Home » Warar »

Madaxweyne Xasan “Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa u Hor marey Taariikh Xun Maanta Taariikhdaas Xun Meesha waa ka baxdey”

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maalinimadii shalay waxaa uu kulan kula qaatay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas. Kulankaas labada Mas’uul markii uu soo gabagaboobey ayaa waxa ay si wadajir ah u qabteen Shir Jaraa’id oo ay uga hadlayeen Natiijooyinkii ka soo baxay kulankoodaas.

Ugu horeyntii waxaa shirka Jaraa’id ka hadlay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo sheegay in Cilaaqaadka u dhaxeeya labada dal uu yahay mid aad u wanaagsan isla markaana ay soo dhaweynayaan Cilaaqaadkaas sii xoogeysanaya maalinba maalinta ka danbaysa.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya iyo Itoobiya taariikh xun ay u hor martay hase yeeshee xiligan laga gudbay Taariikhdii xumeeyd ee labada dal ka dhaxaysey isagoona farta ku fiiqay in Xumaantaas iminka lagu bedelay Wanaag.

Haile Mariam oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa ugu horeynba sheegay inuu si weyn ugu farxsan yahay imaatinka Itoobiya ay yimaadeen Wafdiga uu hor kacayo Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya. Haile ayaa sheegey dhankooda in ay la shaqaynayaan dawladda Federaalka Soomaaliya isla markaana si aad ah u taageersan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ciidamo Itoobiyan ah ku Sugan Gudaha Soomaaliya isagoona si gaar ah u tilmaamay Gobolka Gedo kuwaasoo uu sheegay in ay taageerayaan oo ay tababarayaan Ciidamada Dawladda. Ra’iisul Wasaare Haile Mariam ayaa ku adkaystay in Ciidamadooda ay sii joogayaan Soomaaliya illaa laga helayo Ciidamo Amisom ah oo hawshaa kala wareega.

Hadalkan Ra’iisul Wasaaraha ayaa imaanaya xilli Ciidamada Itoobiyaanka ay ku sugan yihiin qaybo ka mid ah Gobolada Bay iyo Hiiraan halkaasoo Hawshii ay ka hayeen badankooda ay la wareegeen Ciidamada Amisom ee ka socda Midowga Afrika

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.