Home » Warar »

Madaxweynaha Kenya oo Ereteriya u soo jeediyey in ay kala Qayb qaataan Nabadda Soomaaliya

Madaxweynaha Dawladda Kenya Mwai Kibaki ayaa Qoraal u diray Dhiggiisa Eritireeya Esiyas Afawarki taas oo uu ku weydiisanayay in Xukuumadda Eritireeya ay ka qayb qaadato Nabadda Gobolka Geeska Afrika. Madaxweynaha Dawladda Kenya ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay kala shaqaynayso Eritireeya sidii looga qaadi lahaa Cuna qabataynta haatan saaran.

Madaxweynaha ayaa Qoraalkaas uu u diray Xukuumadda Eritireeye waxaa uu ka dambeeyay ka gadaal markii dhawaan Sarkaal ka socday Dalka Eritireeya uu soo gaaray Magaalada Nairobi halkaas oo uu wada hadal kula qaatay Madaxweynaha Kenya Kibaki.

Madaxweynaha Kenya ayaa Qoraalkiisa ku sheegey in Xukuumadda Kenya ay Ciidamo u dirtay gudaha Soomaaliya kuwaas oo dagaal kula jira dagaalyahanada Xarakada Shabaab oo ka soo horjeeda Dawladda Soomaaliya isagoona farta ugu fiiqay Asmara in ay qayb ka noqoto dadaalka looga soo hor jeedo Dagaalyahanada Xarakada Shabaab.

Xukuumadda Asmara ayaa hore u sheegtay inaysan jirin wax Taageera ah oo ay siiso Xarakada Shabaab iyadoona Qaramada Midoobay ka codsatay in laga qaado Cunaqabataynta saaran Xukuumadda Eritireya. Dawladda Kenya ayaa waxaa ay ka mid ahayd Dawladihii sida aadka ah ugu ololeynayay sidii Cuna qabatayn loo saari lahaa Eritireeye oo ay ku eedeyneysey inay qayb ka tahay falalak amnidarro ee ka jira Geeska Afrika.

Si kastaba labada Xukuumadood ayaa iminka isaga soo dhawaanaya Dipolomaasi ahaan heerarkii ay markii hore kala joogeen iyadoona la filayo in Xukuumadda Kenya ay u codeyso sidii Urur Goboleedka IGAD u ogolaan lahaa in Eritireeya ay dib ugu soo noqoto. Kaddibna looga qaado Cunaqabataynta saaran.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.