Home » Warar »

Golaha Isutaga Masaajidda Woqooyiga Ameerika oo Tahniyadda Ciidul-Adxaa u diray Ummadda Soomaaliyeed

(The north America Council Of Imams)
Golaha isutaga Masaajida ee W/maraykanka waxay tahniyad ku began Ciidul-Adhxaa ugu tahniyadaynayaan Dhamaan Umada Islaamka ah.Gaar ahaan Umada soomaliyeed,dal iyo dibadba.

كل عام وانتم بحيرو, تقبل الله لنا ولكم صالح الآعمال

.

نهنئكم حلول العيد السعيد و نرجو لكم دوام الصحه

وجميع المسلمين بخير و عافيه ويعود علينا العيد نقولها لكم … من العايدين

Waxaana leenahay illaahay hanaga aqbalo camalka kiisa fiican,ciidaan ciideeda kalana ilaahay hanagu gaarsiiyo Cibaado suuban iyo Cimri dheer oo idwato.Sidoo kale goluhu wuxuu illaahay ka baryahayaa in umada islaamka ah gaar ahaan umada soomaaliyeed ka dulqaado dhibaadata ku raagtay oo dal,dad,iyo duunyaba baa’bi isay,Waxaana u rajaynaynaa inuu illaahay dawlad caadil ah oo kitaabka allaah wax ku xukuntaa illaah u dhaliyaa..Amiin-Amiin.Goluhu Wuxuu si gaar ah ugu Dardaarmaya Jaaliyadaha ku nool wadanka dibadiisa arimahan hoose:-

1-In lagu dadaalo ku toosnanta Awaamiirta Illaahiga ah,waana waxa sharfata lagu gaaro aqiro iyo adoonbo.

2-In jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ay ku dadaalaan ku xirnaanta Masaajida iyo Madaarista islaamiga ah,rag dumar ,iyo caruurba.

3-Jaaliyada somaaliyeed ee qurbaha ku nool waa inay ku dadaalaan isku duubnaanta,kana fogaadaan cudurada dilooday soomaalida,dhaxalsiiyayna dhibaatada haysataa manta,sida Qabyalada iyo xaasidnimada.

4-Jaaliyada soomaaliyeed ee qurbaha ku nool waa inay ka fogaadaan,farahana lagalin fitanta ka socoto soomaaliya oo taabatay meelo badan waxna aanan han bayn.

5-Jaaliyada soomaaliyeed eek u nool qurbaha waa inay ku dadaalaan barashada ciliga sharciga ah si ay ugu badbaadaan qurbaha ay joogaan uguna nabad gasho diintooda.

6-Jaaliyadu waa inay ku xirnaadaan Culimadooda si ay uga badbaadaan arimo badan oo is dhexgalay,dhaawacayana diintooda toosan,loona ikaysiinayo diin,sida ku milanka dadyowga kale oo aanan diinta saxda ah haysan.

7-Jaaliyada soomaaliyeed wuxuu goluhu ugu baaqayaa inay sii xoojiyaan taageerida ay lagarabtaagan yihiin masaajida iyo maraakista islaamiga ah,ayna ku dadaalaan sidii ay u dhamaystiri lahaayeen masaajida iyo maraakista qabtyada ah,ee uu goluhu ku hawlan yahay dhamaystirkooda.

Illaahbaa iskale Mahad oo dhan.

Madaxa Fulinta ee Golaha Isutaga Masaajida Waqoyiga Maraykanka.

Sh C/llaahi Abul-fadli. 10/25/12 .
kulmiye99@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.