Home » Warar »

Garoowe oo lagu xir xirey Odoyaal, Islamarkaana lagu Diley Sarkaal ..

Ciidamada Ammaanka ee Maamulka Puntland ayaa Xabsiga dhigay illaa afar Odey oo ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka ee Puntland. Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ah Nabadoonada Caanka ka ah Puntland ayaa Ciidamadu Xabsiga dhigeen iyadoo horenba ay u Xirnaayeen illaa afar Odey oo kale.

Xiritaanka Nabadoonadan ayaa yimid ka gadaal markii Nabadoonkaas iyo Nabadoono kale Magaalada Garoowe ay u tageen shirar arrimaha Puntland looga hadlayo taasoo Maamulka Faroolana uu hore u shaaciyay in shir aanay Xukuumaddisu fasixin in lagu qabto gudaha Maamulkaas.

Odoyaashan ayaa ujeedka ay halka u tageen waxa ay ahayd sidii ay u hor joogsan lahaayeen Khilaaf Maamulka Puntaland iyo Mucaaradkiisa u dhaxeeya taasoo maalimihii u dambeeyay dhinaca Warbaahinta isu adeegsanayay.

Kooxahaas Mucaaradka ayaa ka soo horjeeda in Xukuumadda Faroole ay Muddo kordhis samaysato halka Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroolana uu ku doonayo in hal sano oo kale uu Xukunka kororsado ama loo kordhiyey.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa ku macneeyay xarigga Odoyaashan mid looga hor tagayo falal amnidarra ah.

Wararka kale ee naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ayaa sheegay in xalay Fiidkii (Isniin) Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada ammaanka lagu dilay gudaha Magaalada Garoowe. Sarkaalkan oo lagu Magacaabi jiray Col, Cabdullaahi Muuse ayaa Rag Bastoolado ku Hubaysani ay toogteen xilli uu ka soo baxayay Farmashi ku yaala Magaalada Garoowe kaasoo doonayay inuu raao gaari halkaas u yaalay.

Si kastaba waxaa maalmahan dambe laga soo deyrinayaa Ammaanka Puntland oo xisaadi ka jirto gaar ahaana dhinaca Siyaasadda iyadoo Cabdiraxmaan Faroole uu xilka uga eg yahay Bisha soo socoto , waxaa sidoo kale Pundland gaarey Cadde Muuse oo wadda dadaal uu ku doonayo in Xal laga gaaro aarimaha la isku haysto.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.