii Golaha wasiirada ayaa ka dooday soo jeedin ay samaysay Qaramada Midoobay taas oo ah in ay u soo rarayaan bisha Sadexaad ee sanadkaan magaalada Muqdisho shaqaale gaaraya ilaa 300 oo xubnood oo hada ka howl gala magaalada Nairobi. Dood dheer ka dib goluhu wuxuu magacaabay gudi ka kooban sadex xubnood oo uu hormuud ka yahay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, gudigaas ayaa ka shaqayn doona sidii loogu samayn lahaa daagaamayn, looguna dhamaystiri lahaa dhamaan adeegyadii ay u baahnaayeen.

—-DHAMAAD—-

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.