Home » Warar »

IGAD oo Dawladda Federaalka ka Dalbatay in ay soo gudbiso Qorshe lagu dhisayo Jidadka Gala Wadamada Deriska…

Golaha Wasiiradda Dawladda Federaalka ayaa “ka dooday soo jeedin ka timid urur goboleedka IGAD kaasoo looga dalbaday Dawladda Soomaaliya inay soo gudbiso qorshe ku saabsan dhisme laba Jid oo ka mid ah Jidadka gala Wadamada Deriska ah taas oo ay ku tabaruceen dhismaheeda si uu u fududaado isu socodka dalalka ku bahoobay ururka IGAD, sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti,” sidaas waxaa shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon.

Warsaxaafadeedka oo dhamaystiran hoos ka akhri:

Shirka Golaha Wasiirada

Muqdisho, Isniin, January 7, 2013—–Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay xaruntooda maaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo warbaahinta la hadlay markii la soo gebagebeeyey shirka ayaa u sheegay in ay uga doodeen arrimo ay ugu muhiimsanaayeen Ammaanka iyo horumarka ay ciidamada Qaranku ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobollada dalka, taasoo lagu wiiqay awooda kooxaha nabadiidka ah.

Wasiirka ayaa ka warbixiyay howlgalada ay ciidamada Dowladdu ka wadaan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, halkaasoo ciidanka Dowladdu kula wareegeen degaanno cusub oo ay awood uga saareen kooxihii Nabad-diidka ahaa ee shacabka ku dhibaateynayay goobahaas.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ee Xukuumadda ayaa Guddi u saaray sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa waxqadka Xukuumadda ee boqolka (100) maalmood oo ay ka harsantahay mudo yar. Waxaana loo saaray Guddi ka kooban 5 Wasiir iyo 3 xubnood oo ka socota Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Golaha ayaa sidoo kale ka dooday soo jeedin ka timid urur goboleedka IGAD kaasoo looga dalbaday Dawladda Soomaaliya inay soo gudbiso qorshe ku saabsan dhisme laba Jid oo ka mid ah Jidadka gala Wadamada Deriska ah taas oo ay ku tabaruceen dhismaheeda si uu u fududaado isu socodka dalalka ku bahoobay ururka IGAD, sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti

Ugu danbayntii Golaha ayaa isku raacay in la sameeyo Ciidamada sida deg degga u hawlgala ugana jawaaba dhacdooyinka ka dhaca magaalda muqdisho, kuwaas oo loogu talagalay inay hawl gallo fuliyaan marka la soo gaarsiyo dignino ku aadan arrimaha nabad galyada, iyadoo isla markaa loo samaynayo dadka ku dhaqan Muqdisho telefoono ay soo garaacaan marka ay arkaan wixii halis ku ah nabad galyada.

—-DHAMAAD—-

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the Prime Minister
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " IGAD oo Dawladda Federaalka ka Dalbatay in ay soo gudbiso Qorshe lagu dhisayo Jidadka Gala Wadamada Deriska… "

  1. Awes says:

    Waa idin salamay dhamaantiin sida aad udhantihiin Somlitak.
    Salaan kadib, waxaan idinku hanbalyeeynayaa qoraalada aad soo qortaa oo intooda badab ku salaysan wanaag. Oo uuna kamidyahay qoraalkaan halakan kuqoran, oo ah mid aad u xiisa badan.
    Hadii ay tahay sida uu qoraalka ama loo tixraaco, waxaa laga dhadhan sanayaa wali in wasiirada dawlda Somaliya aysan fahansaneen habka sare ee dawladu ula shaqeeyso wadamada ay wax lawadaageyso. Iyada oo ilaalinayso qaran nimadeeda, xaqdhooraysana dawladaha ay wax lawadaagayso ha ahadaan darika ama kuwa ka fog. Hadii aan u fahmay si sax qoraaka, waxaa dawlada Somaliya la soo jeediyey in ay keenaan qoraal qosho jidadka isku xirayaa wadamada dariska ah mise!!!!!
    Iyadoo Somaliya aysan laheen wadooyin wanaagasan iyo adeeg wanagaasn ee qaranka Somaliyeen xuduukal ay leeyhiin. Marka dhaqaalaha lagalinaayo jidaka galaayo wadamada dariska maxay u soo kordhinayaan waan in lays waydiyaa? Iyadoo aan Somaliay gudaheeda dhisnayn. Maxayse ku tahay dawlada Somaliya wasiiradooda, markii layihaado dhinaca jirinaa maamul dawladeed?

  2. Yaasiin says:

    Asckm Waa wax wanaagsan in wadooyin taga wadamada deriska aanahay in la dhisaa si ay horumar ugaaraan dadka degan wadamadaas waliba qaas ahaan degaanada Somali Galbeed iyo NFD waa dhul soomaayieed wadooyinkaas hadii ay hirgalaana waa Horumar usoo kordhay dhamaan Soomaalida Bariga Africa degta laakin waa in si wanaagsan looga fakaraa wadooyinka meesha la marsiinayo iyo qaabka ay noqo nayaan iyadoo la ilaalinayo Deegaanka .
    Asckm.