Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta halkaa Xaalad Deggaanaansho ay ka jirto ka dib marki ay ka dhaceen dagaalo Qaraar,Shalay gelinkii ayaa waxaa halkaa ka dhacay dagaal Muddo Saacado soconayay oo u dhaxeeyay Ciidamada Dawladda iyo Xarakada Shabaab.
Dagaalkaan oo muddo soconayay ayaa waxaa Guulo ka sheegtay Xarakada Shabaab oo sheegtay in gebi ahaanba gacan ku haynta Magaaladaasi ay la wareegeen isla markaana ka saareen Ciidamadii Dawladda ee halkaa hore ugu sugnaa. Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Dagaal Rogaal celin ah oo ay soo qaadeen Ciidamada Dawladda iyo kuwa ahlu sunna in ay u suurta gashay inay dib ula wareegeen Magaalada ka gadaal markii ay halkaa ka baxeen Ciidamadii Xarakada Shabaab ee Duulaanka ku soo qaaday Magaalada Beled xaawo ee Gobolka Gedo.
Dad fara badan oo Dagaaladii shalay ka Barakacay ayaa u tallaabay dhinaca Madheera kuwaasoo ka cararay dagaaladii shalay halkaa ka dhacay. Magaalada Beled Xaawo ayaa muddooyinkii u dambeeyayba ahayd meel Nabdoon isla markaana ay dadkeedu xiligan ku hawlanayaan Hawlahoodii caadiga ahaa.
Dhinaca kale Afhayeenka dhinaca Hawl Galada ee Xarakada Shabaab Shiikh Cabdulcasiis Abuu Muscab oo la hadlay Warbaahinta Xarakada Shabaab Afkeeda ku hadasha ayaa ka warbixiyay Dagaalo iyo Hawl galo ay Ciidankooda ka sameeyeen Gobolada Gedo Shabeelaha Hoose iyo Banaadir.
Afhayeenka ayaa ugu horeynba ka hadlay Dagaal Ciidamadoodu ay ku qaadeen Ciidamo kuwa Dawladda ah ee ku sugnaa Duleedka Magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo. Dagaalkaas ayuu Muscab sheegay in Ciidamadoodu kaga gacan sarreeyeen kuwii Dawladda isla markaana ay ku qasbeen in gudaha Magaalada ay galaan.
Abuu Muscab oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Dagaalkaas gudaha Magaalada la isla galay ugu dambayntii ay ku guuleysteen in gebi ahaanba ay halkaa ka saaran Ciidamadii dawladda gacan ku haynta Magaaladuna ay iyagu u haraan. Sheikh Cabdulcasiis ayaa intaa ku daray in Gabbal dhici Shalay ay Magaalada ka baxeen ka gadaal markii ay ka gaareen Ujeedaddii ay ka lahaayeen dagaalkaas.
Afhayeenka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Dagaalo Jidgooye ah oo ay ku qaadeen Ciidamo marayay Degaankka Leego isagoona Dagaalkaasna sheegay in ay Gaadiid Ciidamadu Dawladdu lahaayeen ay ku gubeen Ciidamo gaaraya illaa shan iyo Tobana ay ku dileen isagoona ugu dambayntiina soo qaaday in Habeen hore ay hawlo galo Ciidamadooda ka sameeyeen Xaafadaha Waxara Cadde iyo qaybo kale halkaasna ay ku laayeen Ciidamo fara badan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Warsaxafadeedka hoose oo ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Oo Kulan La Qaatay Taliyeyaasha Iyo Teliye Ku Xigeennada Xoogga Dalka Soomaaliyeed…..WARSAXAAFADEED
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta kulan deg deg ah la qaatay Taliyeyaasha iyo Taliye Kuxigeennada Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kulankaasi oo daba socday kulan saacado ka hor ay Muqdisho wadajir kula yeesheen Madaxda Sare ee Dalka iyo Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Taliye ku xigeenka Ciidammada ahna Abaanduulaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan,Taliyeyaasha Gaasaska iyo Taliyeyaasha Guutooyinka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ugu horeyn kulanka ayaa looga hadlay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo hirgeliyo go’aannadii kasoo baxay kulankii hore ee maanta ka dhacay Madaxtooyada waxaana Wasiirka iyo Taliyeyaasha Ciidammada ay si gaar ah diirada u saareen in la xoojiyo dhismaha Ciidammada Xoogga Dalka si loo helo Ciidammo leh dishibiliin kuwaasi oo kasbada kalsoonida shacabka.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa ku ammaanay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiisha hogaanka u ah sida ay ugu dahabar adeygeen marxaladihii adkaa ee ay lasoo kulmeen ayadoo Wasiirkana uu xusay iney sabab u yihiin Ciidammada Xoogga Dalka isbedelka maanta uu dalku ku jiro isbedelkaasi oo uu ugu horeeyo in Dalka gudihiisa lagu dhiso Dowlad aan KMG aheyn.
“anigoo og runtii kartidooda Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka horeyna aan usoo wada shaqeynay hadana waxaan u wada shaqeynaynaa si kalsooni leh iyo karti inagoo ka wada shaqeyneyna in dalku uu helo Ciidan Dishibiliin leh taasi oo ah xalka kaliya ee lagu heli karo Ciidammo si hufan u guta waajibaadkooda”ayuuu yiri Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka Difaaca Dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga Dalka ayaa dhanka kale tilmaamay in dhowaan duleedyada magaalada Muqdisho laga bilaabi doono dayactirka xerooyin gaaraya Seddex kuwaasi oo la doonayo in Ciidammada lagu xareeyo waxaana uu Wasiirka Gaashaandhigga arintaasi uga mahad celiyey Madaxda sare ee Dalka sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Wasiirka ayaa xusay in go’aannada fulinta qodobadii kasoo kala baxay kulammada maanta lagula xisaabtami doono Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana uu rajo ka muujiyey in dhammaan go’aannadaasi ay hirgalaan.
Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa yiri “waxaa naga go’an Soo celinta sharafta iyo karaamada Ciidammada Xoogga Dalka sida kaliya ee lagusoo celinkarana waa ayadoo la wanaajiyo dishibiliinka ciidanka taasina waan xoojin doonnaa si ay u ilaaliyaan sharafta iyo karaamada Shacabka”
……DHAMAAD………….
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.