Home » Warar »

General Maxamuud Qaafoow “Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Waxaa Ka Ammar Qaata, Ciidanka XDS, Isagaana Xukuma oo Loo Magacaabey, Ciidanka AMISOM Amma Ururka Midowga Afrika, Taliye Loo Magacaabey Bay Leeyihiin…” wareysi

Madaxa hogaan xiriirka dibadda ee ciidamada xooga dalka soomaaliyeed General Maxamuud Maxamed Xasan (Qaafoow) oo ahaa taliyihii hogaaminayey saraakiisha siminaarka ugu soogebageboobey Hoteel Kempinski oo aan wax ka weydiiyey dhismaha ciidamada qaranka soomaaliyeed, ciidamada Ajnabiga ah ee dalka soomaaliya jooga, cida ay ka ammar qaataan, maadaama qaarkood ay ku yimaadeen “heshiis dowladeed” iyo arrimo kale oo muhiim ah ayaan ugu horey waxaan su’aalney:

Qaabka siminaarka uu u dhacay iyo qaabka aad hore u shaqeyneyseen maxay ku kala duwan yihiin oo bal is-bar bardhig ku sameey? Wuxuu ku jawaabey “wadankan labaatan sanno ayuu bur bursanaa, siduu u bur bursanaa ayey ciidamadiisu u bur bursanaayeen, tababarkii, sharcigii, aqoontii ee Law and Oder-kii ayaa dhumey, ragga maskaxdooda banni-aadaninimada qaarkeedba wuu ka baxsanaa, marka kan mar haddii maskaxdoodii dib loo sooceliyey, aqoon cusub la barey, waxaa weeye wax weyn bey ku sookordhineysaa oo faa’iidana waa u leeyahay”.

Isagoo ka hadlaya saraakiishan ayaa wuxuu yiri “saraakiishan waa kuwii hore ee ciidanka xooga dalka soomaaliyeed, wax hal iyo labo oo dhalin yaro ah oo saraakiisha biiga ah waa ay ku jiraan, laakiin waa saraakiil fiican oo taf ah oo la qabsankara kuwii hore marka loo eego kuwii hore”.

Ciidamadii xooga dalka soomaaliyeed marka loo eego barisamaadkii, waxay ka mid ahaayeen kuwa ugu awooda badan afrika, haddaba maanta waa kuwo siminaarada noocaan oo kale loofidinayo, ma isleedahay qaabka hadda ay hawshu u socoto iyo qaabkii hore marka is-bar bardhig lagu sameeyo, waa wax si dhakhso ah lagu gaarikaro heerkii hore ayaan weydiiyey Gen. Maxamuud Qaafoow? Wuxuuna ku jawaabey “maya, isma lihi,

suuragalna ma ahan dowlad KMG ah ayaan ku soojirney, bil keliya ayaan ka baxney, isla hadda ayaa ciidamadii xooga dalka soomaaliyeed la mid ahaan kara, arrinkaas annigu ma qabo, waxay u baahan yihiin ciidamadu iyo saraakiishu tababar, waqti ayey qaadaneysaa in ciidamada xooga dalka soomaaliyeed ay noqdaan ciidankoodii hore sida ay ahaan jireen”.

Gen. Qaafoow waxaan keloo weydiiyey, maxaa hortaagan in la dhiso ciidamadii xooga dalka soomaaliyeed ee dadka iyo dalka difaaci jirey?

Wuxuu ku jawaabey “horta annagu waxaan ahayn dad dowlad KMG ah leh ayaan ahayn, awood aan annagu dowlad xiriir kula yeelano oo ciidamo nootababara aan dhahno iyo dowladaas dan ay naga leedahay iyo heshiis annaga dhexdeena ahu ma dhicikarin oo dad la haayey oo laga celinaayey in niman dhalinyaro ah amma shabaab la marin habaabiyey in dadkooda dib u gumaadaan ayaa nalaka horjoogey oo awoodeenu aysan ku fileyn runta marka looyimaado, haddeer ayaan noqoney dowlad madax bannaan, haddana waad ogtahay wali xukuumadii lama dhisin, haddii xukuumada la dhiso, heshiisyada uu kabineydka cusub uu la gelidoono caalamka ayaa laga rabaa inay al-baabada u furan xasilinta iyo degenaanta, ammniga iyo tababarka ciidamada iyo wax kasta oo qaranimadii ku saleysan, waana hadda iyo kuwo bilow waxa oo dhan”

General Maxamuud Maxamed Xasan (Qaafoow)

Sidee ku dhismayaan ciidan qaran oo soomaaliya ay lahaato, iyadoo ciidan kale oo shisheeye qandaraas sooqaatey oo hawl ka fulinaya dalka soomaaliya ay joogaan oo labada ciidan mid kasta dano gaar ah uu leeyahay? Ayaa wuxuu ku jawaabey “ waa suurageleysaa, waxaa weeye madaxweynaha dalka ayaa xukuma ammniga iyo dalkuba, waana dowlad madax bannaan, wuxuuna heshiis la gelikaraa dowladaha kale ee caalamka, haddii uu suurageliyo, cidaas ayaa ciidamada dhisidoonta oo tababaridoonta, markii ciidamadu aqoon, saraakiil ahaan iyo ciidan ahaan awood ay ku fulinkaraan ay gaaraana wadankooda waa la wareegikaraan, walaallahayaga noo soogurmadey ee gacanta siiyey qaranka soomaaliyeedna ee meeshaan joogno na soogaarsiiyey waa loo mahad-celinkaraa oo xeryahoodii ayaa dib loogu celinkaraa”.

Tabeelaha Siminaarka

Gen. Qaafoow waxaan keloo weydiiyey ciidamada ajnabiga ah ee dalka soomaaliya jooga yey ka amar qaataan? Waxaa uu ku jawaabey “Taliyaha ciidanka xooga dalka soomaaliyeed waxaa ka ammar qaata, ciidanka xooga dalka soomaaliyeed, isagaana xukuma oo loo magacaabey, ciidanka AMISOM amma ururka midowga Afrika, taliye loo magacaabey bay leeyihiin oo ay ka ammar qaataan, laakiin waxaa naga dhexeysa in ay nala shaqeeyaan oo ay gacan na siiyaan oo waajibka taliyahayagu bixiyey ee annagu inaan fulino nagu addag inay gacan naga siiyaan”.

Fadhiga Guud ee siminaarkii ka dhacay Jabuuti

Gen. Qaafoow waxaa kale oo aan su’aaley ciidamadani waxa ay ku yimaadeen heshiis dowladeed, heshiiskuna waxaa uu lahaa qodobo, haddaba maadaama ay heshiis ku yimaadeen ma ayagaa ammarka bixiya, mise dowlada soomaaliya? “kuma xad-gudbaan shuruuda ay ku yimaadeen, sida ay ku yimaadeen ayey ku shaqeeyaan, dadd waxay rabaan suubiyana ma ahan, waa dadd annaga gacan nasiiya, wax culeys ah iyo wax dhibaato ahna kama jiraan”.

Shir Gudoonka Saraakiisha siminaarka joogey

AKHRI: G/sare Cabdibashiir “Maah maah Militeri ah, Ayaa Waxay Dhigeysaa Askariga Ha Qorin Addigoon Macallin U Haynin, Qorigana Ha U Dhiibin Addigoo Aadan Barin Cadowgiisa Iyo Saaxiibkiisa…”

Sawirka guud ee siminaarka

Dhammaad
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.