Ma Suurtoobeyso Labo Lah-jadoodd inaan rasmi ka dhigno oo is feer cararahayo, Waraaysi SomaliTalk..
Shariif Saalax Maxamed Cali, oo ah Guddoomiyihii Hore ee Guddigii Qoraalka Far-Soomaaliga, ayaa SomaliTalk waraysi kula yeelatay Jabuuti, isagoo ka qayb gelayey kulankii 40-guuradii ka soo wareeytay qoristii Afka Soomaaliya, (waraysigaas oo uu qaaday Maxamed Allman ka daawo Video hoose).
Shariif Saalax waxa uu ka warbixinayaa heerarkii uu soo maray qorista farta ama Afka Soomaaliga. Waxana si qoto dheer uga hadlay qoritaankii ugu horeeyey ee Af-Soomaaliga oo sida uu xusay ka soo bilaabanaysa 1814-kii.
Heerarkaas uu soo maray Afka Soomaaligu waxay qaarkood lahaayeen dhumuc, qaarna waxay ahaayeen heerar yaryar, ayuu yiri, isagoo intaas raaciyey: 1920-kii ayey ahayd markii ay soo bilaabatay qorista rasmiga ah ee Soomaaliga, ilaa xilligaasna waxaa lagu taamayey in si rasmi ah loo qoro.
1950-maadkii ilaa laga soo gaarayey xornimadii 1960-kii, waxaa socdey dood ah sidee loo qori lahaa af-Soomaaliga, taas oo bulaan weyni socdey nooca loo qori doono, in lagu qoro Carabi ama laatiin.
Markii xornimadii la qaatay kaddib ayaa 1961 waxay dowaladii u horesey arrintaas u saartay guddo loo xulay sidii ay u qori lahaayeen Far-Soomaaliga, guddigaasi waxay ku dhamaadeen hab is khilaaf ah iyo is qabqabsi ayadoo guddiga uu mid kasta watey qaab loo qorayo taas la isku khilaafay. Waxaa markaas dawladdu keensatay khubaro ka socdey Unesco, taasina ma dhicin in laga miro dhaliyo
Waxaa mudaharaadyo ka dhaceen Soomaaliya lagaga soo horjeedey in lagu qoro laatiinka, waxaana dadka laga dhaadhiciyey in ay ka soo hor jeestaan in lagu qori laatiinka, taas oo masaajidda laga iclaamiyey in shacabku ka soo hor jeestaan waayo, ayey yiraahdeen, “Laatiin waa Laa-diin”.
Markii ay dhalatay dawladdii Kacaanka waxaa ku yaboohday in waxyaabaha y qaban doonto ay ka mid noqonayaan qorista Afka Soomaaliga, waxayna arrintaas guddi, waxana Shariif Saalax Maxamed Cali sheegay in uu ka mid ahaa guddigii xilligaas ay dawladii u magacawday qorista Far-Soomaaliga.
Shariif Saalax waxa kale oo uu ka hadlay dib dhacyada ku yimid horumarinta Far-Soomaaliga, kaddib markii dawladii dhacdayna waxa af-Soomaaligii noqday Jaantaa rogan, ayadoo naxwahii uusan hagaagsanayn.
Waxa kale oo uu xusay waxyaabaha hadda loo baahan yahay sidii lo hormarin lahaa Farta Soomaaliga, iyo sida loogu baahan yahay in la mideeyo guud ahaan sida naxwaha. Waxana uu sheegay sida uu ugu raja wayn yahay in afkani u kobcayo oo uu gaari doono heer wanaagsan.
Isagoo xusaya lahjadaha waxa uu sheegay in ay Af-Soomaaliga u yihiin kabitaan ama kobcin, laakiin Af Soomaaligu uu yahay hal mid oo rasmi ah.
Ugu dambayntii Shariif Saalax waxa uu soo jeediyey waxyaabaha loo baahan yahay si Af-Soomaaligu u gaaro horumarka la tiigsanayo, loogana gudbo lahjadaha, taas si loo gaarona waxaa loo baahan yahay, ayuu yiri, saddex qodob oo ah:
1. In la helo Far-Soomaali qoran oo cilmi ku dhisan oo wax lagu barto, isla markaasna ah midda xafiisyada looga shaqeeyo, fartaas oo ah tan la isku raacsan yahay qoraalkiisa.
2. In aan ogaano in Af-Soomaaligu ka weyn yahay hal lahjad, taas oo ah in lahjadaha kale ay kaabaan ama ku darsamaan Afka Soomaaliga.
3. In qofkasta uu ku dadaalo sidii Af-Soomaaliga uu u cilmiyayn lahaa, isla markaasna in la joogteeyo Af-Soomaaliga ayadoo la joogtaynayo far-Soomaali qoran oo dadka midaysa, aan isku raacno inagoo ogaanaynayna Far-Soomaaligu in uu ka weyn yahay lahjad, anagoo tixgelinayna in lahjadahaasi ay ku jirto hodon-tinimada Afka Soomaaliga.
Waraysiga Shariif Saalax Maxamed Cali ka daawo Videoga hoose:
Qorista Afka Soomaaliga waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay dabayaaqadii sannadkii 1972-dii, markaas oo luqadda Afka Soomaaligu uu ku soo biiray luqadaha qoran ee Afrika, ayadoo ardayda Soomaaliyeed fursad wanaasgan u heleen in ay afkooda hooyo wax ku bartaan.
Wixii ka dambeeyey burburkii dawladii hore ee Soomaaliya waxaa dib u dhac ku yimid Afka Soomaaliga, laakiin, in kasta oo aysan jirin dawlad ama hay’ad si gaar ah ugu xilsaarnayd horumarinta Afka Soomaaliga, haddana Internetku waxa uu ka qayb qaatay kobcinta Afka Soomaaliga, ayadoo dadka Soomaaliyeed ay Internetka isugu gudbiyaan afkaarahooda iyo wararka oo ku qoran Far-Soomaali.
Taas oo jirta, haddana weli waxaa qorayaasha dhibaato ka haysataa sidii ay eray bixin ugu heli lahaayeen kelmedaha la xiriira farsamada casriga ah – tusaale ahaan sidii eray bixin rasmi ah loogu heli lahaa cilmiga computerka.
Waxaana hadda la soo gaaray xilligii la sii hormarin lahqaa luqadda Afka Soomaaliga oo u muuqata mid xididaysanaysa.
Warbixintii hore ee Sannad guuradii 40-naad ee Afka Soomaaliga ka akhri halkan
waxaa aragti ka dhiibayana qoraalka afka hooyo ,mudadii aan heysanay dawlad nimada,oo aysa naga bur-burin siyaabo kala duwan afka hooyo looga hirgeshay gobalada iyo dagmooyinka iyo weliba tuulooyinka,intaa waxaa sii dheer in la sameeyey habeenkii in la baro dadka waa ween,markii ugu dembeyse iskuulka ayaa lugu qaata maada kasta afka hooyo lugu dhigayey,hadey noqoto saynis,hadey noqoto kamisteri ,hadey noqoto fisikis,iwm
tiknoolajada socoto afka hooyo waa laysku saxaya ee marnaba yaa saluug la gelin,rag badan oo ku fiican ere bixinta iyo dhalin yaro fahmi karta intaba waa heleena,ee ha lugu dhigo iskoolaadka.