Home » Warar »

Xuseen Carab Ciise “Haddii aan ka Baxney Ku meel Gaarkii waa in ay Qaramada Midoobey naga qaado Cunaqabteynta Hubka”

Sii hayaha Xilka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa Qaramada Midoobay weydiistay in Soomaaliya laga qaado Cunaqabataynta dhinaca Hubka ah ee ssaaran. Mr Carab oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegey in Soomaaliya ay iminka ka baxday ku meel gaarnimadii isla markaana ay buuxisey Shuruudihii looga baahnaa sidaa darteedna ay weydiisanayso in Cuna qabataynta saaran laga qaado.

Sii hayaha Xilka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Soomaaliya Shuruudihii looga baahnaa ee ay ka mid ahaayeen inaan caruurta la askareyn ay shardigaasi buuxisay isla markaana dhowritaanka Xuquuqda Insaanka ay si weyn u ilaaliso Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya haatan loo dhisay in ay wax badan ka qaban doonto dhinacyada la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo waxyaabihii hore loogu eedeyn jiray Soomaaliya oo ka mid ahayd Xad gudubyada ka dhaca sida Caruurta la Askareynayo iyo ku Tumashada Xuquul Insaanka.

Soomaaliya ayaa Sanadadii Sagaashameeyadii Qaramada Midoobay ay ku soo rogtay Cun qabatayn dhinaca Hubka ah iyadoona laga mamnuucay in wax hub ah uu soo galo Soomaaliya.Dawladiihii ku meel gaarka ee Soomaaliya hore u soo maray ayaa marar badan codsi u gudbiyay Qaramada Midoobay iyagoona ka codsanayay in Soomaaliya Cunaqabataynta Hubka ee mudada Saaran laga qaado taasoo Qaramada Midoobay aanay marnaba dheg jalaq u siin.

Si kasta ha ahaatee lama garanayo go’aanka Qaramada Midoobay ay ka qaadan doonto Codsigan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u soo jeedisay xilli dhawaan Guddiga la Socodka Cuna qabataynta Soomaaliya iyo Eritireeya ay soo jeediyeen in labadaas dal lagu sii hayo Cuna qabataynta maadaama aysan weli u Hagaasamin Sharciyadii lagu soo rogey

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.