Home » Warar »

Mid ka mid ahaa Odoyaashii Dhaqanka ee Wax ka Ansaxiyey Datuurka oo lagu Diley Muqdisho

Malaaq Isaaq Ibraahim Xasan oo ka mid ahaa Nabadoonada Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa xalay kooxo hubaysan waxa ay ku Toogteen Gudaha Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.Marxuumka oo ka mid ahaa odoyaashii dhawaanta soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana ka mid ahaa Ergedii waxa ka ansaxisey Dastuurka ayaa lix Nin oo Bastoolado ku Hubaysan ay weerar ku soo qaadeen dhowr xabadoodna ku dhufteen.

Marxuumka ayaa Xabadihii ay Kooxdaas ku rideen waxa ay ka haleeleen Madaxa iyo Saableeyda kaasoo dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka Daaru’Shifaa ee Magaalada Muqdisho halkaas oo uu ugu dambayntiina dhaawicii Rasaastaas ka soo gaaray ugu dhintay.

Malaaq Isaaq oo ka mid ahaa Malaaqyada sida aadka ah looga tixgeliyo Gobolada Bay iyo Bakool ayaa ka hor inta aan la dilin waxaa uu ka soo laabtay booqasho uu ugu tagay Xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle isagoo xiligana isu diyaarinayay inuu dib ugu laabto Magaalada Baydhabo oo ahayd Magaaladii laga keenay.

Malaaq Isaaq ayaa noqonaya Nabadoonkii uu horeeyay ee Degmada waaberi lagu dilo tan iyo markii la soo xulay Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.Ma jirto Cid sheegatay illaa iyo iminka Dilka Nabadoonkaas in kastoo Xarakada Shabaab ay hore ugu hanjabeen in ay Dili doonaan cid kasta oo Ansixisa Dastuurka ama wax ka soo xusha Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.