Home » Warar »

Hayaan Media Center oo Aqoon Isweydaarsi ku Aaddan Khatarta Gudniinka Firconiga u qabatey Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta

Kulan looga hadlay sidii Bulshada looga waciygelin lahaam loogana hortagi lahaa Caadadaas Xun ee waxyeelada loogu geysanayo Gabdhaha Soomaaliyeed, islamarkaasna loo suulin lahaa gudniinka Fircooniga ee dhibaatada ku haya gabdhaha Soomaaliyeed..

Muqdisho: Waxaa Hotelka Palace City ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Tababar ku aadan sida Warbaahinta Door Muhiim ah uga qaadan lahayd ka hortaga Gudniinka Fircooniga , waxaana soo qabanqaabiyey ama Hirgeliyey ururka Hayaan Media Developments Center , waxaana dhinaca Dhaqaalaha ku Taageerey Uruka HIRDA , waxaana ka qaybgaley Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta,Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta iyo Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdishakuur Cali Mire , Ururka Nusoj, Fanaanka reer Jabuuti Farxaan Xiddig iyo Qaybaha kala Duwan ee Bulshada.

Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta iyo Boostada isgaarsiinta Cabdirisaaq Yuusuf Bahlaawi oo u mahadceliyey intii soo qaban qaabisey Tababarkaan isagoo kula Dardaarmey Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta in ay Bulshada ka wacyigeliyaan Dhibaatada Baaxada weyn ee uu leeyahay Bulshada Gudniinka Fircooniga ee FGM ,waxaa kale uu sheegey in Warbaahinta ay tahay Aalad Bulshada ku toosin karta sidoo loo Dabargoyn lahaa Caadadaas xun lagu dhibaateynayo Gabdhaha Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Wasiir ku Xigeenka Warfaainta iyo Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdishakuu Cali Mire uu u Mahadceliyey Hay’adaha Hayaan Media iyo HIRDA uu sheegey in ay yihiin kuwa doonaya in Soomaaliya laga Cirirbtiro Gudniinkaas isagoo sheegey in Warbaahinta ay tahay mida Bulshada ku Hogaamin karta sidii Bulshada looga Dabargoyn lahaa Gudniinkaas isagoo ugu baaqey qaybha Warbaahinta in sameeyeen Barnaamijyo Bulshada looga Wacyigelinayo Gudniinka Fircooniga.

Cabdi Daahir oo ka socdey Hayada HIRDA oo isna ka Hadley Furitaankii Tababarkaasi ayaa sheegey in Hayadiisa ay Muhiimada Saari doonto sidii Bulshada looga waciygelin lahaa isagoo sheegey in Warfaafinta iyana looga baahan yahay sidii door Muhiim ah uga qaadan lahayeen ka hortaga Caadadaas Xun ee waxyeelada loogu geysanayo Gabdhaha Soomaaliyeed , sidoo kale waxaa ka Hadley Kulankaas Shiikh Cumar Xerow oo sheegey in aysan jirin meel Diinta uga taal in Gabdhaha la jeexjeexo

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Shiikh Axmed Gabballe oo sheegtey in Dunida uu ka si Dabargo’ayo Gudniinka Fircooniga ee Gabadhaha marka laga reebo dadka Soomaaliyeed oo aan fahamsaneyn Dhibaatada uu Gabdhaha u leeyahay Gudniinka , waxay kaloo sheegtey in Warbaahinta ay yihiin kuwa Baabi’in kara Gudniinkaas oo ay sheegtey in uu Dhibaato weyn ku hayo Gabdhaha Somaaliyeed , waxaa kaloo ka Hadley Marwo Jamiilo oo ah Haweeney si aad ugu Takhasustey Dhibaatada Gudniinka Gabdhaha waxayna si faahfaasan ugu dheeraatey noocyada Gudniinka ee ka jira Dunida gaar ahaan Qaarada Afrika waxayna u soo jeedisey Warbaahinta in ay sameeyaan Barnaamjiyo Wacyigelin ah.

Ugu Dambeyntii waxay ka qayb galayaasha Tabarbarkaasi ay soo jeediyeey in dadka ku howlan Gudniinka la soo taago Maxakamad si looga abaalmarin Dhaawaca ay u geysteen Gabdhaha Soomaaliyeed sidoo kale waxay soo jeediyeen in Dowlada looga baahan yahay in ay soo saarto Sharci ku aadan Gudniinka Gabdhaha sidoo kale waxay u soo jeediyeen Ragga in aysan Guursan Gabdhaha Gudniinka Farcooniga loo Gudey ,waxaa kaloo la isku raacay in Waalidiinta Gabdhahooda aysan marna u ogolaan in Gabdhahooda loo Gudo qaabka Fircooniga

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.