Home » Warar »

Madaxweynaha Dawladda Federaalka oo Gaarey Sudaan si uu uga qayb galo Xuska Xornimada Wadankaas

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafddi uu Hoggaaminayo ayaa Maanta Jan 1, 2013 ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Magaalada Muqdisho.Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa isla Barqanimadii Maanta ka Degay Garoonka Diyaaradaha Khartoum ee Dalka Suudaan iyagoona ka qayb galaya Xuska Konton iyo Todoba Guurada ka soo wareegtay Markii Suudaan ay ka Xorowdey Gumaysigii Ingiriiska.

Markii ay Diyaaraddii sidday Wafdiga Madaxweynaha ay ka degatay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada khardduum ayaa waxaa halkaas ka sii qaaday Diyaarad kale oo ka dejisay Magaala Madaxda Gobolka Blue Niil.Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir Madaxweynaha Suudaan ayaana halkaa si diiran ugu soo dhaweeyay Wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa uu ka qayb galayaa Munaasibadda Konton iyo Todobo Guurada ka soo wareegtay Markii uu dalka Suudaan Xoroobay isagoona wada hadalo ku aadan Xiriirka labada Dal la yeelan doona Madaxweynaha Suudaan.Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay halkaa joogaan waxa ay ka qayb galayaan Mashuurc Ballaaran oo Biya Xireen aah oo halkaa laga dhaqan geliyay isagoona halkaas Khudbad ka jeedin doona.

Booqashadan uu Madaxweynuhu maanta ku tegay Dalka Suudaan ayaa waxa ay noqoneysaa tii ugu horeysey ee uu Dalkaa ku booqdo tan iyo markii loo magacabay Madaxweynaha Soomaaliya isagoona booqashad Suudaan kaddib booqan doona Dalal ku yaala Mandiqadda Afrikada Bari.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.