Home » Warar »

Muqdisho oo laga Xusey Maalinta Caalimiga ah ee Dambiyada Aan la isku Ciqaabin ee Qaybta ka ah Saxaafada

Ururka Suxufiyiinta Qaranka oo Sheegay in ay Wadayaan Dadaal ay ku Doonayaan Sidii Wariye Ibrahim Maxamed Aadan Xoriyaddiisu dib ugu Heli lahaa.

Waxaa Maalintii Shaley ahayd kuna beegneyd 23 Nofembar oo ah Maalinta Caalimiga ah ee dambiyada Aan la isku Ciqaabin taasoo Qayb ka ah Saxaafadda  ayaa Xaflad ku saabsan Maalinkii waxay ka dhacdey Magaalada Muqdisho waxaana Munaasabadaas ka qatbgaley Qayabha kala duwan ee Warbaahinta , Madaxda Dowlada , iyo Marti Sharaf

Waxaa halkaas warbixin ka soo jeediyey Xaghayayha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed  Maxamed Ibraahim Bakistaan oo sheegey in sannadkaan uu ahaa Snnadkii ugu dhabaatada  Badnaa Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaana la diley Tiro gaareysa 18 waxaa la dhaawacay 21 Saxafi , waxaa kale uu sheegey in tacadiyadaas loo geystey Saxfiyiinta in tooda Badan ay ka Dhaceen Goobaha ay maamusho Dowladda  Federaalka

Xaghayaha waxaa uu ku booriyey Dowlada Federaalka in ay gacan ka geystao sidii Baaritaan rasmi ah loogu sameynlahaa Tacadiyadaas oo uu sheegey in ay ahaayeen kuwii ugu Xumaa ee ka dhaca Dalka sidoo kale waxaa uugu baaqey in Saxaafiyiinta in ay Tabiyaan warar xaqiiqo ah  oo ay joojiyaan wararka maraca qaar u keeni kara Dhibaato.

Xuska Maalinta Saxaafada Adduunka waxay ku soo beegantey Iyadoo maalintii Afaraad Magaalada Muqdisho uu ku Xiran yahay Wakiil Wareedkii BBCda laanteeda afka Soomaaliga ee Muqdisho Ibraahim maxamed Aadan ayaa waxaa arrintaa iminka dadaal ka wada Ururka Suxufiyiinta Qaranka Nusoj.

Xoghayaha Guud  ee Ururkaasi Maxamed Ibraahim Bakistaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay u sii marayaan sii deynta Wariyahaas mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda federaalka Soomaaliya gaar ahaana Xarunta Madaxtooyada.

Bakistaan ayaa tilmaamay in wariyahaas ay Xiratay Maxkamad Ciidamada Qalabka sida ah sidaa darteedna ay iminka ku hawlahan yihiin sidii Wariyaha Maxkamad Rayid ah loogu soo wareejin lahaa Kiiskiisa kaddibna halkaa looga sii deyn lahaa.

Xoghayaha guud ee Nusoj ayaa sheegay in iminka dadaalka ay wadaan uu meel fiican u marayo isla markaana ay raja wanaagsan ka qabaan in ay soo daayaan wariye Ibraahim Maxamed Aadan. ayaa muddo afar maalmood ah ka hor Xabsiga loo taxaabay ka gadaal markii sida la sheegay uu ka been sheegay warar ku saabsanaa Xukun ay ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka SIda.

Wariyahan oo Idaacadda BBCda laanteeda afka Soomaaliga wararka uga diri jiray Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu maalintii Afaraad u Xiran yahay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda taasoo ku Eedeyneysa inuu Warar Been ah ka gudbiyay

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.