Home » Warar »

Abuu Mansuur Al Amriiki oo Dalbadey in laga Badbaadiyo Xarakada AlShabaab

Abuu Mansuur Al Amriiki ayaa waxaa uu soo direy Fariin uu ku Dalbanayo in laga badbaadiyo Xarakada Alshabaab, waxayna Fariintaan ay ahaysd mid Muuqaal isagoo fariintaasi ugu baaqey Urur Weynaha Alqaacidda in ay Badbaadiyaan

Abuu Mansuur Al Amriiki oo hore loogu yaqaaney Cumar Xamaami ayaa waxaa uu haystaa Dhalashada Wadanka Mareykanka wuxuuna soomaaliya soo galey Sannadkii 2006 , wuxuuna Sheegey in Khilaafka isaga iyo Xarakada Alshabaab uu haatan marayo meeshii ugu Xumeyd wuxuuna ka dalbadey Ururka Alqaacida in laga badbaadiyo Xarakada Alshabaab

Dhawaan ayey ahayd markii Qoraal ay soo saareen Xarakada Alshabaab ku sheegeen in Abuu Mansuur uusan ku hadli karin Magaca Xarakada Alshabaab ka dib markii ay sheegeen in uu yahay nin dnnayo in Khilaaf ka dhex abuuro Xarakada Alsbabaab iyo Muhaajiriinta ku sugan Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Faroole oo sheegey in Xilka uu hayo uusan Xoog ku Maroorsan Balse uu ku yimid

Madaxweynaha Maamulka Pundland Cabdiraxmaan Faroole oo ka hadlayey Xaflad ay ka qaybgaleen Taageerayaashiisa oo ka dhacadey Magaalada Boosaaso loogu dabaaldegayey Sannad Guuradii afaraad ee Maamulkiisa ayaa waxaa uu ka Hadley arrimo fara badan oo la xiriira Xaalada Deegaanada Pundland iyo Dowladda Federaalka , wxuu sheegey in Pundland ay qas ka wadaan dad doonaya in ay Pundland dib ugu laabato Xaaladihii ay soo martey

Cabdiraxmaan faroole waxaa uu sheegey in Xilka uu maanta hayo uusan ku Maroorsan Xooga balse uu ku yimid si Dastuuri ah islmarkaana waxaa uu sheegey in si Dastuuri ah Xilka uga degi Doono, waxaa uu sheegey in intii uu Xilka hayey uu qabtey waxyaabo fara badan isagoo farta ku fiiqey in Maamulkisa uu horseed u ahaa in Soomaaliya ay ka baxdo ku meel gaarka

“ Waxaa maqley in Madaxweyne Xasan Shiikh uu dhawaan sheegey in Dastuurka wax laga badalyo marka waxaa oronayaa Xasan Shiikh Dasuurka Cid wax ka badeli karta ma jirto haddii taas la isku dayana waxaa Imaan kara in soomaaliya dib loogu celi Dagaaladii Sakeeye marka yaan la faregelin lagu sameeyn Dastuurka “ ayuu yiri Cabdiraxmaan faroole oo Muddii uu ku darsadey Xilka ee sannadka ay dhalisey Mucaaradad aad u weyn

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaar@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.