Home » Warar »

Magaalada Toronto – Canada oo Si Weyn Looga Ciiday

Toronto:-Waxaa maalinkii Jimcaha oo ay ah taariikdu ahayd October 26,2012 lagu tukaday Markazka weyn ee Dar-ul-Hijra Islamic Centre ee ku yaal magaalada Toronto ee Dalka Canada Salaaddi Ciidul Adxada .

 

Dadka Muslimiinta ee halkaas isugu soo baxay oo kumayaal gaarayay ayaa waxaa wajigooda ka muuqday farxad iyo rayn rayn .

Khutbadi Ciidda waxaa halkaas kasoo jeediyay Sheekh Saciid Raage oo ah sheekh aad caan ooga ah waddankaan guud ahaan umadda Muslimiinta dhexdooda,gaar ahaanna umadda Somaliyeed. Waxaa kale oo madasha ciidda hadallo koo koooban kasoo jeediyay salaadda ka hor C/rasaaq Cumar Godane oo ah Guddoomiyaha Guddiga Markazka Dar-ul-Hijra iyo Sh. C/khaaliq C/llahi imaamka Markazka.

Markii Salaaddii Ciida ay dhamaatay ayaa dadkii waxaa ay bilaabeen in ay iskugu hambalyeeyaan ciida ,dabadeed waxaa halkaas lagu soo bandhigay qalab ay Caruurtu ku ciyaaraan iyo raashin kala duduwan oo lagu wada farxay oo socday maalinki oo dhan.

Allah waxaan ka baryeynaa in uu naga aqbalo Camalkeenna Suuban.Amiin.

Taqabalallahu Minnaa Waminkum Saalixul Acmaal. Ciid Mubaarak.

Sawirada ciidda Toronto hoos ka daawo ama Halkan ka eeg…

somalitalk's totonto2012 album on Photobucket

jazaakumullah,

Video

C/rashiid Cali Maxamed
Maamulka Markazka Dar-ul-Hijra
info@darulhijra.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.