Home » Warar »

Ciidamadii Kenya oo Faaruqiyay Jaamacadda Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ka dib markii ay Dhufeys ka Dhigteen .

Ciidamada Kenya ee dhawaan soo galey Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa waxa ay fariisin ka dhigteen Jaamacadda Magaalada Kismaayo oo ku taala Dacalka Magaalada taasoo ay wax ka baran jireen Boqolaal Ardey,Ciidamada Kenya ayaa Jaamacadda gudaheeda ka samaystay Fariisn Ciidan ama Dhufeys iyagoona Isticmaalayay Dhismaha Jaamacaddaas oo ahayd mid si gaar ah loo leeyahay.

Degitaankii Ciidamada Kenya ee Jaaaicaddaas ayaa waxa ay Keentay in Halkaas ay isaga Cararaan Ardeydii iyo Maamulkii jaamicadaas iyagoona ka cabsi qabay in dhibaatooyin ay ka mutaan Ciidamada Kenya ka ee la wareegay Jaamicadaas.

Dhawaan ayay ahayd markii Maamulka Jaamacaddaasi uu soo gudbiyay Cabasho ku aadan Dhibaatada ay Ciidamada Kenya ku hayaan Dhismihii Jaamacaddaas iyagoona ku Eedeeyay Ciidamadu in ay Isticmaalayaan Adeegyadii Jaamacadda sida Korontadii iyo Biyihii.Guddoomiye ku Xigeenka Jaamicadda Kismaayo Cabdulqaadir Shiikh Maxamed oo Waraysi siiyay Warbaahinta ayaa iminka xaqiijiyay in Ciidamadii Kenya ee ku sugnaa gudaha Jaamacaddaasi in ay isaga guureen.

Guddoomiye ku Xigeenka ayaa sheegay in xiligan aysan u suurta galayn in Jaamacaddii ay dib ugu laabtaan hase yeeshee Waxbarashadii Ardeyda ay si ku meel gaar ah uga socoto qaybo kale ee Magaalada.Cabdulqaadir ayaa intaa ku daray in ay sameynayaan dib u dayactir Degaankii hore ee Jaamacadda inta ay hawshaas ka dhamaystirayaan ay si ku meel gaar ah ugu sii shaqayn doonaan halka ay iminka ka wadaan waxbarashada.

Guddoomiye ku Xigeenka Jaamacadda Kismaayo ayaa ugu dambaytii ka hadlay Ardaydii dhiganaysey Jaamicaddaas oo qaarkood ay ka carareen Dagaaladii laga cabsi qabay in ay ka dhacaan Magaalada Kismaayo kuwaasoo uu sheegay in qaar ka mid ah ay haatan dib u soo laabteen halka qaar kalena ay weli ka maqan yihiin Waxbarashadoodii

Ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya ayaa inta badan waxay Dul degaan Goobaha Adeegyada Bulshada waxaana Magaalada Muqdisho , qaar ka mid ah Goobihii dhawaan ay gaareen iyo Guryo dad gaar ah leeyihiin ay fariisin ka dhigtaan ilaa iyo haatana Dowlada waxba kama qaban Cabashada Shacabka .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.