Home » Warar »

Jaamacad loogu magac daray Somali International University (SIU) oo looga dhowaaqay Muqdisho

Munaasabad lagu furayey Jaamacad cusub oo la magac baxday Jaamacada caalamiga ah ee Soomaaliya (Somali International University) ayaa lagu qabtay xarunta cusub ee Jaamacadaas oo ku taala Ex-dugsigii H/dhexe ee Muuse Galaal ee degmada H/wadaag.

Xaflada furitaanka Jaamacadan cusub ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka tirsan dowlada Somalia, qaar ka mid ah ardayda iyo macalimiinta wax ka dhigta Jaamacadaha kale ee Muqdisho ku yaala, aqoonyahano, masuuliyiin ka socotay shirkadaha ganacsiga iyo dad kale oo fara badan.

Ugu horeyn waxaa goobta laga akhriyey war saxaafadeed ka soo baxay maamulka jaamacadan cusub kaasoo sidan u qornaa:-

War Saxaafadeed

Bismillaahi Raxmaani Raxiim. 7/01/2013

Ujeedada xafladan waa furitaanka:

1. Ururka Waxbarashada iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed ama (Somali Education & Social Development Organization) oo loo soo gaabiyo SESDO.

2. Somali International University (Jaamacadda Caalamiga Soomaaliyeed) oo loo soo gaabiyo SIU.

A) Ujeedada ururka SESDO loo aasaasay waa in ay ummadda Soomaaliyeed u soo bandhigto:

1. Waxbarasho (heer Jaamacadeed, kuleejo laga barto farsamo lagu shaqo galo, iyo tacliinta dadka waaweyn) oo u dhigma heerka wadamada kale ee caalamka.

2. Isbitaal iyo adeeg caafimaad oo ku heer ah wadamada kale ee caalamka.

B) SIU (Somali International University) waa mashruucii u horeeyay ee ururka SESDO ay fulisay. Maanta (7/01/2013) ayeyna SIU si rasmi ah u bilowday howlaheeda. Barnaamijyada waxbarasho ee SIU waxay ku qotomaan LIX TIIR oo kala ah:

1. Dhisidda akhlaaqda, asluubta, iyo damiir wanaaga

2. Dhisidda aqoonta, garaadka, fikirka, iyo farasama aqoon

3. Dhisidda aqoonta adeegsiga aaladda kombuyuuterka & Internetka.

4. Dhisidda codkarnimo iyo xirfad soo bandhigista fikrad/ barnaamij

5. Dhisidda bulshanimo iyo dad la noolaashaha

6. Dhisidda karti cilmibaaris

SIU waxay xoogga saareysaa in ay ardada ka dhisto ku hadalka iyo qoraalka afka Ingiriisiga (English Language), farsamada gacanta iyo adeegsiga kombuyuuterada. Maamulka Jaamacadda SIU & SESDO.

Ka dib waxaa kulankaas ka hadlay agaasimaha Wasaarada horumarinta adeega bulshada xukuumada Soomaaliya Muuse Saalax oo soo dhoweeyey furitaanka Jaamacadan cusub isagoo ka codsaday maamulka Jaamacadda in ay xooga saaraan soo saarida dhalinyarada Soomaaliyeed ee xirfadleyda ah.

Jaamacada caalamiga ah ee Soomaaliya oo isna ka hadlayay munaasabadaas ayaa sheegay in Jaaamacadan ay bixinayso waxbarsho sare, College lagu barto shaqada farsamada gacanta iyo waliba waxbarshada tacliinta dadka waaweyn, isagoo xusay in jaamacadan ay hirgalisay Mu’asasada waxbarashada iyo Horumarinta bushada Soomaaliyeed ee SESDO.

“Ujeedada loo asaasay Jaamacadan waxaa ka mid ah dhisida, aqoonta, akhlaaqda asluubta, damiir-wanaaga garaadka, fikirka iyo adeegsiga aalada Komputerka iyo internetka iyo waliba qodobo kale oo faaiido u leh ardayda” ayuu yiri Prof. Ismaaciil Cali siciid.

somalitalk's jaamacado album on Photobucket

Agaasimaha Wasaarada horumarinta adeega bulshada xukuumada Soomaaliya Muuse Saalax iyo madax kale ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Jaamacadan oo ka mid noqonaysa Jaamacadaha dhawaanahan laga hirgaliyay Magaalada Muqdisho.

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Jaamacad loogu magac daray Somali International University (SIU) oo looga dhowaaqay Muqdisho "

  1. MULKI MUUSE GALAAL. says:

    Anigoo ah MULKI MUUSE GALAAL oo uu dhalay marxuun Muuse Ismaaciil Galaal, Ilaahay Janadii ha ka waraabiree waxa arin aad u naxdin leh ah in taariikhdii dadkii wadanka u soo halgamey sidaas loo gartey.

    Dadkan isku sheegaya iney yihiin dad qiimaynaya waxbarashadda , xagee bay ka keeneen rayiga ah in meel nin lagu magacaabey sababna loogu magacaabey ay sidey rabaan ka yeelaan.

    xagee bey dunida ku areen in idkuulo jirey oo dad badani wax ku soo barteen sidan afduubka ah loo dhaco.
    OO damaacigu ma halkaasuu galey.

    Waxa balan anagana naga ah in arinkan waxba idiinka socon waayaan.

    sidaad arinkan uga bixi leheeydeen falkiisa keena.

    U declared war.

  2. Yaasiin says:

    Meesha Jaamacada laga dhigay waa Dugsigii sare ee Muuse Galaal ee ku yaalay Degmada H/Wadaag gaar ahaan xaafada XAAWO TAAKO waa school lagu dhisay canshuurtii Dowlada iyo xoogii shacab ka ee Barnaamiskii Iskaa wax uqabso hada waxaa la wareegay Dugsigii Sare ee Muuse Galaal koox NGO ah oo wax barashada ka ganacsato waxeyna ka dhigteen Jaaamacad si ay dhaqaalo uga helaan waxaa kalooy la wareegeen Dugsigii Sare ee Cusmaan Geedi raage ee isna ku yiilay isla Degmada H/Wadaag gaar ahaan xaafada Tokiyo
    Boobka baahsan ee lagu hayo Goobahii dan ta guud waa mid xi xowli ah uga socda Magaalada Muqdsho waana Bililiqo iyo Booob sharci daro ah Dowlada Faderalka ah na wey ka qabsatay in dhaha hadii aysan ba raali ka aheyn hadaba bahda wargeysyada Soomaaliyeed ee cadaalada jecel waa in ay ka had laan Boobakan naxariis darada ah ee ka socdo magaalada Muqdisha Danyartii Soomaaliyeed waxaa lagu wadaa Dagaal wajiyo badan bal is weydiiya Soomaaliyeey Danyartii ay dowladii dhexe ee soomaaliya ay Iskuulada u dhistay waxaa maan ta la wareegay Daneys tayaal manxayaal ah ee dhaqaala doona laakiin ILAAHEY wuu arkaa Dulmigaan socda ee masaakiinta lagula dagaalamayo. dhan wal ba. Qof wal bo oo Soomaali ah waa in uu xaqa iftiimiyaa baadilkan ka hortagaa.
    wa bilaahi towfiiq.