Home » Warar »

Warbixin iyo Waraysiyo SomaliTalk Jabuuti

Sii hayaha Xildhiga Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhiga Muuse Cabdulle “…Wariyayaashu Waxay Ka Mid Yihiin Dadka U Shaqeeya Shacabka Oo Gaarsiiya Fariimaha Dalka Ka Jira Wanaag Iyo Xumaan Waxa Ay Yihiinba, Waana Ka Xunahay In La Dilo, Laakiin…”

G/sare Cabdibashiir “Maah maah Militeri ah, Ayaa Waxay Dhigeysaa Askariga Ha Qorin Addigoon Macallin U Haynin, Qorigana Ha U Dhiibin Addigoo Aadan Barin Cadowgiisa Iyo Saaxiibkiisa…”

General Maxamuud Qaafoow “Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Waxaa Ka Ammar Qaata, Ciidanka XDS, Isagaana Xukuma oo Loo Magacaabey, Ciidanka AMISOM Amma Ururka Midowga Afrika, Taliye Loo Magacaabey Bay Leeyihiin…”wareysiyo kulul

Warbixintan waxaan ku eegidoonaa, taariikh kooban oo dhinaca Ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ku saabsan, siminaar lagu soogebagebeeyey caasimada dalka Jabuuti iyo wareysiyo aan la yeelaneyno sii hayaha agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhiga, madax hogaanka xiriirka dibada ee ciidamada xooga dalka soomaaliyeed iyo mid ka mid ah saraakiishii ka qayb-gashey siminaarka lagu soogebagebeeyey Jabuuti, inta aynaan u gudagelin waraysiyadeena, aan ku bilowno.

Tan iyo wixii kadambeeyey dowladii lagu soodhisey magaalada Carta ee dalka Jabuuti iyo dhammaan Dowladihii KMG-ahaa, sida ay u dhan yihiin waxay aas aasayeen wax lagu sheego ciidanka qalabka sida, kuwaasoo marka si guud loo eego intooda badan ahaa kuwo laga soo uruuriyey ciidan beeleedyada iyo maamulada macamalka ah ee ka hanaqaadey dalka soomaaliya mudadii bur burka, islamarkaana tababar loogu dirayey dowladaha gobolka, kuwaasoo marka ay dalka dib ugu soonoqdaan ku kala biirayey beelahooda iyo ururadii amma hogaamiye kooxeedyadii laga soo kexeeyey.

Mana jirin ciidan buuxiyey haykalkii dowladnimo ee ciidanka qalabka siday ee dalka iyo dadka soomaaliyeed uu lahaan jirey gaar ahaan ciidamadii Xooga dalka soomaaliyeed iyo Booliskii qaranka soomaaliyeed, bal ee waxay dhaawacayeen magacii ciidanka qaranka uu lahaan jirey, sababtoo ah, waxaa dhegaha shacabka iyo kuwa kale ee caalamka buuxiyey isku dhaca dhexdooda ah ee xiliyadan KMG-da lagu jirey, waxayna dhibaato u geysteen shacabkii loo sootababarey in ay ilaaliyaan, waxayna lumiyaan dhammaan kalsoonidii dadka iyo dalka soomaaliyeed iyo tii guud ee caalamka aynu ku lahayn.

Taasina waxay keentey in waqtiga KMG-ka uu fogaado, waxaa wali baadi goob loogu jiraa sidii lagu soocelin lahaa nidaamkii iyo kala dambeyntii, iyadoo la iska indhatirayo sida saxda ah. Sababbtoo ah soomaaliya waxay lahayd ciidan qaran oo la isku hubo dhinac kasta, marka loo eego ciidamada qaaradda afrika.

Berisamaadkii, soomaaliya waxay ka gashay kaalinta seddaxaad xaga ciidanka. Ciidankaasina ma ahayn ciidan Ajnabi ah oo laga keenay dowladaha deriska iyo kuwo gobolka, mana ahayn ciidan tababar loo weydiisan jirey dowladaha afrika qaarkood, bal ee soomaaliya ayey u soodoonan jirey tababar, ciidankaasina ragii ka mid ahaa wali way joogaan, marka laga reebo tiro saraakiil iyo shekh-siyaad siyaabo kala duwan loogu laayey dagaaladii sokeeye dhexdood iyo Dowladihii KMG-da ahaa.

Sababtoo ah ciidamada xooga dalka soomaaliyeed, waxay lahaayeen qaybo kala duwan sida 21, 26, 27, 54, 60, 77 iyo seddax saldhig oo waaweyn. Tiro ahaan waxay ahaayeen kuwo ku filan geeska afrika tayada awoodooda dagaal iyo xaga khibrada, waxayna u diyaarsanaayeen sidii ay ku hanan lahaayeen qaybaha dhul ee ku harey gacanta gumeysiga, balse ciidankan inta uusan bur burin nidaamkii guud ee dowladii dhexe ayey bur bureen. Taasoo muujineysa bur burka soo gaarey qaranka soomaaliyeed inuu yahay mid guntiisu ay aad u dheer tahay walina shacabka soomaaliyeed islama fahmin, sababta keentey arrintaas!.

Waxaa dhintey nidaamkii iyo kala dambeyntii ay lahaayeen ee isugu jirey talisyo, Saldhigyo, qaybo kala duwan, gaasas, guutooyin, ururo, horimo, kooxo iyo unugyo, taasoo muujineysay sida ay u habeysnaayeen iyo isku xirka awoodooda guud. Dhamaan xarumahan iyo saldhigyadan waa kuwo haawanaya, ilaa iyo hadda ma jirto xarun amma saldhig wax ay ka nool yihiin marka laga reebo qaybaha 26-aad iyo 54-aad ee Gobolada Woqooyi iyo Garoowe oo ay ku lahaayeen, kuwaasoo iyaguna habb ka gedisan nidaamkii loo aas aasey loo isticmaalo xiligan.

Waxaa furan xuduudihii dalka bad iyo berri, dhamaan xurumihii qaybaha ciidamada xooga dalka soomaaliyeed iyo saldhigyadii ay lahaan jireen qaarkood, waxaa xiligan ku sugan ciidamo ajnabi ah, sida qaybihii 21- aadi yo 60-aad waxaa jooga ciidmada Itoobiya oo aan ka tirsaneyn AMISOM, islamarkaana ahayn ciidamo soomaaliyeed, dadka soomaaliyeedna dareeno kala duwan ayey ka muujinayaan. Xeebaha Badda soomaaliya, waxaa jooga ciidamo lagu sheegay NATO iyo Kuwo kale, taasoo aan sharci fasaxay oo dalka iyo dadka soomaaliyeed uusan jirin. Waxaa kale oo xidada loo siibey dhammaan beer miineedyadii la dhigey xuduudd beenaadyada qaranka soomaaliyeed uu la lahaa dowladaha deriska, waxaana laga adeejiyey wax lagu sheego NGO,syo wadani, si ay u fududaato soogelitaanka iyo ka bixitaanka dembiilayaasha iyo cadowga Ummadda soomaaliyeed ee ku xadd guba jiritaanka UmmaddeedIWM, taasina waa nabar muuqdo oo aan daawadiisa lahayn iyo arrimo kale oo aan halkaan ku xusikarin!!.

Dadka soomaaliyeed waxay xiligan is-weydiinayaan halka uu ku dambeeyo ciidankoodii iyo guud ahaan damiirkii Qowmiyada soomaaliyeed ay lahayd, waxaa wax laga xumaado ah in saldhigyadii ay lahaayeen ciidamada xooga dalka ee Raas-kaambooni ay fadhiyaan ciidamada Kiiniya, iyagoo bilowgii dalka si xadd gudub ah ku soogaley, islamarkaana si aan sharciga waafaqsaneyn haddana loogu biiriyey ciidamada AMISOM, iyadoo waliba aysan ilaa iyo xiligan ujeedadii loogu biiriyey AMISOM aysan inta badan ku dhaqmeyn oo danaheeda kale ay ka wadato, ragii ahaan jirey ciidamada Xooga dalka soomaaliyeed wey dhegeysanayaan waxa dhegahooda ku soodhacaya iyo ficilada ka dhacaya hortooda way u jeedaan oo wey ka aamusan yihiin!!.

41 Sarkaal oo isugu jira qaybaha kala duwan ee ciidanka xooga dalka soomaaliyeed uu lahaan jirey, ayaa Siminaar lagu baranayo xeerarka dagaalka ee xuquuqda aadanaha oo ay sooqaban qaabiyeen ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ee ka hawl-gala koofurta dalka soomaaliya loogu soo gebagebeeyey 31/10/2012 Hoteel Kempinski ee Caasimadda dalka Jabuuti.

Aqoon is-weydaarsigan oo soconayey seddax maalmood, islamarkaana ahaa kii ugu horeeyey oo loo qabto ciidan soomaaliyeed tan iyo intii ay bur burtey dowladii dhexe ee soomaaliya ayna wax ka dhigayeen khubaro isugu jirta soomaali iyo xubno ka socda dalalka Afrika, ayaa Sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhiga dowlada soomaaliya Muuse Cabdulle oo hogaaminayey xubnahan oo aan wax ka weydiiyey ujeedada socdaalkooda, tirada xubnaha ku wehliya, qorshahooda ku aadan dilalka wariyeyaasha, farqiga u dhexeeya qaabka uu siminaarka u socdey iyo habkii hore oo ay ciidamadu u hawl-geli jireen iyo sida ay ugu guuleysankaraan in la xakameeyo dembiilayaasha ka gudba xuduudaha dalka soomaaliya iyo kuwa soogala, maadaama ciidamadii xooga dalka soomaaliyeed aysan wali buuxin kaalintooda ayaa isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yiri

“siminaarku wuxuu inoogu dhamaadey guul, waxaana jecel nahay siminaarada soo socda in dalka gudihiisa lagu qabto si dad badan oo ciidanka ah ay uga faa’iideystaan, ujeedada siminaarkuna waxay ahayd, sidii loo bari lahaa ciidanka xooga dalka soomaaliyeed habka ay ula dhaqmi lahaayeen shicibkooda maadaama uu ciidanku hawl-galo ku jiro, islamarkaana waxa ay la dagaalamayaan uusan ahayn dowlad ku sooduushey, balse ay yihiin dad soomaaliyeed oo mucaarad ah sida shabaab oo kale islamarkaana aysan sidan direys ciidan, lana kala saarikarin iyaga iyo shacabka, si ay u bartaan dembiyada dagaalka waxa ay yihiin iyo dhowrista xuquuqda bani’aadamka ayuu ku saabsanaa siminaarka”.

Agaasime Muuse oo aan wax ka weydiiyey farqiga u dhexeeya qaabka uu siminaarka u socdey iyo habkii hore oo ay ciidamadu u hawl-geli jireen, ayaa wuxuu yiri “waxaan aaminsanahay in ciidanku ay ka faa’iideysan doonaan waxa ay halkaan ka barteen, runtii dembiyada dhaca marka la eegay badankooda waxaa lagu micneeyey in ay ku yimaadaaan aqoondaro”

Sii hayaha agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhiga Muuse Cabdulle

Agaasimaha mar aan waydiiyey xuduudaha dalka waa ay furan yihiin, waxaa soogala dadd dembiilayaal ah, waxaana ka baxa kuwo kale oo dembiileyaal ah, ciidamadii xooga dalka soomaaliyeed xuduudaha dalka waxba kama oga, sidee ugu guuleysankartaan arinkaas? Ayaa wuxuu ku jawaabey “ arrintaasi waa arin jirta oo aan la inkirikarin, sidaad ogtahayba dowlada duulaan ayaa lagu sooqaadey oo magaalada muqdisho afkeeda lama tegikarin, haddana waxaa alle mahadiisa ah in dowladu meelo badan oo dalka ka mid ah la wareegtey, waana la wareegney inta badan markaad fiirisid gobolada intooda badan waloow meelo kale oo furan oo dhinaca badda u badan ay jiraan, laakiin xuduuda Kiiniya inteeda badan waa la dabooley dhinacaan Itoobiya badanaa waa daboolan yihiin, waxaana rajeyneynaa in ay ciidamadu gaaraan meel kasta oo xuduud ah oo ay waajibaadkooda ka gutaan dadaalkeeduna waan ku jiraa oo waan ku guuleysaneynaa haddii alle idmo”.

Agaasimaha-guud mar aan weydiiyey maadaama wariyayaashu ay yihiin ilaaliyayaashii qaranka soomaaliyeed xiligan, islamarkaana dilal loogeysto, addiguna aad tahay agaasimihii guud ee wasaaradda gaashaandhiga, muxuu yahay qorshihiina arinkaas ku aadan? Ayaa wuxuu ku jawaabay “horta qof soomaali ah in la dilo waa na dhibeysaa, gaar ahaan wariyayaashu waxay ka mid yihiin dadka u shaqeeya shacabka oo gaarsiiya fariimaha dalka ka jira wanaag iyo xumaan waxa ay yihiinba, waana ka xunahay in la dilo, laakiin dhacdooyinkaas waxay ka mid yihiin waxa dalka ka dhacaayo, saraakiisha ayaa la dilaa, ciidanka ayaa la laayaa, madax ayaa la dilaa, wariyayaashuna Ummadda ayey ka mid yihiin, maadaama iyagu ay yihiin dadkii loo soomarinayey fariimaha shacabka u socda in la dilo waan ka xunahay waana ka tacsiyeyneynaa, waxaana jecelnahay in la badbaadiyo wariyayaasha iyo dadka kale ee soomaaliyeed guud ahaanba”.

SII AKHRI: G/sare Cabdibashiir “Maah maah Militeri ah, Ayaa Waxay Dhigeysaa Askariga Ha Qorin Addigoon Macallin U Haynin, Qorigana Ha U Dhiibin Addigoo Aadan Barin Cadowgiisa Iyo Saaxiibkiisa…”

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Warbixin iyo Waraysiyo SomaliTalk Jabuuti "

  1. Wiil Yar says:

    Sii hayaha agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhiga Muuse Cabdule:

    “…Xuduuda Kiiniya inteeda badan waa la dabooley dhinacaan Itoobiya badanaa waa daboolan yihiin, waxaana rajeyneynaa in ay ciidamadu gaaraan meel kasta oo xuduud ah …”. Hadalkiisa wuxuu sii raaciyay “Waxaana rajeyneynaa in ay ciidamadu gaaraan meel kasta oo xuduud ah”.

    Mudane Muuse Cabdule, waxaan u maleynayaa in ereyg “xuduud” macnaha uu xambaarsanyahay ka lunsanyahay.

    Inkastoo waqtigeyga yaryahay hadana waxaan diyaar u ahay inaan isaga seminaar khaas ah u furo – si aan u dhuuxno macnaha ereygaasi.