Home » Warar »

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka Warbixisey Kulamo ay la Qaadatay Seddax Mas’uul oo ka Tirsan Kenya.

Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya ahna Ra’iisul Wasaare ku Xigeen oo haatan Booqasho ku joogta Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa ka warbixisey Kulamo ay la qaadatay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya.

Fawsiyo ayaa sheegtay kulamadaas ay la yeelatay Mas’uuliyiinta Kenya in ay kala hadashay arrimo fara badan oo uu ugu horeeyo Xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.iyo Wadanka Kenya Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in arrimihii ay isla soo qaadeen ay ka mid ahaayeen sidii Soomaaliya ay ugu biiri lahayd Ururka Ganacsiga Afrikada Bari.

Fawsiya oo hadalkeeda sii wadaya ayaa intaa sii raacisey in waxyaabihii kale ee labada dhinac ay ka wada hadleen in ay ka mid ahayd Ciidamada kiinyaanka ee ku sugan Gobolka Jubada Hoose iyadoona farta ku fiiqday in meesha laga saaray shakigii mudada jiray ee ahaa in Dawladda Kenya ay dooneyso inay saameyn ku yeelato dhinaca Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa xustay in dhamaanba qodobadii ay isla soo qaadeen Xukuumadda Kenya in ay isla meel dhigeen .Danjiraha Dawladda federaalka Soomaaliya ee Dalka Kiinya Maxamed Cali Ameeriko oo ka hadlay Kulankii ay Wasiirka arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ay la yeelatay Mas’uuliyiinta Kenya waxyaabihii looga hadlay ay ka mid ahayd Maxaabiis ka badan Boqol oo ku xir xiran Dalka Kenya isla markaana dawladda Kenya ay balan qaadday in arrinta Maxaabiistaas dib u eegis lagu samayn doono.

Si kastaba Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada Nairobi uu soo gaaro Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo Wasiiraddu safarkiisa u sii gogal Xaareysey iyadoo madaxweynaha uu weli ku sugan wadanka Jabuuti.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.